Xubno ka socda Qaramada Midoobay oo soo gaaray Muqdisho

August 13, 2014 - Written by Editor

IMG_8614Muqdisho:-Waxaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho xubno ka socda Qaramada Midoobay oo gaaraya ilaa 15 xubnood, wafdiga qaramada Midoobay ayaa u jeedka safarkooda waxaa lagu sheegay in ay kulamo la qaataan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Maamul gobolleedyada

War soo baxay ayaa sheegay in Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas uu diiday in uu ka qayb galo shir saaka ka dhacayey  xarunta Xalane iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayna madaxda DFS ay ka codsadeen in uu ka soo qayb galo shirka ay xubno Qaramada Midoobay la yeelanayaa madaxda Soomalida

Xubnaha beesha caalmka iyo Qaramada Midoobay ayaa wada dadaal hoose oo lagu xalinayo khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray meel sare  ka dib markii Madaxweynaha Puntland Dr.Gaas uu xubnaha ugu jira golayaasha DFs uu ugu yeeray in ay yimaadaan Garoowe si loo sameeyo wada tashi.

Wafdiga Qaramada Midoobay ee soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa hogaaminaya Wakiilka Joogtada ah ee Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) u qaabilsan Qaramada Midoobay, Danjire Mark Lyall-Grant iyo Danjire Usman Sarki ee Nigeria waxaan ay kulamo la qaadanayaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulladda dalka ka jira.

Magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaa gaaray  madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe oo la filayo in uu qayb ka noqdo kulmada ay xubnaha beesha caalamka iyo kuwa qaramada midoobay ay la yeelanayaan madaxda DFS gaar ahaan  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, xubno ka tirsan golayaasha DFS , waxaa kale oo kulan ka qayb galaya madaxweynah Gal-Mudug Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid.

Wakiilka Gaarka ah ee Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK), Danjire Mark Lyall-Grant, oo la hadlay saxaafadda markii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay yimaadaan Soomaaliya  isagoo sheegay in beesha caalamku ay soo dhaweynayso hanaanka Federaalka ee Soomaaliya in la dhiso maamulo si loo dhaqan geliyo dastuurka ay soomaalidu ku hishiiyeen.

Wefdiga Golaha Amaanka ee saaka soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ka kooban yihiin wakiillada Argentina, Australia, Chad, Chile, Shiinaha, Faransiiska, Urdun, Lithuania, Luxembourg, Nigeria, Jamhiiriyadda Kuuriya, Isutagga Federaalka Ruushka, Rwanda, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) iy Maraykanka (USA).

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online