Urur Siyaasadeedka UDAD oo sheegay in uu ka qayb galayo doorashada golayaasha deegaanka ee Puntland

May 8, 2013 - Written by Editor

udad1Garoowe:-GuddoomiyahaUrurka siyaasadeedka UDAD Siciid Faarax Maxamed ayaa sheegay inay ka qayb gelayaan doorashada golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland taas oo la filayo in ay dhacdo bisha June 2013. Siciid Faarax Maxamed  oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegay in ay dib uga laabteen go,aankii ay horey u shaaciyeen oo ahaa in ay qaadaceen ka qayb galka doorashooyinka Dawladaha hoose ee Puntland .

GudoomiyahaUrurka UDAD Siciid Faarax Maxamed  ayaa sheegay in ururkiisa ay diyaarin doonaan ka hor 11 ka bishan June Musharaxiintii uga qeyb gali lahay ururkooda doorashada golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland. GudoomiyahaUrurka UDAD Siciid Faarax Maxamed  ayaa qiray in ay kulan gaar ah ay la qaateen guddiga doorashooyinka Puntland lagana aqbalay codsigoodii ahaa in dowlada ay sameyso Maxkamad dustuuri ah oo kala saarta Musharaxiinta ku loolami doona doorashooyinka Dawladaha Hoose ee Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online