Guddoomiyaha xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baydhabo oo la dhaawacay

May 8, 2013 - Written by Editor

Magaalada-BaydhaboBaydhabo:-Wararka naga soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegay in xalay Bam gacmeed lagu weeraray guri uu deganaa  Guddoomiyaha xaafadda Howl-wadaag Khaliif Ibraahim ,Guddoomiyaha ayaa waxaa weerarkaas ka soo gaaray dhaawac waxaan loo qaaday Isbitaalka magaalada Baydhabo oo lagu daweynayo.

Guddoomiyaha xaafadda Howl-wadaag ee degmada Baydhabo Khaliif Ibraahim ayaa waxaa uu ku sugnaa gurigiisaa xiliga weerarka lala beeg saday, ciidamo ilaalo ka hayey guriga guddoomiyaha ayaa waxaa ay ku guulaysteen in ay qabtaan qofkii Bamka ku weeraray guriga guddoomiyaha waxaan ay ku dileen isla goobta.

Taliyaha ciidanka Booliska ee Baydhabo, Isaaq Cali Aadan oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu u xaqiijiyey weerarka lagu qaaday xalay guriga Guddoomiyaha xaafadda Howl-wadaag ee degmada Baydhabo Khaliif Ibraahim wuxuuna uu sheegay in guddoomiyaha uu soo gaaray dhaawac culus, Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka ilaalada u ahaa gudoomiyaha ay ku guulaysteen in ay dileen qofkii weerarka geystay meydkiisana ay geeyeen Bartamaha magaalada Baydhabo.

Dadweynaha ku nool magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa saaka u soo daawasho tegay qofka la sheegay in ay dileen ciidanka  oo sidda la sheegayo ahaa nin dhalinyaro ah oo horay uga soo goostay ururka Al-shabaab. Ciidanka Al-shabaab ayaa sidoo kale shalay waxaa ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan AMISOM oo marayey deegaanka Goofgaduud Shabeelow oo ilaa 12-km u jirta magaalada Baydhabo waxaan halkaas ka dhacay iska horimaad hubaysan oo mudo socday.

A/cawaale
Halgan.net.

 

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online