Masjidka Al-Tawxiid ee Copenhagen oo dowro diini ah u qaban doona dhalinyarada
December 20, 2014 - Written by EditorCopenhagen:-Maamulka Markazka AL-Tawxiid ee magaalada Copenhagen wuxuu Ogeysiinayaa dadwaynaha Somaaliyeed ee ku dhaqan Copenhagen iyo Nawaaxigeeda in Markazka lagu qaban doono Dowradii qaboobaha 23-28/12-2014. Cinwaanka Dowrada خيركم من تعلم القرأن و علمة
Dowradan oo isugu jirta qayb loogu talo galay in dhalinyarada Wiilal & Gabadhaba lagu siiyo duruus joogto ah, iyo qayb caam ah oo ku wajahan dadweynaha ayaa waxaa ka qayb qaadan doona culimo ka kala imanaysa Finland, Germany & gudaha magaalooyinka Denmark.
Wuxuu Markazku u diyaariyey dadweynaha ka soo qayb gelaya Dowrada cunto iyo cabitaan tayaysan aadna u jaban, ama barnaamij balaaran oo ”CUN OO CAAWI AH, kaas oo dhaqaalaha ka soo baxa lagu taageerayo Masjidka. Waxaa kale oo jirta in dhamaan Muxaadarooyinka iyo Duruustuba lagu qaban doono qaybta Masjidka & qaybta kale ee fasalada ah.
Culumada ka qeyb gali doonta Dhalinyarada dowarada loo qabanayo ayaa waxay kala yihiin.
1-Sheekh C/raxmaan Abyad
2-Sh.Abdurahman Yusuf Osman
3-Sh Hussein Qasim
4-Sh Abdurzaq Sugule
5-Sh Abdullahi Hambali
Wixii Faahfaahin ah kala soo xiriir.
Maamulka Markazka
Tlf: +45 5382 4545.
+ 45 5166 3110.
+45 6146 4671.
Ama Website-ka Masjidka Al-Tawxiid
Copenhagen Denmark
Halgan.net