Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntlland oo gadoodsameeyey galabta

May 8, 2013 - Written by Editor

ciidanBoosaaso:-Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland ayaa gadood sameeyey galabta iyaga oo ka cabanaya in aysan qaadan wax mushaaro ah mudo dhan 7 bilood waxaana ay soo baneeyeen fariisimo ay ku lahaayeen buuraleyda Golis iyo deegaanka Galgala. Saraakiisha horkacaya ciidankan ka gadooday Mushaar la,aan iyo dowlada Puntland oo dhintay Mushaaraadka 30 % ayaa gaba gabeeyey Kontrolka magaalada Boosaaso, xarunta Bangigga dhexe, Dekkada weyn ee Boosaaso, ciidankaan ayaa waxaa ay wateen gadiidka dagaalka.

Ciidamadaan soo galay magaalada Bosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa waxaa ay kulan la qaateen Saraakiil ka tirsan Puntland  iyo Guddoomiyaha Gobalka Bari iyada kulanka markii danbe ay ku soo biireen qaar ka mid ah Nabadoonada Gobalka Bari.

Wararka ugu danbeeyey ee caawa naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa PIS iyo kuwa Madaxtooyada la geeyey fariisimihii ay soo baneeyeen ciidamadan gadoodasan waxaana la sugayaa in maalinta birito ah uu soo gaaro magaalada Boosaaso wasiirka maaliyada Puntland Faarax Cali Jaamac.

Ciidamada ka tirsan Daraawiishta Puntland ee ka careysan Mushaar la,aanta ayaa wili ku sugan magaalada Boosaaso iyaga oo dalbaday in la siiyo Mushaaradood waxaana ay saraakiisha wata ciidanka ay ku eedeeyeen in  Madaxda dowlada Puntlland in aysan heyn wax qarsh la,aan ah. Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan dowlada Puntland oo ka hadashay ciidanka gadooday ee ka cabanaya Mushaar la,aanta.

M_M Deeq

Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online