War-murtiyeed laga soo saaray kulankii Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynaha S/land(Akhriso)
December 21, 2014 - Written by EditorJabuuti:-War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob ayaa laga soo saaray kulan ku dhexmaray magaalada Jabuuti Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka S/land Axmed siilaanyo kaas oo socday muddo labo maalmood ah ,
Kulanka dhexmaray Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynaha S/land ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxaana ka soo baxay godobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin
1- In la dar dar geliyo wada hadallada labada dhinac waqtina lagu jaan gooyo.
2- In arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah lagu dhiirrado lana fuliyo waxyaabihii horay loogu heshiiyey.
3- In laga dhowrsado wax walba oo wada hadallada carqalad gelin kara.
5- In aan la siyaasadeyn deeqaha bini aadamnida iyo mashaariicda horumarinta balse la dhiiri geliyo.
6- In la fuliyo heshiiskii maamulka hawada.
7- In kulammada hadii labada dhinac raali ka yihiin laga soo qayb gelin karo khubaro farsamo iyo dowlado saaxiib ah.
8- In ergooyinka labada dhinac kulanka kan xiga ku yeeshaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga 26/27 January, 2015.
no images were found
Qodobadan ayaa waxay la mid yihiin kuwii horey ay u wada gaareen labada dhinac waana markii ugu horeysay ay kulan rasmi ah ay wada qaataan Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynaha S/land
A/Cawale
Halgan.net