Madaxweyne Xassan Sheekh oo dhawaan magacaabaya Ra’iisul wasaare cusub
December 15, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa lagu wadaa in dhawaan uu soo magacaabo shaqsiga uu u doortay in uu noqdo Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo hadda la sheegayo in uu la tashiyo badan sameeyey uuna soo afmeeray.
Ilaa hadda lama saadaalin karo shaqsiga noqonaya Ra’iisul waaraha DFS maadaana ay jiraan siyaasiyiin fara badan oo u gudbiyeen Madaxweyne Xassan Cv-gooda si xilkaas ay u qabtaan. Ilo wareedyo ku dhow xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa ay sheegayaan in ilaa 2 siyaasi ay iskugu soo hareen u tartanka xilka Ra’iisul wasaaraha waxaan magacooda lagu sheegay Dr Cumar Cabdirashiid Cali sharmaake iyo Xuseen Cabdi Xalane walow markas walba ay wax i bedeli karaan.
Dadweynaha reer Muqdisho ayaa aad u hadal haya in xilka Ra’iisul wasaaraha loo dhiibi doono Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo horay u soo noqday Ra’iisul wasaarihii Dowladdii KMG aheyd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Sh Shariif Sh Axmed.
Dr Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa la sheegayaa in uu hadda ku sugan yahay Magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka carabta oo xalay soo gaaray isagoo ka yimid dalka Maraykanka lana filayo in saacadda soo socda uu soo gaaro magaalada Muqdisho.
Sarkaal ku dhow xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u sheegay Halgan.net in ay dhici karto in caawa fiidkii ama galabta lagu dhawaaqo Ra’iisul wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya walow uu ka gaab saday in uu sheego shaqsiga xilkaas loo dhiibayo.
A/cawaale
Halgan.net