Tolow Maxaan isu badali la’nahay!!! Qaybtii 2aad W/Q: C/Qaadir Jaamac

October 2, 2012 - Written by

Soomaaliya oo ah dal yar oo dadkiisu yihiin tiro ahaan inta New York city ku nool hadana isku Diin, (Islam) isku madhab (Shaaficiyo), isku luqad ( Soomaali), isku dhaqan iyo isku dad ah, Allah-na uu ugu deeqay badweyn (Indian Ocean) kheyr uu dhex ceegaago, dhul beereed dihin ( fertile) mirihii lugu tuurana uu Alle idankiis kheyr badan dhalayo, Wabiyo (Juba iyo Shabeele), Jawi macaan (Pleasant Weather) oo kulayl iyo qabow daran aan lahayn. Dhinaca xoolaha ( Livestock) markaan eegno wuxuu Allah noogu deeqay Ari, Geel iyo Lo’ aan tiro lahayn, dhul balaaran oo waasac ah  inagoo idilna hal magaalo oo aan dhisano ay nugu filantahay, iyo nimcooyin kale oo aan la koobi karin (وَإِنْ تَعُدُّوا نِعْمَةَ اللَّهِ لَا تُحْصُوهَا).

Iyadoo malaayiin Soomaali ah aan rajadu ka go’in 22 dii sano ee la soo dhaafay hadana maalin walba ku hungooba war ka xun oo soo yeera haday ahayd Jabhado aan arxan lahayn, Dagaalo Sokeeye, Hogaamiye Kooxeedyo is dhaldhalay, Ururo magac diin qaatay, dil qarsoodi ah (assassination), ciidamo shisheeye oo dhulkii ku habsaday, dowlad ku sheegayo aan tabar iyo itaal midna lahayn….. iwm. Marka su’aasha is weydiinta mudan waxay tahay maxaa waxaan oo belaayo ah ay noogu bedeleen wanaagii aan hore u soo xusnay, shaki la’aan jawaabta kooban waxay tahay: waa waxay gacmaheenu kasbadeen.

Nabigeena Maxamed (صلى الله عليه وسلم), markuu magaalada Madiina yimid wuxuu dhidibada u aasay dowladii u horeysay ee Islaamka wuxuuna ka bilaabay dhisida Masjidka ka dibna inuu Saxaabadii (Muhaajiriintii iyo Ansaartii) uu labo labo u walaaleeyo oo macnaheedu yahay in midba kan kale uu wuxuu haysataba la qaybsanayo iyagoo ku niyad san, sidaas daraadeed ayaa Alle(SW) wuxuu ku amaanay inay wax walba isu hureen oo ay gaareen darajada la yiraahdo (Iithaar) oo ah inaad waxaad adigu u dhimanayso aad walaalkaa u hurto. Nabigeena suubanaa (NNKH) wuxuu halkaas darsi lama iloobaan ah nugu siiyay in hadii la rabo in Mujtamac ama Bulsho xoog iyo sharaf leh la dhiso loo baahan yahay inay ka koobnaato afraad (members of society) nadiif ah oo is jecel ama ugu yaraan aan xumaan isu qabin. Sidaas darteed ayaa waxay gaareen heer Asxaabiga inuu Saxaabiga kale u bandhigo inuu labadiisa xaas oo uu jecel yahay uu yiraahdo mid aan kuu furo si aad adiga u guursatid, Xoolahaygana waa noo kala bar, Allaha ka raali noqdo dhamaantood. Waxa dhici karta in aan ku andacoono isku mid ma noqon karno oo waa ragii uu tarbiyeeyay Nabi Maxamad (NNKH) jawaabtuna waa haa iyo maya. Waxay ahaayeen biniaadam inaga oo kale ah weliba ka soo jeeda qabaa’il dagaalo sanado badan socday oo lugu hoobtay uu dhexmaray oo waliba ku noolaa Mujtamac aad Jaahiliyo ugu jiray balse markay hanuunkii Alle uu nabi Maxamed(NNKH) la soo diray qaateen ayay sidaas u dalaceen. Anagu ma weynaan diintii ay qaateen aanan heysan, Culimada oo dhaxlay nabi Maxamedna (NNKH) sow nama dhex joogaan Xagee wax ka qaldan yihiin.??

Markuu nabi Maxamed (NNKH) uu yiri “Qabyaalada ka taga waa Qurmuune” durbadiiba way u hogaansameen oo dhaqan geliyeen. Markii uu nabiga (NNKH) uu maalin maqlay Saxaabigii qiimaha badnaa Allaha ka raali noqdee Abu Dar oo nin kaloo Saxaabi ah ku yiri “Midkii Islaanta Madow ay dhashayoow” aad ayuu Nabiga(NNKH) aad u carooday wuxuuna ku yiri ma hooyadiis baad ku ceysay, waxaad tahay qof ay Jaahiliyo ku jirto.

Allaahu Akbar, Tolow muxuu oran lahaa maanta haduu arki lahaa Qofka Soomaaliga  ah oo qabiil dhan oo Muslin ah ku leh “ waa   Munaafaqiin, waa  Gaalo raac, Xaaran Cunayaal, Midgaan, Tumaal… iwm. Allah wuxuu qur’aan ku sheegay: (( ياأيها الذين آمنوا لا يسخر قوم من قوم عسى أن يكونوا خيرا منهم ).

