Wareysi: Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale (Dhageyso)

February 20, 2018 - Written by Editor

Wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in qaadista canshuurta iibka ee alaabooyinka jumlada ah ay muhiim u tahay shaqada dawladda iyo dhismaha kalsoonida lagu qabo dawladda.

Beyle, wareysi uu siiyey idaacadda VOA ayuu ku sheegay in dawladdu ay ka shaqaynayso midaynta guud ahaan canshuuraha dalka, shirar arrintaas khuseeyana ay socdaan. Canshuurta iibka ee ay dhowaan soo rogtay dawladda ayaa waxaa ka ka hor-yimid ganacsatada oo ku dooday inay badan tahay, waxayna ganacsatadu sameeyeen shaqo joojin iyaga oo xiray goobihii ganacsiga labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Cabdiraxmana Ducaale Bayle waxa uu waraysigan ku sheegay in lacagta laga doonayo ganacsatada ay tahay waajib dawli ah oo ku qoran sharciyada waddanka. Waxaa dhinaca kale uu sheegay in dawladda Soomaaliya laga doonayo inay kasoo baxdo waajibaadkeeda saaran gudaha iyo dibedda sida inay bixiso mushaharaadka iyo inay sidoo kale guddo qaanta lagu leeyahay.

Waxa uu sheegay in bixinta canshuurta la’aanteed aysan dawladda Soomaaliya awoodi doonin inay iska bixiso kharashaadka ku baxa maamulka hawlaha dawladda. Waxaa sidoo kale uu wasiirku ka hadlay halka ay marayaan lacigihii ay dawladdu horey u sheegtay inay soo daabacayso.

Waraysiga oo dhammaystiran hoos ka dhagayso qeybtan hoose.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online