Jamaacada Al-ictisaam oo beenisay Bayaan been abuur ah ay Faafiyeen @Dalsan Tv

November 15, 2026 - Written by Editor


Muqdisho:– Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaabi Wasshunnah ayaa beenisay Bayaan Been Abuur ah oo lagu faafiyey baraha Bulshada kaas oo lagu sheegay Bayaan ka soo baxay Ictisaamka Koonfur kaas oo ahaa mid been abuur iyo buhtaan cad oo aan maro ku dadneyn.

Been Abuurkaas ayaa waxaa faafiyey Warbaahin isku sheegtay in ay madax banaan tahay oo lagu magacaabo @Dalsan Tv taas oo ka dharla, Shuruucda Warbaahinta iyo Qawaaniinta u yaal tabinta xogaha iyo wararka ku saleysan Xaqiiqada .

@Dalsan Tv uguma horeyn uguna Danbeyn meyso Been Abuur laga faafiyo Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaabi Wasshunnah iyo culumada Soomaaliyeed ee ka tirsan Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaabi Wasshunnah.

Waxaa Faafinta Been Abuurada dhaqan iyo caado u lahaa kooxaha Bahda Takfiirka ,kuwa Jadiida ah qolyaha Suufiyada ,Cilmaaniyiinta ,Mulxidiinta waxaase wax lagu qoslo noqotay Warbaahin sheeganeysa in ay madax banaan tahay leedahay aqoon muhnadeed iyo mid warbaahin in kala garan weydo jihada rasmiga ah ee laga qaato xogta markaad war ama Warmurtiyeed tabineyso kaas oo ka soo baxaya Jihada la yaqaan oo leh baro Warbaahineed ,madax iyo golayaal loogu hagaago.

Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaabi Wasshunnah waxay leedahay Gudoomiye Sare iyo Golayaal leh ku hadalka Afka rasmiga ah ee Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaabi Wasshunnah.

Dalsan Tv waxaa ay Faafinta Bayaankii been Abuurka ahaa ku darsatay in Markii ay la soo xiriireen Madaxda Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaabi Wasshunnah oo laga codasaday in ay Cadeeyaan waxa ku kalifay Faafinta Bayaanka Been abuurka ah in ay Warbixin kale oo khaladab ku Faafisay Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaabi Wasshunnah @Dalsan Tv taas oo ay markii Danbe ka saareen oo ay Tirtireen!


Qoraalkii ay sida qaldan u qoreen oo ay Sheekh Bashiir kaga been abuurteen ka dib markii la yiri warka beenta ah cadeyn u keena jihadeena rasmi ah aad ka xigateen ama ka bixiya Raali galin ka dibna Tireen Hoos ka eeg



Hoos ka Daawo kana Akhriso Beeninta Bayaankii Been Abuurka ahaa ee lagu faafiyey @Dalsan Tv.

UJeedo beenin Bayaan aan Xaqiiq ahay oo laga Faafiyey Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaabi Wasshunnah Sh Dr Bashiir Axmed Salaad Xafidahulaah.

Bal hadaba aan dib idiinku cesho kooxaha huwanta ah ee dhaqanka iyo caadada ka dhigtay ka faafinta been abuurka Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaabi Wasshunnah.

1-Been Abuur ay Somalimemo ka sameysay Wareysi Sheekh Bashiir Axmed Salaad

2-Been abuurka Somalimemo ay ka faafiyeen ururka Ictisaam oo laga daba tegay(Dhagayso waraysi Sh Axmed Cabdisamad)

3-Al-Shabaab iyo Suufiyadda iyo been abuurkii ay ka sameeyeen Sh Umal (كبرت كلمة تخرج من أفواههم إن يقولون إلا كذبا Dhageyso)

4-Been Abuur laga sameeyey Sh.Maxamed Cabdi Umal Allah dhowree (Daawo)

5-Been abuur laga sameeyey Sh Maxamed Cumar Dirir [Warbixin]


6-Digniin iyo Baaq Been Abuur laga sameeyey Sh.Maxamuud Shible


7-Sh Shible oo ka hadlay been abuurkii laga ka faafisay Sheekh Shariif CabdiNuur.[Dhagayso


8-Been abuur laga sameeyey Sheekh Dr.C/raxmaan Sh Cabdullahi Cumar W/Q Sh Xudeyfe Raage.


9-Been Abuurkii laga sameeyey Shiikh Maxamuud Shible oo daaha laga qaaday.(Cod + Video)


10-Sheekh Shariif Cabdi Nuur Ma dhiman waan Nabad qabaa Been fakatay meel ma gaarto


11-Maxamed Sh Shariif Cabdi Nuur oo la soo xiriiray Halgan.net beeniyeyna Fatwo lagu faafiyey Somalimemo.(Dhagayso)


12-Shabakaddaha faafiya beenta iyo cayda culimada oo soo kala gooyey muxaadaro uu lahaa Sh Cabdul qaadir Nuur Faarax


13-Waji ka feydid cod laga soo jaray Wareysi uu Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax uu siiyey Radio Garowe Oct 5 2008.[Dhagayso]


14-Naseexadii Sh Cabduqaadir Nuur Faarax ka jeediyey Xarunta Cilmi baarista ee PDRC.[Dhagayso]


15- Been Abuurkii ay Somalimemo iyo Al Shabaab ka faafiyeen Sheekh Cabdulqaadir oo laga daba tagay

M_M Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
November 2026
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online