Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud oo saaka u ambabaxay Magaalada Kismaayo
December 18, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka u baqoolay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose waxaana socdaal ku weheliya Madaxweynaha DFS xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Soomaaliya.
Amaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa aad loo adkeeyey waxaana ka socda magaalada diyaargarow lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud.
Waa socdaalkii Labaad ee uu Madaxweynaha ku aado magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana ujeeddada socdaalkiisa lagu sheegay in uu ka qeyb galayo xaflad sagootin ah oo loo sameynayo ciidmada dalka Sierra Leone kuwaas oo dalkooda ku laaban doona waxaana lagu badali doonaa ciidamo ka socda dalalka Kenya iyo Itoobiya.
Cabdi Yare
Kismaayo