Maxkamada darajada 1aad ee magaalada Boosaaso oo xukun kala duwan riday

May 19, 2013 - Written by Editor

maxkamada-bosasoBoosaaso:-Maxkamada darajada 1aad  ee magaalada Boosaaso ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday 5 nin oo ah Naakhuudayaal ah kuwaas oo waday doonyo laga leeyahay dalka Iran oo si sharci daro ah uga kaluumeysanayey xeebaha Puntland.

Gudoomiyaha Maxkamada darajada 1aad Sheekh Aadan Axmed ayaa markii uu dhageystay eedeynta loo soo jeediyey 5 nin ee Naakhuudayaasha ah  iyo dhamaan shaqaalihii la socday 5 dooni oo ay qabteen ciidanka ilaalada badda ee Puntland ayaa ku  dhawaaqay xukunka.

Doonyaha sida Sharci darada uga kaluumeysanayey xeebaha Puntland oo gaaraya ilaa 5 dooni ayaa waxaa lagu xukumay in mid walba ay bixiso 100,000 $ oo ganaax ah, waxaana loo qabtay in ay ku bixiyaan mudo gaareysa ilaa 45 cisho, hadii ay ay bixin waayaana waxaa 5ta dooni la wareegi doonta dowlada Puntland.

Maxkamada Darajada 1aad ayaa waxaa ay sidoo kale xukun ku riday 5 nin oo Naakhuudayaal ka ahaa doonyaha waxaana qofkiiba lagu xukumay  5,000 $ oo ganaax ah in uu bixiyo mudo 45 cisho ah hadii ay bixin waayaana waxaa loogu badali doonaa xabsi .

Gudoomiyaha Maxkamada darajada 1aad Sheekh Aadan Axmed  ayaa waxaa uu sidoo kale uu xukun ku riday Badmaaxiintii la socotay doonyaha kuwaas oo gaarayey ilaa 70badmaax waxaana qofkiiba lagu xukumay  2,000 $

Dhinaca kale waxaa sidoo kale oo Maxkamada darajada 1aad ay xukun ku riday 12 nin oo Soomaali ah kuwaas oo waardiye ka ahaa doonyihii la soo qabtay waxaana lagu xukumay qofkiiba 1000 $ oo ganaax ah in ay ku bixiyaan mudo 45cisho ah.

Dowlada Puntland ayaa waxay sidoo kale la wareegtay dhamaan kaluunkii saarnaa 5ta doonyood oo ay qabteen ciidanka ilaalada badda Puntland iyo hubkii saaraa.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online