AL-shabaab mise Ashahaado la dirir “islaami ah”?

December 14, 2011 - Written by

Dilkii arxan darrada ahaa ee loo geystay caalimkii weynaa ee Dr. Axmed xaaji wuxuu abuuray su’aalo ay xaq tahay in uu is weydiiyo qof walba oo dareen fiyow leh, fidradiisuna dhaqan tahay, loona helo jawaabo sax ah, waaqicana looga heli karo caddeymo u markhaati fura.

Su’aalaha ku saabsan Sh. Dr. Amxed Xaaji C/Raxmaan Maxamed Xirsi yaa dilay? Maxaa loo dilay? Inta laga helayo yaqiin lagu buriyo in Alshabaab cid aan aheyn ay Ditoorka dishay, xagna qasad aan aheyn fatwadii Alshabaab, waxaa dilka sheekha loo heystaa cidda qorsheysay dilkiisa dhiiggiisana banneysay ee is daba dhigay xukunka dilkiisa iyo fulintiisa, markey god ku hubsadeenna ka tacsiyeeyay geeridiisa, ”Ilaahow afkeenna haa iyo maya hal mar ha ka wada yeersiin”.

Sida ay isu waafaqayaan in lagu dilo kadibna laguu tacsiyeeyo waxaa u qiil dayay Xassaan Xuseen (Muftiga Shabaab) oo xukumay in culimada fasaadkooda dartiis adduunka loo dhaafiyo,( tolow maxay fasaadiyeen?!) si ay iyaguna shuhada u noqdaan.

Fatwada aan kitaab iyo sunne toona laga soo guurin ee muftiga Shabaab ”Xassaan” soo saaray ayaa haddii xagal kale laga akhriyo isla isaga luquntiisa halis galineysa dhiiggiisana ka dhigeysa wax lagama soo qaadaan, ciddii ku talaxumeysatana xaq u siineysa intay dilaan inay aayar iska dhahaan ”Sorry” nin iska fiican buu ahaa, laakiin fasaadkiisaan nacnay sidaa darteed waxaan u garannay inuu iska shahiido.

Su’aalaha sida xooggan isu soo taraya ee qaarkood sida waafiga ah looga jawaabay, inta dhimmanna laga sugayo inay aqoonleyda iyo mufakkiriintu qalinka u qaataan waxaa ka mid ah:

Alshabaab yey jihaadka ay ummadda ka xigsadeen kula jiraan? Maxaa yeelay gaaladii ay jihaadkooda iclaamsadeen Xamar oo dhan bey uga qaxeen, muslinkiina maalinba qof sidey u dilayeen baa noloshii laga waashay!!!

Dilka Dr. Axmed guul noocee ah buu gaarsiinayaa Alshabaab?
Qofkii aan Alshabaab la fikir iyo la qalbi aheyn dhiiggiisu ma xalaaloobayaa?
Ashabaab ma Ilaahay baa u dirsaday in ay dadka Muslimiinta ah usoo laayaan, ma diintaase boos looga hayaa inay dilaan ciddii ay u bogi waayaan, mise dhinaca ay nimankaasi adduunka ka saaran yihiin xaalku waa ama Shabaab noqo ama shahaado qaado?

Alshabaab ma diintii baa? Haddii jawaabtu ay haa noqoto fikraddaasi waa Qaddaafiyad! (Qaddaafi baa isu arkayay in uu Liibiya yahay, liibiyana isagu tahay ilaa la dilay)
Alshabaab qofkii ka baxa ma diintii buu ka baxay mase la dilayaa, maxaase u tala ah qolyaha ku tallamaya in ay ka laabtaan fikirkan waddammo badan oo Islaam ah ay horay faraha kaga soo gubteen, galaaftayna culimo iyo arday aan la tirin karin iyo masiirka dacwada dalal shalay aad loogu han weynaa?

Shabaab yey u shaqeeyaan, yeyse jihaadkooda ugu daneynayaan oo ku intifaacaya? Maxaa yeelay isku meel ma gasho adigaan ku difaacayaa waana ku dilayaa dhiiggaagana kama duwana biyo daatay.

Alshabaab gaalada Afrikaanta ah ee dagaalka ula diyaarka ah ma weeraraan mana haweystaan, magaaladii oo dhanna weyba uga qaxeen, ee shacabka iyo culimada ma tun jileycey ku arkeen, jihaadka ay ku addimaanse ma dadka aan hubeysneyn sida Dr. Axmed baa lagula jiraa? War illeen daanno!!!

