Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS oo gaaray dalka Ciraaq

January 22, 2016 - Written by Editor

4Ciraaq:-Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Baghdad ee caasimadda dalka Ciraaq halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” waxaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Baghdad Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Ciraaq Dr Salim Abdullah al-Jabouri,Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalka Ciraaq iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq Marwo Amb. Khadija Maxamed Almakhzoumi .

Magaalada Baghdad horey waxaa ugu sugnaa Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ugu jira Baarlamaanka dalalka Iskaashiga Islaamka ee PUIC iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayadoo sidoo kalena ay hada socdaan shirarkii guddiyada kuwaasi oo lagu diyaarin doono ajandayaasha shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa khudbad ka jeedin doona shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka PUIC oo rasmi u bilaaban doona 24ka bishan January 2016 insha Allah.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online