Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Soo Gaadhay Magaalada Boosaaaso ee Gobolka Bari.[Masawiro]

February 11, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 11 February 2017 dalka dib ugu soo laabtay kana soo degey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynha iyo weftigiisa ayaa waxaa Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ku soo dhoweeyey masuuliyiinta gobolka Bari, kan Degmada Boosaaso iyo masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lahadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay waajib ahayd in Dawladda Puntland ay qayb ka ahaato isbedelka Doorasho ee Soomaaliya, isla markaana ay ka qayb gasho, kor joogtaysana isbedelka doorasho ee Soomaaliya,

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa shegay in isbedelka doorasho ee Soomaaliya uu yahay isbedelkii loo baahnaa isla mar’ahaantaana ay Puntland ku kalsoon tahay doorashada loo doortay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

‘’waxaan mudo todobaada ku maqnayn magaalada Muqdisho oo ay ay ka dhacaysey isbedelkii doorasho ee madaxweynaha Soomaaliya, Dawladda Puntland oo ka mida Dawladaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya waajib baynagu ahayd inaan tagno, ka qayb galo, korjoogtayno, isbedel kaas oo saamayn weyn dabcan ku yeelanaya itijaaha siyaasadeed ee Soomaaliya, markaa Puntland muhiim bay ahayd inay joogto oo ay ka qayb gasho.

‘’runtii isbedelka maanta ka dhacay Soomaaliya, waa isbedel khayr-qaba oo ay ku kalsoon yihiin Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya oo dhan, doorashada Madaxwweynaha DFS Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wanaag bay u tahay Puntland, Soomaaliyana guud ahaan waxaan filayaa sidaa soo kale’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay wadashaqaynta Dawladda cusub ee Soomaaliya u dhalatay, waxaana uu illahay uga baryyey inay noqoto tii Soomaaliya dib ugu usoo celisa sharafteedii, karaamadeedii iyo midnimadii Ummadda Soomaaliyeed.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marlabaad uga tacsiyeeyey shacabka Puntland iyo Ummada Soomaaliyeed meel kastay joogaan geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland General. Cade Muuse Xirsi Boqor.

Hoos ka Daawo Madaxweynaha Dawladda Puntland oo dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaaso ee Gobolka Bari.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online