Kulankii Golaha Xukuumadda DGPL ee Khamiislaha oo go’aano laga soo saaray[War-saxaafadeed]
August 7, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Maanta oo ay taariikhdu tahay 07 bisha ogoosto 2014 xarunta Madaxtooyadda Dawladda Puntland ku shiray Golaha Wasiirada dawladda Puntland shirkaas oo Khamiis’le ah Iyadoo dood dheer iyo falanqeyn laga yeeshay xaalada dalka guud ahaan , ka dib waxaa ka soo baxay Qodobada hoos ku qoran.
Golaha wasiiradda Dawladda Puntland waxay maanta si buuxda is-kugu raaceen in la joojiyo gaadiidka leh shukaanta midig , gaadiidkaas oo sabab u ah shilka ugu badan ee ka dhaca gudaha dawladda Puntland. Sidoo kale waxaa la farayaa dhaaman shacabka wata gaadiidka leh shukaanta midig iyo sidoo kale albaabka xiga dhinaca midig oo sababa shilalka dadweynaha inay u wareejiyaan dhinaca Midig.
Dawladda Puntland waxay faraysaa dhamaan degmooyinka waaweyn ee Puntland in kaalimada shidaalku isku jirsadaan masaafo dhan 300-mitir,si loo hortago kharta ka imaan karta dab ka dhasha kaalimaas oo dhibaato weyn u gaysan kara magaalooyinka , waxaana hawshaa u xilsaaran wasaaradaha ay khuseyso iyo gudoomiyayaasha degmooyinka.
Golaha wasiirada Dawladda Puntland waxay maanta Ansixiyeen Siyaasadda faya –dhowrka iyo nadaafadda oo ay soo gudbisay wasaaradda caafimaadka.
Waxay golaha xukuumaddu ka dhageysteen warbiximo gudigii loo magacaabey gaadiidka la kala dhaco iyo lacagta ay qaadaan degmooyinka, waxaana loo xilsaarey in dhammaan howlahaas wasaaradaha ku aadan shaqadaas.
Waxaa maanta golaha wasiirada la horkeeney Siyaasadda Maareynta waxyeelada Masiibooyinka ee Puntland waxaana siyaasadaas golaha horkeenay hey’adda ka hortaga waxyeeladda masiibooyinka ( Hadma ). Waxaa sidoo kale warbixino laga dhegeystay Wasaaradaha Cadaaladda, Amniga, Shaqada iyo shaqaalaha iyo Maaliyada meesha ay marayso hawsha dib u habaynta iyo reform’ka) guud ee dalka .
Af-hayeenka Madaxtooyadda Dawladda Puntland
C/lahi Max’ed Jamac ( Quraan jecel )