Su’aaalahaas oo ay ugu dambeysay yaa dilay Dr. Axmed waa halxidhaale horyaal madaxda Alshabaab oo laga sugayo in ay u keenaan wax caddeynaya in aysan dilin, fatwadoodii cadowtooyana aanan loo cuskan dilka Dr. Axmed iyo inaysan geysan dilalkii ka horreeyay ee boqollaal ruux lagu shirqoolay.

Maadaama in badan oo xog ogaal ah iyo dadkii ka ag dhowaa halka Dr-ka lagu dilay ay isla qireen in dilka Sh. Dr. Axmed ay Alshabaab ka dambeeyeen, ku noqon maayo ka faalleynta yaa dilay Dr. Axmed hase ahaatee waxaan is dultaagayaa is bari yeelidda qaar kamid ah madaxda iyo culimada Alshabaab ay isku bari yeeleen in dilka Dr. Axmed ay ka dambeeyeen ciidamada la magac baxay P.I.S., loona yaqaan Ashahaado la dirirka.

Hadaba waxaan isku dayayaa in aan halkan ku bidhaamiyo jawaabna u raadiyo su’aasha oraneysa, haddii ay xataa caddaato in Ashahaado la dirir ay dileen sheekha Alshabaab sidaa ma ku eed beelayaan?

Kadib markii ciidamada Itoobiyaanka ee dowladda Marekanku u wakiilatay arrimaha Soomaaliya ay ku fashilmeen duulaankii hubeysnaa ee ay Muqdisho ku qabsadeen, wuxuu Mareykanku bedelay istaraatiijidasii dagaal gal, iyadoo madax ka mid ah Mareykanku ku dhawaaqeen in ay Islaamiyiinta u adeegsan doonaan dagaalka ay kula jiraan dalal muslim ah oo ay Soomaaliya kamid tahay, howshana ay u fulin doonaan dad xambaarsan magaca Islaamka, halka dagaalkiisa uu ku koobnaan doono mid maskaxeed ”global ideological engagement” ama ”war of ideas” taasoo ay ku macneeyeen in ay tahay “soft power” awood dabacsan oo maraykanku ku gaarayo dantii uu ka lahaa dalka Soomaaliya.

Taa macneheedu waa in Maraykanku galayo dagaal maskaxeed uu ku tajniidinayo Islaamiyiinta si ay u fuliyaan shaqadii ay ciidanka Mareykanka qaban lahaayeen, haddii la waayana ciddii booskooda gali karta loo diro, sida Ashahaado la dirirka, Arrimahaas waxaa munaasabado kala duwan kaga dhawaaqay qoraallana ka sameeyay madax Mareykan ah oo uu kamid yahayn “James K. Glassman” iyo waziirkii hore ee difaaca mareykanka “Robert Gates”.

1)Ashahaado la dirirka oo sida la ogsoon yahay markoodii hore ka hana qaaday gobollada koofureed ee dalka, kadibna ku faafay dhammaan dalka intiisa kale, ka hor intii aysan maxaakimtu ka taag roonaan waxay bartilmaameedsan jireen haldoorka bulshada sida culimada, nabaddoonnada, aqoonleyda iyo dadka aanan dilkooda sida fudud looga kaban karin.

Dagaalkaas ay Ashahaado la dirirku kunturaaddiisa ”Contract” soo qateen wuxuu ku afjarmay kacdoonkii maxkamadaha, waxaana mareykankii u caddaatay in qabqablayaashii arxanka darraa ama ”taajiriintii geerida” sida ragga wax qora qaarkood ku magacaabeen aysan awood u laheyn in ay mashqruucan hirgaliyaan, sidaa darteed ayuu mareykanku qorsheystay in shaqadii uu u baahnaa uu ka fushado dad huwan magaca Islaamka, shacbiga Soomaaliyeedna aysan dareen ka qabin diin ahaan.

