Guddoomiye ku xigeenkii arimaha waxbarashada Jaamacad SIMAD oo la dilay

December 10, 2014 - Written by Editor

simadMuqdisho:-Allaha u naxariistee waxaa  saaka lagu dilay Is-goyska KPP ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho Gudoomiye ku-xigeenkii Jaamacadda SIMAD ahaan madaxii waxbarshada ee Jaamacadda SIMAD. Gudoomiye ku-xigeenkii Jaamacadda SIMAD  ayaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Maxamuud Xaamud waxaa kale oo uu ka mid ahaa  Macalimiinta wax ka dhiga Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho.

Allaha u naxariistee marxuun Ibraahim Maxamuud Xaamud  ayaa waxaa dilay koox hubaysan oo toogtay xili uu gaarigiisa watay una socoday xarunta Jaamacadda SIMAD.

Ilaa hadda  lama yaqaan kooxda dishay masuulkaan ka tiranaa  Jaamacadda SIMAD ahaan dadka wax galka u ahaa magaalada Muqdisho kuna howlanaa in ay wax baraan jiilka yar yar ee soo koraya.

Jaamacadda SIMAD ayaa mar waxaa gudoomiye ka ahaan jiray Madaxweynaha dowladda Federeelka Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud ka hor inta uusan xilkaan qaban.

Dilalka qorshayn ee loo maleego haldoorka iyo siyaasiyiinta ku nool guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa wax caadi ah ka noqday magaalada  xili marar badan ay hay’addaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegeen in ay ka hortagayaan amni xumida iyo dilalka ay magaalada ka fuliyaan amniyaadka ururka Al-shabaab iyo kooxaha kale ee burcadka ah.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online