Somalimemo oo wareysi uu bixiyey Sh. Bashiir Axmed Salaad ka been sheegtay يحرفون الكلم عن مواضعه [Dhagayso]

January 15, 2015 - Written by Editor

memo_kamilMuqdisho:-Mareegta taageerta ururka Al-shabaab ee SomaliMemo ayaa siddii dhaqanka u aha waxay maanta soo daabacayday mar kale qoraal ay ku badaleyso wareysi uu Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaali yeed Sh Bashiir Axmed Salaad uu siiyey qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho waxaana uu Sheekhu wareysigiisa uga hadlay aflagaadada ay gaalada u geysteen Nabigeenii Maxamed صلي اللة علية وسلم

Sh.Bashiir Axmed Salaad guddoomiyaha hay’adda Culimada dalka Soomaaliyeed  ayaa yiri ” Sababta ay gaaladu u aflagaadeynayaan Nabigeena Muhamade Naxariis iyo Nabadgelyo ah kor kiisa ha ahaatee in ay tahay dhaqan lagu yaqaanay Yahuuda oo ah kuwa Col lahaa Anbiyadii Alle soo diray oo dhan wixii ay diin ku sheegi jireen Yahuuda iyo Gaaladuna ay beenowday oo hadda  diinta Islaam ku ay ku faafayso dalalka reer Galbeedka ah taasna ay keentay in ay doonayaan in ay suuro xumeeyaan diinta Islaamka iyo bulshada Muslinka ah ee ku nool dalalka reer Galbeedka ah gaar ahaan Faransiiska oo dad badan oo Muslimiin ah ay ku nool yihiin.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ku booriyey muslimiinta in ay ugu gargaraana  raacida iyo ku dhaqanka Sunadii Nabigeena Maxamed صلي اللة علية وسلم  si  gaaladu u soo raacaan diinta Islaamka. Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa ka mid ah idaacadaha uu la hadlay  Radio Kulmiye, Radio Risaala ,iyo Radio Goobjoog oo dhamaantood ka howlgala magaalada Muqdisho.

Mareegta Somalimemo oo lagu yaqaanay been abuurka culumada Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ku darsatay dhaqan yahuudeed ka dib markii ay badaleen oo suura xumeeyeen wareysigii Sh.Bashiir Axmed Salaad  يحرفون الكلم عن مواضعه  waxaana qoraal ay soo galiyeen bartooda Internetka ay cinwaan uga dhigeen.(Dhageyso:Bashiir Axmed Salaad oo Cambaareeyay Weerarkii Nabiga loogu Aarguday ee Faransiiska ka dhacay.)Halkaan ka eeg  ama hoos.

no images were found

Codka Sheekh Bashiir Axmed Salaad ee la soo galiyey Somalimemo ayaa waxaa ay ka soo goosteen wareysi uu Sheekh Bashiir Siiyey Radio Kulmiye Halkan ka Ka Dhageyso inta ay soo Goosteen Wareysigii Radio Kulmiye ee Sh Bashiir Xafidahulaah .

Halkaan riix wareysiga Radio Kulmiye uu la yeeshay Sh Bashiir Axmed Salaad waxayna Cinwaan uga dhigeen (Sheikh Bashiir” Gafka Gaalada ay kula kaceen Nabi Muxamad NNKH wax ay soo kor dhinkarto maleh” Ama Halkan

Sidoo kale Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa kale oo wareysi siiyey Radio Risaal waxaana ay cinwaan uga dhigeen (Dhageyso: Sheikh Bashiir Axmed oo ka hadlay aflagadda Nabigeen NNKH iyo waxay Diinta ka qabto) halkan ka eeg Halkan ka Dhageyso Wareysigii Radio Risaala Ee Sh Bashiir Axmed Salaad

Ma ah markii ugu horaysay oo Somalimemo ay faafiyaan been abuur ama ay bedelaan hadalka culimada Soomaaliyeeed iyagoo doonaya in ay u adeegsadaan arrimahood guracan ee khilaafsan akhlaaqda islaamka iyo shareecadda islaamka.

