Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka wada magaalda Kampala Muxaadaraad (Masawiro)
December 26, 2014 - Written by EditorKampala:-Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah madaxa hay,da culimada Soomaaliyeed ayaa habeenadaan ku guda jiray qabashada muxaadaraad taabanayay meela fara badan ,iyadoo ay ku soo beegmayaan muxaadaraadkaan xilli uu caalamku u dabaaldagayo ciidaha baadilka ee gaalada
Sheekha oo ku wacyigalinayay ummada ka digtoonaanshaha waxa uu ugu yiidhay baadilka socanaya dadkuna indha la’aan ay isaga hoobanayaa
Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa qabtay habeenkii khamiista muxaadaro ay cinwaankeedu ahaa U CARARA XAGGA ALLAAH muxaadaradaan uu sheekhu jeediyay ayaa ka tarjumaysay in loo cararo xagga eebe xilli uu caalamku u cararayo xagga iyo shaydaanka.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa yiri ‘ u carrara xagga eebe isaga ayaa idinku filan iskana ilaaliya in aad ku dhacdaan dabinka ibliis iyo atbaacdiisa’ sheekha isagoo hadalkiisa watta wuxuu ummada ugaga digay in gaalada loogu tahniyadeeyo acyaadooda ama laga qaataba hadiyadaha ay ugu talagaleen dadka.
Si kasta ha ahaatee muxaadaradaa waxay ahayd mid soo wada jiidatay dhammaan jamaacadii ka soo qeeb gashay muxaadaradaa.ee Masjidka Al-Tawxiid .
Habeenkii jimcaha Sheekh Bashiir Axmed Salaad wuxuu kale oo uu muxaadaro cinwaankeedu uu ahaa KUDADAAL WAXA KU ANFACAYA ka jeediyey Masjidka Al-Tawxiid wuxuu ummada uu ku boodhinayay in ay waqtigoodu ay ugaga faaidaystaan wax anfac u leh aduun iyo aakhiraba qofkuna uu ku xidhnaado had iyo jeer allaah .
no images were found
Maalinta Birito ah oo sabti ah taariikhduna ay ku beegantahay 27/12/2014 waxaa uu Sheekhu kulan la qaadan doonaa ardayda jaamacadaha wuxuuna u jeedin doonaa muxaadaro cinwaankeedu yahay NAFTA IYO SHAHWAADKA muxaadaradaa oo ay ku qabsami doonta hoolka wayn ee jaamacadda INTERNATIONAL UNIVERSITY OF EAST AFRICA
iyadoo ay jiri doonta muxaadaro uu qaban doono sheekha habeenka axadda inshaa allaah cinwaankeeduna uu noqondoono SOOMAALIDA DHAAWACANTAY DAAWADEEDU WAAMAXAY?
Wixii intaa dheer ee inagu soo kordha waxaynu idiin soo gudbin doonnaa inshaa allaah.
Abdisamed Hassan Hersi
Halgan.net
Kampala