Puntland oo ka tacsiyeysay geeridii Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise ( Singub )

June 19, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Dowladda Puntland waxay ka Tacsiyeynaysaa Geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise ( Singub ) oo kamid ahaa dadkii kaalinta weyn kasoo qaatay kobcinta suugaanta Soomaaliyeed, kana mid ahaa Abwaanada ugu horeeya hal-abuurka suugaanta wadan jacaylka iyo qaran toosinta ku dhisan, Alle ha u naxariistee Abwaanku wuxuu ku geeriyoodey magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo
ku hadlaya Magaca Goleyaasha Dowladda Puntland ayaa uga tacsiyeey shacabka Soomaaliyeed, bahda Suugaanta, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoskii uu ka baxay Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise ( Singub ), waxaana uu Alle ‘SWC’ uga baryey Marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, kuna Abaalmariyo Janatul Fardawsa, Samir iyo iimaanna Alle kasiiyo dhammaan ummadd Soomaaliyeed.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
June 2019
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online