Madaxweynaha JFS oo Booqday Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho (Masawiro)

February 26, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ahna Taliyaha ugu sarreeya Ciidamadda qalabka sida Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo  ayaa maanta Booqday Xabsiga dhexe ee Xamar,isagoo soo kormeeray qeybaha Xabsiga uu ka kooban yahay sida Qolalka ay ku xiran yihiin Maxaabiista, Xarunta Warshada tababarka Maxaabiista, Goobaha waxbarasho iyo xarumo kale, waxaana Madaxweynaha Xabsiga kusoo dhaweeyey   Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Wasiirka Cadaaladda Gen C/llahi Jaamac Ilka-jiir iyo Saraakiil kale.

Cutub ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Madaxweynaha Salaam sharaf siiyey,waxaana intaasi ka dib uu tagey Xarunta tababarka Maxaabiista oo ay ku sugnaayeen Maxaabiis shaqeyneysa,Isagoo soo arkay una riyaaqay Agabyadda kala duwan ee Maxaabiista ay soo saaraan.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka sheegay Munaasabad lagu qabtay Gudaha Xabiga dhexe in Taliska uu sameeyey Horumar aad u balaaran iyadoo Darruufo kala duwan ay jirreen, hadana hiigsiga Taliska Asluubta uu yahay mid sare.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa sheegay in  Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu u yeelan doonno ilgaar ah, Maadaama isaga uu kusoo koray Xarunta Agoonta Wiilasha ee Lafoole  oo ay maamulaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

‘Markii aan ku jiray Xarunta Agoonta Wiilasha ee Lafoole Barbaariyaasha joogay Xaruntaasi waxay sameyn jireen habeenkii markaan seexaneyno Caloosheyna ayey taaban jireen si ay u ogaadaan in ay gaajo na heyso iyo inkale, sidaas oo kale ayaan rabnaa in Maanta la sameeyo, ilgaar ah ayaana u yeelan doonnaa Arrimhaasi” ayuu yiri Farmaajo.

—Dhammaad—

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online