Waxaa hubaal ah sida rag badan oo maxaakimtii la shaqeyn jiray loogu helay shaqooyin aan aheyn kuwii ay dadka ku beerlaxawsan jireen, in Islaamiyiin kalena uu mareykanku u helay shaqooyin la’eg xajmigooda oo danihiisa u adeegaya. Mareykan isagu waxba kama gelin yaa shaqada qabanaya ma dheer yahay ma gaaban yahay, waxaase u daran in shaqadu qabsoonto, hadhow adigu ku calaacal ‘yaa farteyda subagga ku dhuuqay’ mareykan fikirkiisu waa Business is Business, waana sababka keenay in isagoo aysan dalka ciidamo ka joogin dad tiro beel ah lagu laayo ayna ku dhintaan gacmaha dad magaca diineed sheeganaya, kumannaan kalena dibedaha u qaxaan, arrimaha ceynkan ahse kor looma sheego.

2)Tan iyo intii ka dambeysay 2007dii oo aheyd waqtigii sida aadka ah loo dareemay in Alshabaab ay shacabka u leynayaan si u eg sidii Ashahaado la dirirka waxaa isa soo tarayay su’aasha oraneysa Alshabaab yey ugu adeegayaan in ay dilaan dadka muslimiinta ah ee faralka soo tukaday ama taraawiix ka yimid ama ku sii socda?

3)2007dii magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday in nin goor maqrib dabadii ah gurigiisa usii hoyanaya uu nin kale ka daba yimid. Ninkii hore dareen ayaa galay, wuxuuna ilqoorka ka eegay ninkii daba socday. Wuxuu arkay in uusan wadan cimaamad iyo wax tilmaamaya astaan wadaadnimo. Saa haddana shaki hor leh ayaa ku bilowday oo wuxuu is yiri billee inuu ku dilo darteed ayuu wax walba oo looga shakiyi karaba uga soo tagay.

Ninkii oo dareen cusub ku dhashay, naxdin darteedna aanan dhiman nooleyna ayaa kii dambe tallaabada hakiyay. Kii hore baqdin hor leh baa lagu soo tuuray oo wuxuu is yiri bistoolad buu kuula soo baxayaa. Inyar kadib kii dambe ayaa xabbad sigaar ah shitay. Markaasaa kii hore neef kasoo boodday oo ku farxay inuusan ninkii daba joogay wadaadba aheyn, kaba sii fiicane sigaaryacab yahay. Heerkaas cabsida la’eg iyo in munkar lagu farxo waxaa shacabka gaarsiiyay waa wax laga arkay Ashabaab oo halkudheggooda ficliga ah noqday “Dabkaan kulkiisa la dareemin dambaskiisa lagama leexdo”.

4)Mandiqada bari Ashabaab iyo Ashahaado la dirirba wey wada joogaan ismana weeraraan, waxbana isma yeelaan iyagoo is yaqaan, arrintaasna waxaa u marag ah qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee shabaabku ka fuliyaan gobolladaas cidda wax ku noqota waa shacab nooc walba leh iyo askarta caadiga ah ee nabadgelyada ilaalisa, taasina waxay tilmaameysaa ilka abeeso hoosta ka xiriirsan.

5)Rag uu diktoor Axmad Xaaji ka mid yahay Allah ha u naxariistee waxay oran jireen marka ay eegaan sida wax u socdaan ,labadan qolo ee la moodayo inay iska soo horjeedaan waa shabaabka iyo ashahaado la dirirka ama ciidamada Afrikaanka’e : tolow armaa labada aag ee iska soo horjeeda hal meel looga taliyaa oo uu jiraa taliyaha labada aag maxaa yeelay waxaan qarsooneyn in ujeeddada la qabanayo ay isku mid tahay : dil, qarxin, qixin, jixinjix ma leh “No Mercy” iwm.

6)Waxaa G/kacyo aad looga og yahay, qarsoodina aan aheyn qisadii dhex martay shirkaddii korontada, Alshabaab iyo Ashahaado la dirirka,oo aan kasoo wariyay khalqi aad u tira badan oo shacab iyo shaqaalaha (madax) shirkadda isugu jira.

Waxayna wax u dhaceen in ay Alshabaab ku qasbeen shirkadda in ay korontada damiyaan, haddii ay damin waayaanna ay ciqaab kulul muteysanayaan.