1 Halkan ka eeg been Abuurkii ay horey uga faafiyeen Sheekh Bashiir Axmed Salaad (Somali Memo) oo ahaa in uu ka mid ahaa wafdi ka tirsan DFS oo Sh Xassan Daahir ka soo ka xeeyey degmada Cadaado

2. Halkaan ka eeg-Been Abuurkii ay horey uga faafiyeen Somalimemo Sh Axmed Cabdi Samed

3. Halkaan ka eeg-Been Abuurkii ay horey uga faafiyeen Somalimemo Sh Umal

4. Halkaan ka eeg Been abuur ay ka samaysay somalimemo Sh.Dr.C/raxmaan Sh Cabdullahi Cumar

Warbaahinta taageerta ururka Al-shabaab ayaa waxaa heysta gahwareer cajiib ah waxaad arkeysaa mararka qaar iyaga iyo culumadooda oo gaalesiinaya Urura Al-Ictisaam Bilkitaab Wasuna oo uu gudoomiye u yahay Sh Bashiir Axmed Salaad ,waxaad kale oo aad arkeysaa iyaga oo isticmaalaya erayo gaaleysiin ah oo doqon ma garato ah sida AMISOM u mahad cesheen ,wey la shaqeystaan, waxaa la yaabeysaa haddana mararka qaar baad arkaysaa iyagoo culimada ay gaalaysiiyeen ugu yeerayaan Sheekh Fulaan ama wadaado xumayaal xili shacabka Soomaaliyeed ay ogyihiin in Al-shabaab ay ay gaaleysiiyaan culumada Ictisaam bal ay dil ugu dareen iyaga oo salaad ku jira .

Haddaba isweydiintu waxay tahay yaa wadaad xume ah oo ka lumay manhajkii Ahlusuna ma ninka qarxiyey ardaydii hargaha iyo saamaha ,Dhaqaatiirtii Hotel Shaamow ,Dumarkii qashinka ka shaqeynayey Muqdihso ,yaa dilay Salaad subax ka dib isaga oo sooman Sheekh. Dr Axmed Xaaji C/raxmaan ? yaa ku dilay Ceelasha biyaha Sheekh Maxamed Tahliil ? yaa dilay isaga oo salaad casar ku jira Sheekh.C/qaadir Nuur Faarax .

Dhanka kale yaa Baraawe ka ceyrsaday Sh Xasan Daahir Awey iyo Abu Yaasir Muqdishi ? Yaa dilay Ibraahim Afgaan Macalin Burhaan ,Abu Mansuur Al-Amriki ? .Yaa diyaaradaha iyo shiqoolka ku dilay raggii Al-qaacida ka tirsanaa ee Jihaadka u yimid Soomaaliya …jawaabta waxaan u deyneynaa shacabka Soomaaliyeed.?

Sh.Bashiir Axmed Salaad ayaa uga digay dhalinyarada Muslinka ah afcaasha dhibaato u keeni karta muslimiintana ku nool wadamada gaalada wuxuuna ugu baaqay muslimiinta in ay faafiyaan dacwada iyo wanaagii nabigeena maxamed SCW.

Wargeyska daabacay qoraalada lagu aflagaadeeyey nabiga CSW ayaa dib u daabacy masawiro kale waxaan sidoo kale kumanaan masawir daabacay sidoo kale wargeysyada ka soo baxa dalka gaalada ee Yurub taas oo sii siyaadisay aflagaadada iyo xumaanta gaalada ay u geysteen Nabigeena maxamed CSW.

Hay’adda Culimada dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay bayaan ka soo saartay maanta Aflagaada gaalada ay ku hayaan Nabigeena Maxamed CSW waxaana nuqul ka mid ah uu soo gaaray shabakadda wararka ee Halgan.net wuxuuna ku qornaa bayaanka luqadaha Soomaaliga iyo Carabi hoos ka eeg.

no images were found

no images were found

C/casiis Axmed
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online