Ciidamo ka socda dowlada Sierra Leone oo gaaray degmada Dhoobley

May 23, 2013 - Written by Editor

AMISOM002-300x225Afmadow:-Ciidamo ka tirsan dowlada Sierra Leone ayaa gaaray maanta Degmada Dhoobley ee gobalka J/hoose waxaana lagu sheegay tiradooda in ay gaarayaan  ilaa 100 askari kuwaas oo hordhac u ah 850 oo askari oo ay dowlada Sierra Leone u soo dirtay Soomaaliya.

Warar hordhac ah oo soo gaaraya Halgan.net ayaa sheegaya in ciidamada Sierra Leone ay maanta duhurkii u baqooleen deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada Hoose halkaas oo Saldhig weyn ku leeyihiin ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya.

Ciidamada Kenya iyo kuwa Sierra Leone ayaa sheegay in ay howlgalada ay ka wadaan gobollada Jubooyinka iyo Gedo ay balaarin doonaan xili deegaano ka mid ah gobollada Jubooyinka ay ku sugan yihiin ururka Al-shabaab gaar ahaan xarunta gobolka Jubbada Dhexe ee Bu’aale.

Masuuliinta DFS iyo Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa horey u sheegay in ciidamada ka socda dowlada Sierra Leone la geyn doono gobollada Gedo iyo Jubbooyinka si ay ula howl galaan ciidanka dalka Kenya iyo kuwa DFS .

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online