Amarka Alshabaab bixiyeen waxay ku sababeeyeen in shirkadda korontadu ay nalka habeenkii ugu daneyneyso Ashahaado la dirirka. Waxaase la yaab noqotay markii isla farriintii Shabaabka mid la mid ah ay ka timid dhinaca Ashahaado la dirirka, markii la weydiiyay sababta loo daminayo korontadana waxay ku jawaabeen Ashabaab baa arrintaa nasoo faray in aan idinku amarno, kadib markii korontadii la damin waayayna waxaa shirkaddii korontada laga qarxiyay matoor xoojiye ah oo kumannaan doollar joogay. Intaa kadib Ashahaado la dirirkii ayaa ku yiri rag kamid ah madaxdii shirkadda “in matoorkaas in la qarxin doono saddex habeen oo lasoo dhaafayba waa ogaa hase yeeshee amar uma qabin in aan idiin sheego, sababka aan hadda idiinku sheegayase wuxuu yahay, inaan idin ogeysiiyo, haddii nimankaasi amar idin siiyaan in aad u hoggaansantaan oo iidan awaamirta dhayalsan haddii kale labadeennaba war baad naga heleysaan!” Dhacdadaa dareenka leh waxaa loogu dacwooday sheekhyada shabaab ee Puntland kazoo jeeda oo markii uu ka wardoonay madaxdii ka sarreysay, xaqiiqadana soo ogaaday ku soo jawaab celiyay “war wax baa qaldane sidaad isu maareyn kartaan isu furdaamiya”.

7)Waxaa intaa dheer inta la og yahay dilalka qorsheysan ee ka dhaca Puntland looma qaban dadkii ka dambeeyay marka laga tago laba jeer oo ay dadka shacabka ahi soo qabteen gacan ku dhiilayaashii ku lug lahaa faldambiyeedyadii lagu tuhmay. Labadaa jeer mid kamid ah waa markii la dilay Nabaddoon Xasan Walloore oo dilkiisa ay eheladiisii usoo qabteen saddex ruux oo isugu jiray sidan: Nin iyo naag Ashahaado la dirir ah iyo nin Ashabaab ah oo ahaa ninka isagu geystay gacan-qaadka nabaddoonka lagu dilay.

Waxaa is weydiin mudan maxay Alshabaab iyo Ashahaado la dirir u wada howlgalayaan haddeysan meesha wax ka qaldaneyn? Sow asalku in ay is dilaan ma aheyn? Maxaa saca naasa-adag iyo weedha kulmiyay? Maxaa dibiga madow iyo libaaxu dibiga cad isula ugaarsanayaan? Jawaabtu waa Shacabka waa loo heshiiyay.

8)Dhinaca dibedaha marka la joogo dalalka Mareykanka iyo Ingiriisku xarakada Alshabaab waxay ka xukuman yihiin in ay yihiin Argagixiso lamid ah Alqaacida iyo ragga ay Mareykan iyo gaalo dhoorrey dagaalka kula jirto. Sida la og yahay ninkii lagu tuhmaa in uu Alqaacida ka tirsan yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay waa la waayaa, ragga Alshabaab ka tirsanna waxay ku heystaan waddammadaas nashaadaat muuqda oo kala geddisan, website-yo aad u afdheer oo caayda iyo aflagaaddada inta la sharfo ku caan baxay, cid yac tiraahda iyo cid eryatana ma jirto, Islaamiyiinta kale xitaa Ikhwaanulmuslimiinkana muraaqaba adag baa dul saran, sidaa darteed miyaan la dhihi Karin “war hooy timir laf baa ku jirta”.

9)Hadaba intaas oo dhacdo iyo in kale oo aan qoraalkan gaaban lagu soo ururin Karin marka la isu geeyo waxaa kuusoo baxeysa in Ashabaabku yihiin Ashahaado la dirir Islaami ah. Sidaa darteed ama Ashahaado la dirir (Ashabaab aanan Islaami aheyn) ha dileen ama Ashabaab ha ku caddaato dakanada Sheekha Ashabaab ma dhaafsiisna, iyaga ayaana u qoolan jariimadaas iyo intii dil noocaas oo kale ah lagu gabraartay dad masaajidda agagaarahooda lagu ugaarsaday.

10)Xagal kale haddii aan ka eegno marka la joogo baabka jinaayaadka culimadu waxay kala qaadaan sababta faldambiyeedka keentay iyo cidda faldambiyeedka fulisay keebaa awood badnaa, waxayna yiraahdaan haddii askari uu wax ku dilo amar la siiyay, dilkaasina uusan aheyn xaq, eedda koowaad waxaa leh ciddii amarka bixisay, askariguna waa ku xigayaa, sida la wada dhageystayna amarka fatwada culimada dhiiggooda banneysay waa fiqigii qalloocnaa ee Xassaan iyo Xasan Takar.

