Taliyihii ciidanka guutada 5aad ee DFS Jen. Maxamed Faarax (Goordoon) oo la dilay

October 28, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wararka ka imaanaya Gobolka jubada Hoose ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ay jidgooyo u dhigeen kolonyo baabuur ah oo uu la socday  taliyihii ciidanka guutada 5aad ee ciidanka DFS Jen. Maxamed Faarax Goordoon iska horimaad dhexmaray ilaaladii  Taliyaha iyo ciidanka Al-shabaab ayaa la xaqiijiyey in uu ku dhintay  Jen.Maxamed faarax.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay jid u dhexeeya magaalada Marko iyo Afgooye  lana yiraahdo Ceelwareegow , dagaalka oo ahaa mid kadis oo lagu sameeyey dhabo gal ciidanka DFS ayaa waxaa ka soo gaaray khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha ciidanka guutada 5aad ee DFS Jen. Maxamed Faarax (Goordoon) iyo ciidanka la socday ayaa waxaa ay ka yimaadeen dhinac Magaalada Marka waxaan ay ku sii jeedeen degmada Afgooye xiliga uu dagaalku qabsaday.

Ma ah markii ugu horaysay oo ciidanka ururka Al-shabaab ay weerar dhab gal ah ay ku dilaan Taliye ama sarkaal ka tirsan ciidanka DFS waxaa ay horay weerar gaadmo ah ugu dileen Taliyihii ciidanka DFS ee Lafoole  oo isaguna ku dhintay iska hormaad  dhexmaray Ilaaladiisa iyo ciidan ka Al-shabaab.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinac ciidanka DFS ee laga dilay Sarkaalkaan iyo dhinac Al-shabaab oo iyagu sheegtay in ay ka danbeeyeen dilka  Taliyihii ciidanka guutada 5aad ee DFS Jen. Maxamed Faarax (Goordoon).

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online