Madaxweynaha JFS iyo Kenya oo wada hadlay

March 5, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo khadka telefoonka ku wada hadlay ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
March 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online