Shacabka Soomaaliyeed waliba dhallinyarada Ashabaabka u dirira oo in badan oo kamid ah la marin habaabiyay, halganka ay ku jiraan aan u malo-badinayo in uu daacad ka yahay, Alle dartiina wax u halleynayaan wax aan diin aheyna looga dhigay in Ilaahay soo dejiyay, loona diiday in ay dhageystaan duruusta culimada Rabbaaniyiinta ah, oo loo fatwooday culimada laaya sharkoodaa laga nasanayaaye, waxaa hubaal ah in ninka sheekhnimada sheeganaya iyo xarakada uu ku matalayo fatwadaas diin yarida la macaluulsan ay kaga mas’uuliyad iyo dambi culus yihiin wiilka miskiinka ah ee maskax-dhaqa lagu sameeyay ee maxarbida loogu soo dhiibo culimada iyo bulshada inteeda kale.

Qalinkii: C/Qani Qorane M’ed
abdiqanim@hotmail.com

Maqaalka waxaa na soo gaarsiiyey qoraaga ku saxiixan Aragtida maqaalka waa kuwo u gaar ah qoraaga.

 

14 Comments so far

Leave a comment

  1. TO abu abdulah asalamu caleykum wr wb. aniga waxaan kahadlayaa waa tafaraaruq aniga al shabaabna ma ahi laakin iney umada an waxba garaneynin lamarin habaabiyo dadka maanta laraaci lahaa waa ahlu cilmiga laakin iyagii baba maanta fikrado kala duwan kala aminsan hadii qof culimaha ah ladilo taasi ilaaheybaa jisadeeda iska leh dhamaan umada somaliyeed ama umada muslinka wanu ka xunahay abucabdulaahi haduu abdiqani wax og yahay hasoo daayo cadeyn waalaga rabaa si ay umada u qanacdo marka waxaan umaleynayaa adaa noo dhaxeya sheikh bal war iga soo sii wabilaahi towfiiiiiq

  2. To Mr Abdi: walaal in suaal la iswaydiiyo oo Alshabab wax la iska waydiiyo mac maxaa kujaban? Waxaa cajiib ah in markii shabaab lasoo qaado in dad badani jiririciyoodaan markii culimo badanna lacaynayo oo la dilayo far ladhaq aajin. Walaal sh abdiqani qorane waa ragga waaqiciga ah xaq buuna uleeyahay in uu taxliilka noocaan oo kale ah dadka u muujiyo Al shabaab, waxay ku khaldanyihiin iyo waxay ku saxsanyihiin. Sh abdiqani fadlan soo daa qoraalada noocaan oo kale ah. Maanta goor looga baahi badanyahay ma jirto

  3. SALAMU CALEYKUM WR WB WAXAAN DHAMAAN CULIMADA SOMALIYEED AAN U SHEEGAYAA INEY QILAAFKA XUN EE UMADA SOMALIYEED AAD KUKALA QEYBISEEN INAAD JOOJISAAN WAXAAN LAHAD LAYAA SHEIKH ABDI QANO HADII SHEIKH LADALEY CIDII DISHEY INAAD RAAD RAACDID MA AHAN WAAYO ILAAHEEY AYAA KA ABAAL MARINAYA ADIGA DADKA AAD SII KALA FOGEYNEYSID JOOJI SHEIKH ALAHA U NAXARIISTO CIDII DISHEY ADNA MA OGID LAKIN ILAAHEEY WAXBA KAMA QARSOONA DADKA AAD SII KALA FOGEYNEYSAAN HALA JOOJIYE INTA NOOLNA HALA BAD BAADIYI IDIN KOO WACYI GALINAYA UMADA SOMALIYEED MA AHAN QILAAF HORLEH LASOO ABUURO SHEIKH ABDIQANI ARIN KAAN WADO WAAD INAAD JOOJISAA UMADA SOMALIYEEDNA YEY SII KALA FOGAANIN WABILAAHI TOWFIIIIIIQ

  4. Assalaamu calaykum

    SHEEKHANAA CABDALQANI WALLAAHI WAA MAQAAL QIIMA BADAN, WAXAAD KA GARANEYSA SIDEY UGA QEELIYEEN ILAAHAY MADAXAAGA IYO MAGCAAGA HA KOR YEELO, DARBO LA YAQAAN OO XAQ AH BAAD LA HESHAY. RUNTII MAR HORAY AHEYD IN NIMANKAN XUUBKA CAARADA EE AY ISKU QARINAYAAN BANNAANKA LA KEENO.

