Dabeecadaha gobannimada iyo Dhaqanka gunnimada W/Q Sh Dr. Abdulqani Xuseen Beder

February 1, 2017 - Written by Editor

SHIINIDA & DUKHSIGA – Labadan noole waxa ay ka mid yihiin xasharaadka duula, waa laba noole oo aad ugu kala geddisan: xagga nadaafadda, xagga shaqada, xagga ahdaafta iyo weliba dhinacyada dhibta iyo dheefta ay noolaha kale u leeyihiin.

Labadan xasharaad waxa lagu sheegay Quraanka, mid ahaan suurad baaba loogu magac daray (النحل), halka ka kalena shaqadiisa iyo abuurkiisa wax ka mid ah qaab tusaaleyn ah loogu sheegay suurad kale (الحج).

Shiinidu waa xasharaad manaafic badan laga faa’iido, waxa ay soo saartaa dareere aad u macaan oo malab la yidhaahdo, waa cunto, waa dawo, waana wax isticmaalkiisa lagu raaxayso oo nolosha bila.
Waxay kala xulataa faraawilka udugga leh noocba nooca uu ka tayada roon yahay, kana waxtar badan yahay dhinaca dawada iyo dhadhanka labadaba.

Hawshaas waxa ay gelisaa dadaal ballaadhan iyadoo mararka qaarkood u socdaasha masaafo aad uga durugsan degelka ay ka shaqeynayso ee wax ku sameynayso.

Waxa ay leedahay hab-raac maamul oo lagu faaf reebo mid kasta oo shiinida ka mid ah shaqada ay soo qabatey, gaadh ayaa jooga albaabka laga galo goobta malabka lagu sameynayo, gaadhkaasi waxa uu hubinayaa shiini kasta oo soo gelaysa faya qabka waxa ay siddo, iyadoo mid kasta oo aan ku sugnayn heerkii loogu talo galay u diida inay gasho goobta malabka lagu sameynayo, tusaale ahaan shiinida meel wasakhaysan soo martay ama waxa ay siddaa aanu gaadhsiisnayn halbeeggii loo baahnaa waxa laga celinayaa albaabka, waxaana la marinayaa abaal ciqaabeed adag.
Hadday shiinidu caan ku tahay midha midhaysiga dheefta iyo kala xulashada wanaagga, iyadoo geedba geedka uu ka wanaagsan yahay doorata, si ay u soo saarto waxa ugu wanaagsan ee aadanuhu ku intifaaci karo, DUKHSIGA waxa dhaqan u ah fadhidda boogaha buka iyo baadhista qashinka iyo qudhunka, isagoo kala doorta boogaha iyo meelaha buka ee noolaha ama maytida kale si uu u faafiyo dhibta ugu badan ee uu noolaha waxyeellada ugu weyn ku gaadhsiin karo !.

Labadaas xasharaad mid wax soo saarkiisa waa lagu farxaa oo lagu indho doogsadaa laguna intifaacaa, halka ka kale shaqadiisa la dhibsado lagu diiqadoodo, dareenka qofka iyo deganaanshihiisana u dhabqiyo marka uu arko.
Kaaga darane, labadan xasharaad aad bay isugu xajmi dhow yihiin, dhinaca muuqaalkana mararka qaarkood inuu dukhsigu dusha marka laga eego ka qurxoon yahay shiinida ayaa dhici karta.

Sida ay labadaas xasharaad u kala duwan yihiin ayey dadka Alle abuurayna u kala duwan yihiin.
Waxa jira kuwo wanaagga fura, albaabada sharka xidha, samaha qaybiya, khayrka faafiya, xumahana reeba, walaaleynta dadka iyo wada jirkooda ka shaqeeya, ummadda diinteeda iyo dadnimadeeda u waardiyeeya, wakhtigooda, hantidooda iyo danahoodana u hura siday bulshadu u wada guulaysan lahayd adduun iyo aakhiroba, anigu kuwaas waxa aan tusaale uga dhigtaa Sheekhayga Sh. Mustafe X. Ismaaciil Haaruun, Alle cumriga, cilmiga, caafimaadka, cuudka, caruurta iyo caynkasta oo wanaag ah ha u barakeeyo e.

Dhinaca kale waxa jira kuwo xasharaadkaas dukhsiga dhaqan la wadaaga, waa kuwo xumaha midha midhaysta, boogaha bulshada ee ay is leeyihiin way bukaan turturqa, waa kuwo diinta muslimka habeen iyo maalin inay sun ku afuufaan u taagan, waa kuwo xummaantu u bidhaanto, u soo urto oo aan samaha maqal iska dhaaf falliddiisa e, waxay abuuraan naxliga, waxay kala geeyaan walaaltinimada, waxay faafiyaan cuqdadda.
1. Waxay curiyaan jirrada
2. Waxay cariyaan cadhada,
3. Waxay carbiyaan cunfiga.
4. Culuumta ma xeeriyaan
5. Waxay canjilaan caqliga
6. Haddana kuma camal falaan
Kuwaasi waxay ka ugaadhsadaan mugdiga, waxay ka kaluumaystaan bullaacadaha, waxay xaabeystaan gudcurka.
Wax soo saar qiima leh ma laha, ha ahaatee faalladooda iyo falkooda, qawlkooda iyo qalinkooda ayaa ka daran virus ka uu dukhsigu ama dooryaanku sido.
Aragtidayda dad-la-moodka astaamahaas lihi way ku badan yihiin Soomaali dhexdeeda, adiguna waad tusaaleyn kartaa mid iyo laba.

Allahayow nagu badbaadi samo farista, xuma reebista, xaq u hiilinta, jeclaanta ahlu diinka iyo culimada.
Ma kula qurxoon tahay inaynu dhaqanka shiinida ee dheef gudbinta ku suntan ka dooranno dhaqanka dukhsiga ee xabaalo qodka ah, xaar walwaalkana la dhaqanka ah?
Haddaad qormadan wax uun ka faa’iideysatay fadlan share dheh si lagaaga sii daba dheefo, noqo sida shiinida.

W/Q Sheekh Dr. Abdulqani Xuseen – Beder

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online