Been abuur laga sameeyey Sh Maxamed Cumar Dirir [Warbixin]

April 24, 2013 - Written by Editor

DirirHargeysa:-Waxaa dhamaan lagu wargelinayaa  bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dunida daafaheed in ay  jiraan koox shufto shiico ah oo ku been abuurtay Sheekh Maxamed Cumar Dirir iyagoo Facebook ay samaysteen  ku dhajiyey sawirka Sh Maxamed Cumar Dirir oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Hargeysa.

Sidaas darteed waxaa lagu wargelinayaa bulshada Soomaaliyeed in aysan ku kadsoomin kooxdaas lunsan ee Shiicada ah iyo kooxaha kale ee bilaabay in culimada Soomaaliyeed ay ku been abuurtaan ilaa ay hadda gaareen in magacii culimada iyo sawiradoodii lagu furto Facebook si bulshada Soomaaliyeed loogala dagaalamo diinta saxda ah ee ay culimadoodu ay ku hogaaminayaan.

Shaqsigaan lunsan ee Shiiciga ah ayaa waxaa Facebooka ay ku furtay magacaan  diinta Islaamka waxaadna ka heli kartaa  Linkigaan hoos ku qoran https://www.facebook.com/abubakar.cumar.5   , sidaas darted  waxaa lagu wargelinayaa  in dadka Soomaaliyeed ay ka foojignaadaan dhagarah dhinac diinta ah oo ay soo maleegayaan kuwa diinta cadawga u ah.

Waxaa kale oo uga digeynaa dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan qurbaha iyo kuwa ku xiran aalada Internetka in ay ka digtoonaadaan firqooyinka lunsan ee Maraakista ku leh wadamada Soomaalida u qaxday. Waxaa si gaar ah looga codsanayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee aadka u isticmaala Aaladaha facebook iyo Twitter-ka in ay difaacaan Saxaabadii Rasuulka allaha ka raali noqdee  oo shaqsigaan Shiiciga ah uu u gafayo waan waajib saaran qof kasta oo muslin ah.

Sh Maxamuud Sh Xassan ayaa kalimad kooban oo dhax gal ah ka jeediyey kooxda Shiicada ah ee Soomaalida ah isagoo ku wajahay su,aalo , Shiikha ayaa xusay in Shiicada laga doonayo in su.aalaha jawaab u hellaan haddii ay yihiin kuwa doonaya xaqa in ay raacaan

Hoos ka Dhagayso kalimada Shiikh Maxamuud Sh Xassan oo ka jeeiyey kooxda Shiicada ah

Halgan.net

 

 

4 Comments so far

Leave a comment

  1. Asc Mahad oo dhan waxaa iska leh Allah , Halgan.net Dhalinyarada hagta waxaan Alle u weydiinayaa in uu ka abaal mariyo hawsha adag oo ay uhayaan bulshadan cadawgeeedu dhan walba kaga yimi , waayo horaan uga baranay in ay soo bandhigaan been abuuka ay cadawgu ugaystaan culimada waxaan alle ka baryayaa in uu noo iftiimiyo shirqoolada cadawga diinta , dalka iyo umadda soomaliyeed iyo muslimiinta oo dhan .

  2. waacajiib ilayn somalidana waa ledahay shiico ?

  3. Allaahu Akbar, waa Ilaahay mahadiis hadii kuwaas lunsan halgan.net ay ka digeen,fadlan sheekhana hala gaarsiiyo arinkaas. Alxamdulillaah.

  4. Mashallah I Love His lectures.

Leave a comment

*