    CAY IYO GAAL BAAD TAHAY BEY KU JAWAABAYAAN LAAKIIN MASAAA’ILKA AAD BAQAANISAY MA AHA KUWO AY CAY JAWAAB U NOQON KARTO.

    AKHII SIDAN NOOGU WAD OO HA KALA GOYN MAQAALALD KA WARRAMAYA NIMANKAN WAXAY YIHIIN. MUSLINIMADI OO DHA BEYBA XOOGEENE MA WAX LA DEYSTAA.
    CULUMAA AWDINKA NIMANKAN DADKA HA U CADDEYEEEN HADDIII KALE CAAMMADEY LUMINYAAN.

  5. Culimada Alictisaam waxaad mooddaa inay hadda hurdada ka tooseen markii Sheekh Ahmed Xaji Abdirahmaan ay dileen qolyaha afka duubta. Miyeyan ogeyn in waxgaradka soomaaliyeed, aqoonyahanka soomaaliyeed, saraakiisha ssoomaaliyeed, ganacsatada soomaaliyeed lagu dilay albabada masaajidda. Miyeysan haboonayan inay mar hore si bareera ah u sheegaan khawaarijta banaystay dhiigga islaamka.

  6. WAXA LOO LAYNAYO CULIMADA WAXA WEEYE IYAGOO AH QOLADA KELIYA OO QALAD DIIN LOO DALIILINAYO ORAN KARA: MAYA! SIDAA DARTEED WAXAY RABAAN IN LA WAAYO CID TIRAAHADA WAXAAS DIINTA KA MID MAAHA.

    WAX BADAN OO IMMINKA QARSOON AYAA SOO BIXI DOONAA CIDDII NOOLAATA.

  7. ASSALAAMU CALEYKUM. USTAAD CABDULQANI, EEBBE WAXAN KA BARYAYAA IN UU CAQLIGAAGA KUU BARAKEEYO. ARRINTU WAA SIDA AAD SHEEGTAY OO WELIBA INTA QARSOON AYAA BADAN.HORTA MADAXDA SHABAAB IN BADAN OO KA MID AH AMERICA AYAY U QORAN YIHIIN, DHALLINYARADANA KOLKA HORE WAXA LA ISUGU DARAA MASKAX DHIQID IYO TABABAR CIIDAN, KABACDINA WAXA LA DHEXDHIGAA SHABAKAD ADAG IYO SIDA MOOSAADKA IYO FBI-DA U SHAQAYSA. TUSAALE AHAAN HADDII WIIL LOO DIRO IN UU QOF SOO DILO; HADDII KA SHAKIYO DILKIISA ISAGAA AYAA MAQAN OO KOOX KALE OO U
    UNA AQOON AYAA U XILSAARAN DABOGALKIISA. DADKU WAA SOO BISLAANAYAAN, WAYNA FAHMAYAAN INTA NOOL SIDA WAX U SOCDAAN, IYAGANA ADDUUNKA MEEL CIDLA AH AYAA HARRAAD KU LAYNDOONAA IYAGOO DENBIGOODII QAADI WAAYEY, AAKHIRONA EEBBE HOWSHOODA TAWALINAYA. CAFWI IYO CAAFIMAAD AYAAN EEBBE WEYDIISANEY.

  8. Ilaahay ayey mahad u sugnaatey intaa kadib akhil kariim yaa abdu alqani ( ninka markuu waxqoro wax ka fiirsigiisa wuu bataa wax xoogaa waxaad moodaa inaad gunaanadkii u dagdageeysid , sheikh moh. Abdi umal waxa uu yiri alshabaab waa qawaarij madhihin jihaadkane madiidid ee waxa meesha yaal waa fikir ka dhaxeeyo culimada , iyagane in culmada la’ayo ma ahan fadwadoda ee waxaa weeye hadey na cambaareeyaan ardada iyo dadwaynahoow ha noowabanina hadalkooda. Saxaabadii nabiga s.c.w way isqabteen wayna islaayeen marka adiga dhiiga sheeqa cidii dishay waa la heli bi’idnillaah ee arinta ha fogeen yeysan gaalo kaa’faideysanine.

