Puntlland oo eedeyn u soo jeedisay Idaacadda VOA-da.[War-saxaafadeed]

October 3, 2012 - Written by

Garoowe:-Hey’adaha warbaahinta iyo wariyeyaashooduba waxaa muhiim ah inay kala saaraan aragtidooda gaarka ah iyo warka ay tabinayaan (editorial policy).Sida aad ka warqabtaan, deeganada Dowladda Puntland waxaa si xor ah uga howlgala saxaafad madaxbanaan oo gaar loo leeyahay, kuwasoo ka kooban TV, idaacado, Jaraa’id, iyo website-yo. Dhinaca kale, waxaa dhammaan gobolladda Puntland laga dhagaystaa idaacadaha caalamiga ah Qebyta Af-Soomaaliga ee BBC iyo VOA, iyadoo ay  u soo gudbiyaan gudaha magaalooyinka Puntland idaacadaha FM-ta oo gaarka loo leeyahay.

Dowladda Puntland waxay mas’uuliyad Qaran ka saarantahay dhowrida Dastuurka dowlladda Puntland iyo ilaalinta danaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dadka iyo dalka Puntland, taasoo ay ku jirto in saxaafaddu si xor ah u howlgasho iyagoo dhowrayaa shuruucda dalka. Hadaba, Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Puntland waxay si toos ah isha ugu haysaa saxaafada qaarkeed oo caadaysatay inay ciladeeyaan horu marka Puntland, kuwa soo shacabka Puntland u gudbiya warar ku salaysan been abuur, kicin bulsho iyo abuurida jawi lagu carqaladeynayo horumarka Puntland.

Halkaan ka eeg Warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda warfaafinta dowllada Puntlland

Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta,
Hidaha iyo Dhaqanka,Dowladda Puntland
Soomaaliya,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online