Naseexadii Sh Cabduqaadir Nuur Faarax ka jeediyey Xarunta Cilmi baarista ee PDRC.[Dhagayso]
November 16, 2012 - Written by
Shabakadda wararka Halgan.net ayaa bulshada Soomaaliyeed u iftiiminaysa kulan shalay ka dhacay xarunta cilmi baarista ee PDRC oo kuwa lagu ibtileeyey xiqdiga ay u qabaan Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax ay been abuur ka faafiyaan Sheekha , balse alle mahadiis ayaa bulshada Soomaaliyeed ay ka dharagsan tahay been abuurka ay qoraan iyo Akhlaaqda xun ee ka fog diinta islaamka oo ay ka dhigtaan gabaadka iyagoo caado ay u tahay in ay caayaan culimada Soomaaliyeed maadaam lagu shaqaalaysiiyey arrinkaas.
Shaqsiga lumay ee caadaystay in uu wax ka sheego Sheekh cabduqaadir Nuur Faaarax ayaa ah shaqsi aad u liita oo xitaa xishoodka ka tegay oo caadaystay in uu caayo qabiilo iyo beel dhan mana ah shaqsi ka tarjumaya afkaarta iyo mabaadiida uu ku naaloonayo inuu difaaco shaqsigaan ayaa haddii alle idmo waxaa soo bandigi doonaa wax uu yahay waqtiga ugu munaasabsan. Halkaan ka eeg been abuurkii hore ee Sh Laga faafiyeybal laga dabategay
Sheekh Cabduqaadir Nuur Faaarax Allaha dhowree ayaa shalay lagu casumay dood ama kulan ay qabteen Xarunta Cilmi baarista ee PDRC oo looga doodayey geedi socodka Xisbiyada la doonayo in laga hirgeliyo degaanada Puntlland , kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudiga doorashooyinka ee Puntland(TPEC) , siyaasiyiin , aqoon yahayno, culimo’udiin, isimo iyo Madaxda dowlladda Puntlland.
Kulanka ayaa waxaa yimid Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Jen Cabdisamed Cali Shire , Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntland Dr.Maxamed Xasan Barre ,wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland.
Kulanka ayaa waxaa kalimada wacdi ah oo diini ah ka jeediyey allaha barakeeyee Fadiilatu Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culimada ugu waaweyn ee dalka Soomaaliya , Shiikha ayaa waxaa uu dadkii goobta joogay u sheegay in uu isagu yahay Shiikh kalima diisuna ay tahay in uu dadka Alle xasuusiyo waana tan loogu yeertaye hadalka Sheekha uu yirina waxaa ka mid ahaa:-
1- In alle laga baqo oo la xasuusnaado maadaama alle uu yahay midka na abuuray oo isagana aan u laaban doono marka aan dhimano.
2- Waxaan u baahanaya hadii aan nahay dowllada , ama shacab in aan Allaah u laabano oo aan qaadano Mabaa’diidda Islaamka oo aan Alle ku caabudno uguna dhawaano Maslaxadeenuna ayaa ku jirto.
3 – In aan Alle uga baqano qofka shaqsiyadiisa iyo Mujtamaciisa, danta guud ee amniga iyo Umaddana in aan alle uga cabsno oo danta gaarka ah aan ka hormarino tan guud.
4- Islaamku wuxuu qabaa in Maslaxada caamka ah laga hormariyo mid gaarka ah waan tan aan soo jeedinayno in lagu shaqeeyo, danta guud haddii ay lunto tan gaarka ah lama hello waa in tan guud markasta la hormariyaa masuuliyaduna waxaa ay saaran tahay qof kasta.
5- Islaamka waxaa uu leeyahay Siyaasad siyaasaduna waa midda ah in umada Maslaxadeeda aduunkeeda iyo aakhiradeeda laga shaqeeyo
loona shaqeeyo diinta Islaamka.
6- Waxaan umada Soomaali ugu yeerayaa dhamaantood midnimo haddii yihiin Puntlland ama Soomaaliba,sababtu in ay umadu midowdo waa diin, oo khilaafku waa shar oo marka danbe cadaab bay ku dhamaanaysaa sidda uu alle ku sheegay Kitaabkiisa Quraanka ah.
7- Waa in si wada jir ah loo ilaaliyaa amaanka iyo danta guud ee umada ka dhexeysa waa biyo kama dhib caan. waxaan filayaa in qofkasta oo wax garanaya wuu ogyahay dhibta ka dhalan karta haddii uu amniga xumaado.
