Shiikh Mukhtaar Roobow oo ku baaqay dagaal ka dhan ah ciidanka AMISOM iyo DFKM

January 10, 2011 - Written by

 

Muqdisho:-Sh Muktaar Roobow Abu Mansuur oo ka mid ah masuuliyiinta ururka Al-shabaab ayaa waxaa uu maanta ugu baaqay ciidanka ururka Al-shabaab in
ay dagaalka ay kula jiraan ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM ay laba jibaaraan, Shiikh Mukhtaar Roobow ayaa arinkaas ku baaqay xili uu muxaadaro ka jeedina yey magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.
 Sh. Mukhtaar Roobow Abuu Masnuur oo ka mid ah hogaanka Al-shabaab ayaa waxaa uu ku booriyey dadweynaha ku nool Gobolka Bay iyo Bakool in ay ka qab qaataan dagaalka ka socda magaalada Muqdisho.

Sh.Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa yiri “Waxaan ka codsanayaa dhamaan Mujaahidiinta Soomaaliyeed in ay dagaalka lagula jiro ciidanka AMISOM iyo DFKM ay ka qabqaataan isagoo si gaar ah u xusay Gobolka Bay iyo Bakool uguna baaqay in ay garab is taagaan Ururka Al.shabaab”.
Baaqa dagaal ee ka soo yeeray Sarkaalkaan ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa ku soo aaday xili baaqyo kale duwan ay ka soo baxayaan Odayaasha dhaqanka Hawiye e ku sugan Muqdisho oo iyagu ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Muqdisho si loo gargaaro dadka ay abaaruhu halakeeyeen.

Dhinac kale Hay,adda Culimada Soomaaliyeed ayaa iyaguna ku baaqay in mudo kooban la joojiyo dagaalka si gargaar loo gaarsiyo Gobollada dalka Soomaaliya ee ay abaaruhu ku dhufteen. 

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2025
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online