Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud oo gaaray Baydhabo
December 3, 2014 - Written by EditorBaydhabo:-Waxa dhawaan gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay Wafdi uu hoggaaminayo madax weynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud si ay uga qayb galeen xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sh. Aadan.
Wafdiga Madaxweyaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaano , wasiiro , Saraakiil ciidan, Wasiiradda wafdiga madaxweynaha ka mid ah ayaa waxaa ka mid ah Wasirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Cali Dhuxuloow, wasiirka gaashaan dhigga ee DFS Jeneraal Maxamed Sh.Xasan, wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha, Khaalid Cumar Cali iyo xubno kale.
Wafdiga Madaxweyaha DFS Xassan Sh.Maxamuud ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo waxaan hoolka ay ka dhacay xafladda caleema saarka u galbiyey ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaalia.
War oo faah faahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaah
A/cawaale
Halgan.net