Digniin iyo Baaq Been Abuur laga sameeyey Sh.Maxamuud Shible

April 22, 2013 - Written by Editor

shible1Been abuurka laga sameeyo culumada dalka Soomaaliyeed oo ay sameeyaan kuwa ka dhar la,diinta Islaamka ayaa xitaa gaaray in Face booka iyo twitterka iyaga oo bilaabay in ay qoraalo been ah ka sameeyaan culumada ama sawiro qaawan galiyaan page-ka Face book ay leeyihiin culumada .Been Abuurka laga sameeyey culumada waxaa u danbeeyey Shiikh Maxamuud Shible ka dib markii ay magaca Sh.Maxamuud Shibe ay ku sameysteen Page -Face Book ah iyaga oo ku qora waxyaaba uusan Sheekhu shaqo ku lahayn.Sheekh Maxamuud Shible ayaa la soo xiriiray Halgan.net waxaana uu na soo gaarsiiyey bayaan uu umada Soomaaliyeed uga digayo kuwa munaafiqiinta ah ee beenta ka sheega culumada.

Hoos ka Akhriso Bayaanka Sheekh Maxamuud Shible uu caawa soo gaarsiiyey Halgan.net

OGAYSIIS IYO DIGNIIN

Assalaamu Calaykum

Salaan Ka dib 

Anigoo ah Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli waxaan u sheegayaa dhamaan dadka ku taxan shabakaddaha Inernet-ka guud ahaan, gaar ahaan shabakaddaha Facebook-ga in aanan lahayn wax Facebook ah oo ku furan magacayga ama magac kale.Waxaan cadaynayaa in dhamaan shabakaddaha ku furan magacayga ee Facebook-ga ah yihiin been abuur aan waxba ka jirin.

Sidaas darteed waxaan dadka uga digayaa in ay ku kadsoomaan qoraalada ku soo baxa shabakaddahaas ee laga dhigayo in aan anigu qoray ama leeyahay. Waxaa kale oo aan ugu nasiixaynayaa dadka ku furtay magacayga ee aniga iska dhigaya in ay  Allaah ka baqaan oo joojiyaan been abuurka.

Qore/Sh. Maxamuud  Sh. Maxamed Shible

22/04/2013 Nairobi – Kenya

Leave a comment

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online