Alle (S.W) wuxuu aayadan nooga digayaa in Qolo ay qolo kale ku jeesjeesto Allahna (SW) wuxuu leeyahay waxaaba dhici karta inay Alle agtiisa kaga kheyr badan yihiin kuwaan la haysto, Waxaa xaqiiqo ah Umad si uu Alle(S.W) uga saaro xaalad xun ay ku jirto waa inay is bedeshaa  intaan wax wanaag ah booskaas u galin,oo ah macnaha aayada Allah uu ku sheegay  (ان الله لا يغير ما بقوم حتى يغيروا ما بأنفسهم). Allah ma badalo ummad xaalad ay ku jiraan ilaa ay naftooda is bedel ku sameeyaan.

Qofkii u dhaba gala dhaqankeena iyo waxa mareegaha Soomaalida ka socda wuxuu si cad u dareemayaa in uu socdo barnaamij ummada lugu sii kala fogaynayo oo ay hormuud ka yihiin kuwii shalay dhibta aan ku jirno na baday oo maanta koofiyad kale noo soo gashtay; niyad xumida, neceybka iyo namiimada ay faafinayaana ay tahay tii shalay ay Soomaalidu isku dishay. Sababtoo ah hadalka waxaa jira mid wax dila iyo mid uu dhiig ka daadanayo, Nabiga (NNKH) markuu arkay Yahuudi reer Madiina ahaa oo raba inuu soo celiyo dagaalkii sokeeye ee hore u jiri jiray ka dibna Jambal u tuuray Asxaabtii oo gabayadii hore oo Qabyaalada soo xusuusiyay ilaa la gaaray in hubka la isu uruursado oo ay ka dhacday War Tol Beelay aaway reer Hebel  iyo  aaway reer Hebel, uu isagoo caraysan Rasuulku soo orday oo uu ku yiri Ma dacwadii jaahiliga ayaad wadaan anigoo idin dhex jooga. Wuxuu aad ugu baraarugsanaa Nabigeenii suubanaa (NNKH) khatarta ay bahashaas leedahay.

Waxaa marka nala gudboon inaan godkii shalay aan ku dhacnay aan ka fiirsano inaan markale aan lugu hooban, sida uu uu Nabiga (NNKH) uu ku yiri xadiis  “Mu’minka hal god ah laba jeer lagama qaniino.( لايلدغ المؤمن من جحر مرتين). Waxaa nalooga baahan yahay inaan noqono kuwa wax hubsada oo faasiq isku dire ah markuu war soo qoro aan cagta uyara dhigno intaanaan la boodin.( يا أيها الذين آمنوا إن جاءكم فاسق بنبأ فتبينوا).  Waana inaan la socono in Nabiga uu yiri (NNKH) “Inuu adoonku ku hadlo hadal uusan dareen saneyn dembigeeda uu 70 sanno naar ugu sii hoobanayo”. ( إنَّ الْعَبْدَ لَيَتَكَلَّمُ بِالْكَلِمَةِ مِنْ سَخَطِ اللَّهِ لَا يُلْقِي لَهَا بَالًا يَهْوِي بِهَا فِي جَهَنَّمَ سبعين خريفاً).

Allow naga dhig kuwa hadalka maqla intiisa wanaagsana ku dhaqma.

 

Wasalaamu Calaykum.
W.Q: C/Qaadir Jaamac 

Portland, Oregon

 

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Aamiin Aamiin Aamiin. Allah hakaa abaal mariyo akhii walahi waa maqaal aad uqiimo badan oo aad u xiiso badan aadna jecleysanayso inuu sii socdo. Allah kuwii wax maqla oo intiisa wanaagsan qaata hanaga dhigo aamiin.

  2. Ascww
    Ilaahay ayaa Mahad oo dhan iska leh subxaanahu watacaal
    Intaas ka dibna Waxaan uga Mahad celinayaa Walaalkay engineer cabdulqaadir Jaamac salaad
    Maqaalkaan Aadka u qiimaha badan oo damiirka iyo quluubta taabanaya
    Iyadoo guud ahaan umadeena maanta ay aad ugu baahantahay wacyi gelin badan
    Iyo in la dareensiiyo masaalixdooda aduun iyo aakhiroba ayaa hadana
    Mawaadiicda noocaan ah si gaar ah waxay u taabanayeen xaaladda dhabta ah
    Een ku suganahay aad ayaa loogu baahanyahay in nala xusuusiyo
    Waxaan haysanno iyo Waxaan isu nahay xaaladinuna ay marayso AMA
    Ku dhowdahay meeshii ay ka maraysay aws iyo khazraj intuusan nuurka
    Nebi Muxamad SCW u imaanin daawadeenuna ay tahay tii uu me igu SCW
    Ku daaweeyey iyaga ilaa uu ka soo saaray umad aduunka guudkiisa soo Marta
    Tii ugu wanaag iyo qiimo badnayd dhan kastaba
    Aad iyo aad ayuu u mahadsanyahay injineerku Ilaahay SW ajar kiisa
    Ha weyneeyo miisaankiisa xasanaadkana ha ugu badiya maalinti qiyaakaha

Leave a comment

*