Digniin iyo Baaq Been Abuur laga sameeyey Sh.Maxamuud Shible

April 22, 2013 - Written by Editor

shible1Been abuurka laga sameeyo culumada dalka Soomaaliyeed oo ay sameeyaan kuwa ka dhar la,diinta Islaamka ayaa xitaa gaaray in Face booka iyo twitterka iyaga oo bilaabay in ay qoraalo been ah ka sameeyaan culumada ama sawiro qaawan galiyaan page-ka Face book ay leeyihiin culumada .Been Abuurka laga sameeyey culumada waxaa u danbeeyey Shiikh Maxamuud Shible ka dib markii ay magaca Sh.Maxamuud Shibe ay ku sameysteen Page -Face Book ah iyaga oo ku qora waxyaaba uusan Sheekhu shaqo ku lahayn.Sheekh Maxamuud Shible ayaa la soo xiriiray Halgan.net waxaana uu na soo gaarsiiyey bayaan uu umada Soomaaliyeed uga digayo kuwa munaafiqiinta ah ee beenta ka sheega culumada.

Hoos ka Akhriso Bayaanka Sheekh Maxamuud Shible uu caawa soo gaarsiiyey Halgan.net

OGAYSIIS IYO DIGNIIN

Assalaamu Calaykum

Salaan Ka dib 

Anigoo ah Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli waxaan u sheegayaa dhamaan dadka ku taxan shabakaddaha Inernet-ka guud ahaan, gaar ahaan shabakaddaha Facebook-ga in aanan lahayn wax Facebook ah oo ku furan magacayga ama magac kale.Waxaan cadaynayaa in dhamaan shabakaddaha ku furan magacayga ee Facebook-ga ah yihiin been abuur aan waxba ka jirin.

Sidaas darteed waxaan dadka uga digayaa in ay ku kadsoomaan qoraalada ku soo baxa shabakaddahaas ee laga dhigayo in aan anigu qoray ama leeyahay. Waxaa kale oo aan ugu nasiixaynayaa dadka ku furtay magacayga ee aniga iska dhigaya in ay  Allaah ka baqaan oo joojiyaan been abuurka.

Qore/Sh. Maxamuud  Sh. Maxamed Shible

22/04/2013 Nairobi – Kenya

7 Comments so far

Leave a comment

  1. xaqiiq dadka waa layaqaan xun ee akhlaaqda katagay culimada iyo dhaqan kooda wanagsan ee katrjumaya diinn teena waan naqaan sha maxamuud ilaah dartiis ucafi dadkaas lunsan uguna yeer xaqiyo wanaaga aan kaaga baranay waana kaxunahay dadka sidaas samaynaya

  2. subxaanalaah haddii xumaantu badato warac nimaduna yaraato wax kasta filo nabigaa yidhi S.C.W (hadaadan xishoonayn waxaad doonto sameeee) waatan hadda kuwan xishoodka ka tagay been abuurka bilaabay qof diin leh oo rug loogu yimaado baan arki jirnay hadda waxaa la rabaa in la ina baro wadaad beenawaas ah iyo ku dilaa ah oo islaamka laaya subxaanalaaah arimuhu meel adag bay u socdaan alaah hana dhawro

  3. asc runtii waa qisooyin layaab laeh waxaa maanta aduunka kasocdo gaar ahaan cumlimda soomaaliyeed iyo dadka soomaaliyeed,waxaase dhihi karnaa dhibka waxaa keenay waa internetka iyo bogaga qofkastaba furanayo siduu doonana kayeelayo,maxaa yelay dad carabkoodu uusan isgaari jirin ayuu hada isgaaraa waxaa kadambeeya waa aalada intenetka baan leeyahay,tankale ninka been abuurka sameeyoow allaha bashar oodhan abuuray kabaq adiga oo dibi ku dhax jira hadhiman,,shiikha la xumeeyayna shiikhoow iska samir waxu waa aduune ragne inaan ilmaha kadhaliya aheeyn waa qabataahe.

  4. in culimada ladayo weyeen in ayagaan hesana manta in afka lagalabaxo weyeen in mel fc layirahdo in culumada sawiradooda lasoogaliyo ma aha maraka anu sas ayaan leeyahay culumda wa dadkii wax nogaranayey hala daayo subxanalaah ilhay kabaqa ilhay dadka xaqa daran wada ilhay ha suu hanuuniyo

    • waxaaan uga barayayaa dhamaan culumaada somaliyed in ale uu xifdiyo culumadiisa uu u doortay diinkiisa gaar ahaan sh moamuud shible inuusan shaqo kulahywan waxyaabaha laga samaynayao ee been abuurkaa rabigii baa difaacayaa oo ilaashanaya culumadiisa kuwaa ka sameywey waxaa la xisaabtami doona rabigood oo meel saaraay inshlaah

  5. jazaakallahu khyral jazaa sheekhunaa baarakallahu feeeek ıllahay waxan kaaga rajeyneynaa darajo sare ıyo jannatul fırdowz waxaa lagayaabaa xuman ın aysan ka ahayn eee ay katahay jaceyl ay kuuqabaan waa wax dhıcı kara dhowr jeerban weydıınay bayjka qofka ıstıcmaalaya masheekheenııbaa mıse waa cıdkale oo nooma aysan jawaabın ıllahay ayagana waxan ugarajeyneynaa danbı dhaaf anaga na hanagusugo xaqqa …….

  6. anagana waan faafinaynaa bayaanka sheekha kasoo baxay anagoo ugu gargaarayna sheekha faceb oo ah meel dadku soo wadagalaan maalin walba taqriiban ,waana arin aan ilaahay ooga rajaynaayo inuu ajar igasiiyo ,difaca sharafta culumada waa cibaado weyn alow kuwa sheekha kubeen abuuranayana soo hanuuni

Leave a comment

*