8- Waxaa ugu yeerayaa bulshada in ay wada tashadaan oo talo wadaag noqdaan, xukunka kaliga taliska ah ma fiicna , ha la wada hadlo oo ha la is naqdiyo. laakiin naqdigu waa in uu noqdaa mid aan wax burburinaynin ee wax dhisaya.
9- Siyaasadu waxaa ay u baahan tahay cadaalada ma ah in la is qiimo dilo ama la is caayo ee waxaa la rabaa in cid aad qiimaynayso in aad ku qiimayso si alle ka cabsi ku jiro wax ay ku fiican yihiin sheegto wax ay ku xun yihiin sheeg oo soo bandhig.
10 Maamulka hadda jira ama kan imaan doona waxaa uu u baahan yahay in la waaniyo oo alle la xasuusiyo,oo wax jira loo sheego iyo wax ka dhiman ee loo baahan yahayna loo sheego.
Sheekh cabduqaadir Nuur faarax ayaa waxaa uu ka sheekeeyey dhibaatada soo wajahaday amni xumo degaanka Puntlland gaar ahaan magaalada Garoowe oo xili dadka la gaaray in la dhaco oo dhalinyaradu ay is dilaan maalin cad oo usbuucii 2 qof ilaa 3 qof ay dhimato heer la gaaray in baabuurta iyo hantida dadka la dhaco laguna dhaco duleedka magaalada Garoowe isagoo sheekhu sheegay in arrinkaas maamulka hadda jira uu wax ka qabtay.
Sheekh Cabduqaadir Nuur faarax ayaa waxaa kale oo uu si cad u sheegay in maamulku uu wax ka qabtay dagaaladii dhexmaray beelaha iyo dagaalkii dhexmaray ciidanka Puntlland iyo ururka Al-shabaab oo dadku ay in badan ka hadli jireen iyagoo sheegi jiray in dowlladu aysan ka gudbi kari caqabaadkaas jiray walow ay ka gudubtay.
Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa yiri uma jeedo in aan shaqsi amaano balse waxaan ka hadlayo waa aragtidayada oo waxaa jira weli wax badan oo aan qabsoomin, haddii ay beelaha iyo umadu aysan kuli diyaar u noqon in ay ka shaqeeyaan amaanka iyo nabadgelayada waa adkaanysaa in wax qabsoomaan.
Sheekha cabduqaadir Nuur Faarax ayaa tusaale u soo qaatay in beeluhu yihiin kuwa hubaysan oo haysta hub badan taasna ay sababto mara badan caqabaad oo haddii danbi dhaco ama beel wax la yeelo ama cid wax la gaarsiiyo beeshii oo hubaysan baa imaanaysa taas oo mararka qaar sababta in dowlladad aan si dowlladnimo ah u wajihi karin.
Sh.Cabdulqaadir Nuur Faarax aayaa waxaa uu xusay in uusan isagu ahayn siyaasi balse culimadu ay taageeri doonaa cid ugu dhow alle
oo Maslaxada iyo umada diinteeda wax ka qabanaysa , Sh.Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa si kaftan ah u yiri waan ogahay in aad u xamaasay san tihiin dimuquraadiyada aniguse waxba uga leexan mahayo kuna baaqi mayo in Xisbi wadaado furtaan balse waxaan taageeri doonaa cid walba oo umadaan Maslaxadeed aduunyo iyo teeda aakhiro ka shaqaynaysa.
Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa sheegay in dadka reer Galbeedka ah aysan umada Muslinka ah aysan u ogalayn dimuquraadiyada beenta ah oo ay sheegtaan isagoo tusaale u soo qaatay wixii ka dhacay dalka Aljeeriya oo islaamiyiintu ay ku guulaysteen walow sheekhu uu dhaliilsanaa magac islaamiyiinta maadaama umadu ay dhamaanteed tahay Islaam.
Sh.Cabduqaadir Nuur ayaa yiri haddii Bahasha Dimiquraadiyada lagu biyo cabayo walow aan ogayahay in ay jiraan Xisbiyo wadaado ah ay iyagu u ololeeya arrinkaas balse waxaan hubaa in haddii cod la qaado maanta wadaaddadu ay ku adkaan lahaayeen iyagoo aan hub qaadan sababtuna waxaa weeye dadku waa Muslimiin waxaan ugu yeeraynaan waa islaamka.
Hoos Ka Dhagayso codka Naseexadii Sheekh cabduqaadir Nuur Faarax uu ka jeediyey Xarunta Cilmi baarista ee PDRC
[audio:http://halgan.net/Mp3/kalimadii Shiikh Cqadir nurr faaraxa oo dhamaystiran.mp3] ama Halkan
M_M Deeq
Halgan.net

.gif)

