Ciidamada Puntland oo dib u qabsaday Af-Urur

June 11, 2019 - Written by Editor

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa maanta dib ula wareegay tuulada Af-urur ee gobolka Bari oo saddexdii cisho ee la soo dhaafay ay gacan ku hayeen dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa tuulada Af-urur qabsaday ayada oo wax dagaal ah uusan ka dhicin, sida VOA u xaqiijyeen xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland oo halkaas tegay

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cimi Cismaan (Axmed Karaash) oo hogaaminayey qaar ka tirsan golihiisa Wasiiradda ayaa tegay tuuladda Af-urur kadib markii ay ciidamadda Puntland gacantooda ay dib ugu soo noqotay.

Mudane Axmed Karaash oo la hadlay daweynaha ku dhaqan tuuladda Af-urur ayaa wuxuu u sheegay inay is dejiyaan noloshoodana ay caadi dib ugu soo celiyeen.

Ma aha markii ugu horeysay ee deegaanka Af-Urur ay Al-Shabaab la wareegeen, waxaana dhowr jeer ka dhacay weerar iyo qaraxyo lala beegsaday ciidamada iyo dadka shacabka ah ee tuuladaas ku dhaqan, kuwaasoo dhaliyey khasaare isu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Gallan ayaa VOA qadka telefoonka ugu warramay. Waxaana uu la hadlay Jamaal Axmed Cismaan.

VOA Somalia Halgan.net

Comments are closed.

Archives
June 2019
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online