  9. Asslama Aleykum

    Sh Abdiqani Qorane, walaal aad ayaan kaaga mahadcelinayaa qoraalkaan qaymaha badan, fikarkaas toosan waan kugu aqaanney, qoraallada noocaan oo kale ah waa in la badiyaa, insha Allah annaguna waa qoreynaa.
    Jazakallah

  10. ACWW. ALLA YACIZAK SH C/QANI QORANE, ISHAAD KA RIDAY, SI QUMMANNA WAAD U CABIRTAY CIDII WAX FAHMAYSA. WAXAA LA DHAHAA “MUSHKILADA OO LAGARTAA WAA DAWADA BARKEED”, KUXEJI SIDA LOO DAWEYNKARO RUNTII MUFAKIR AYAAD TAHAY BAARIKALLAAH FIIK.

    – SIDEE LAGU BADBAADINKARAA DHALINYARADA LA MAAN DHAQAY??
    – SIDEE LOO XAKAMAYN KARAA CULIMAA SUU,GA FATWA DEMBIYEEDKA YEEDINAYA?
    – SIDEE LOO DIFAACI KARAA BIRIMAGEYDADA SOOMAALIYEED GAAR AHAAN CULIMADA RABBANIYIINTA AH ??
    – SIDEE, SIDEE, SIDEE ???

    JIZAAKAMULAAH

  11. kkkkkkkkkkkkkkkkk
    waax lalyaabo kuligood

  12. Khayr allah haku siiyo sh abdiqani. Waa loo baahnaa cid suaashaas ” Alshabaab mise ashahaado la dirir ” islaami” ahaan u diriraya iswaydiisa. Hadaan suaasha si kale u dhigo waxaan dhi ” Alshabaab Al Mujaahidiin mise Al Shabaab Al Mufsidiin” . Dhibaatadu waxay ka taagan tahay alshabaab mar hore ayaa suaalahaas iyo kuwa la midka ah lawaydiin lahaa sida ay iyagu u waydiiyaan oo unaqdiyaan mukhaalifkooda laakiin alshabaab ma lahan mug ama capacity ay ku maqlaan ama ku akhristaan naqdinta fikir kooda kaduwan. Allahu mustacaan. Culimada iyo ducaada fadlan ha wadaan shabaab in dadka loo caddeeyo haba kujawaan xabade maxaa yeelay shabaab waa koo x mabaadi’ iyo qorshayaal leh sidii firqooyinkii hore ee kutubta culimadu ka alliftay. Culinada qoraayaasha ah kutub haka alifaan firqadan hada soo isa soo ban dhigatay oo ay caqiidadooda, iyo fikirkoda siyaasiga ba inxiraafaat waa wayni ku jiraan.
    Baarakallahu fiikum.

  13. Salaamu Calaykum
    waxaan u mahad celinayaa qoraaga Sh Cabdi qani qorane waa khayr hadii alle noo soo hanuunshay waxaan ogaa isaga oo taageero iyo gabayo u wada MMI iyo Al-Shabaab

    Laakiin qormadan waxay cadeysay sida Soomaali u bislaatay Mashalaah Ustaad qorane halkaas dagaalka iyo xabada ka sii wad

    Halgan.net caadi maaha mootul badhii bay u dileen website beenta qori jiray kkkkkk
    Abu Cabdulaah1

  14. ACWRWB,

    Ninbaa laga sheegay “car bal yaa wiilkaas u taga oo aan qoslin.

    Hadda car yaa dhegaysta, Xassaan iyo saddex nin oo ka hadlay cidda dishay Sh. Axmed Xaaji oo aan magacooda ka garanayo Xasan Maxamuud Takar, oo aan yaabin oo amakaagin.

    See laysu waafajinayaa hadalkooda ah “waxaa Shiikha dilay PIS iyo Shiikha waxaa loo dilay xukun uu riday oo eex lagu tuhmay”. Waxaa LAGALA MID DHIGAA RUNTA MIDABKA CADDAANKA AH” midabkaas waxaa lagu yaqaan isma badalo, BEENTANA WAXAA LAGALA MID DHIGAA MIDABYADA KALE OO DHAN” marka waa caadi in hadaladu is buriyaan.

    In kastoo ay aad ii dhibayso sida laysugu tuurturayo dhiigii Shiikha haddana waxaan leeyahay Ilaahow adaa og ee soo saar ciddii dishay Shiikh Axmed. Waxaa nasiib daran kuwa dilay, isagana waxaan rajaynaynaa inuu raaco ku suganyahay.

    Allaah haynaka xafido inaan daadino dhiig xaq daro.

Leave a comment

*