Uur Doox Qaybtii 2-aad W/Q Shiikh Cabdiraxmaan Shiikh Cumar

December 26, 2011 - Written by

Waxaan aad ugu mahad celinayaa dhammaan dadkii faallooyinka ,dhiiri gelinta iyo ducooyinka ii soo diray Allaha idinka abaalmariyo.Waxaan Allah ka magangalayaa in aan wax dulmiyo ama la i dulmiyo in aan sibxado ama la I sibxiyo ama aan lumo ama la I lumiyo (waa ducooyinkii nabiga scw).

Qormadii koowaad kaddib waxaa ii soo baxay in dad badan dhufays galeen oo leeyihiin wadaad xaggee wax marsiin doonaa nin walibana irridiisa ayuu qool wayn islataagay, mid difaaco xarakadiisa iyo mid difaaco kacaankii, mid uu hayo xanuunkii doowlad la’aanta iyo wixii la haysan jiray xilligii barisamaadka iyo sida sahlan ee ay nagu dhaaftay, mid diin la’aan difaacayo iwm. Intaas oo dhan waxaan u sheegayaa, waxaan wax ka qorayaa dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee soomaaliya anigoo ka leh ujeedooyinka soo socda:

1- In aan nalwayn ku daaro taariikhda saxwada oo aan ku dhameeystay cimrigaygii intiisii badnayd.

2- In aan uga tago facyaalka soo socda dhaxal ay ka faa’iidaystaan si aan loogu dhicin khaladaadkii aan galnay.

3- In la ogaado waxa la gaaray iyo waxa dhiman si aan loo doondoonin wax la heeysto ama aan loo lumin wax la gaaray.

4- In dadbadan ay ogaadaan waxa ay soo qabteen Kana sugaan Allaah abaalmarinteeda.

Waxaan intaa raacinayaa in aan soo joogay laba qarni (qarnigii 20-aad ilaa kii 21-aad), laba doowladood iyo laabaatan sano oo dagaal sokeeya ah, diintana yaraantaydii ilaa maanta waan ku dhexjiray, afkayga iyo qalinkayga Allaah masoo marsiiyo aflagaaddo iyo gaf kooxeed iyo mid qofeed. Haddaan wax naqdiyo waxaan jeclahay in uu noqdo mid gar ah waxna dhisa.

Dadka faallooyinka qoro waxaan kula dardaarmayaa haddii aad saxwada ka midtahay oo aan isku da’ nahay waad fasaxantahay, ummada waxaad u reebayso soo dhowow, haddii kale sug inta laga gaarayo dhalashadaada , hana qaadkaaga ,waxbarashadaada, kadibna qiimayntaada.

Haddaad dagaalkii sokeeye bilawgiisii aad sexddex jir ahayd oo aad hadda 23 jir tahay, akhri wixii kaa horreeyey, kaddibna markaad aqoonteeda iyo khibradeeda yeelato wax qiimee oo taladaada ku darso geeddisocodka islamdoonka.

Waxbarashadii Somaaliya

Isticmaarkii ka hor iyo kaddib

Waxbarashada waa xaqa aasaasiga ah ee adaanaha, waana waxa kala duwa ummadaha habdhaqan kooda, siyaasadooda, dhaqaalahooda iyo sida ay u fakarayaan. Islaamka wuxuu ku billoowday akhri, taasoo ah in Islaamka oo dhan uu yahay waxbarasho sidaa darteed waxa soomaaliya soo gaaray culimadii cilmiga islaamka xambaarsanayd,waxayna aasaaseen xarumo waxbarasho oo ay kasoo baxaan arday sii xambaarta cilmiga. Xarumahaas waxay ku yaalleen magaalooyinka xeebaha iyo kuwa waaweeyn sida Zaylac mudisho ,harar,baraew, warshiikh iyo Galcusbo. Waxaa dhammaantood lagu baran jiray culuunta kala geddisan sida xifdiga quraanka,carabiga ,fiqiga iyo suugaanta carabiga. Sheekh yusuf Al-koownayn waa kii soo saaray alif wax ma leh, b hoos ku hale, t korkulabale. Halgankii sayid Maxamad Cabdulle Xasan dagaal kii ingriiska uu la galay waxay keentay in ingriiska ka mamnuuco in la furo iskuullada kiristaanka, laakin waxay billaabeen in ay furaan iskuullo hoose oo Calmaani ah, magaalooyinka Berbera,Zaylac, Bullixaar.

1920-kii wuxuu Ingriiska soo rogay cashuur laga qaado xoolaha si loo helo miisaaniyad looga dhiso magaalada burco lix iskuul oo hoose iyo hal iskuul oo dugsi dhexe ah. Mashruucii waxaa ku kacay dadweeynihii taasoo keentay in la dilo guddoomiyihii degmada ingriiska u fadhiyay sidaasna waxaa ku istaagay mashruucii. Arrintaa waxa hogaaminayay culimadii markaa joogtay. 1929-kii Ingriiska wuxuu keenay istraatijiyad cusub oo ah in sheekhyada loo ogolaado miisaaniyad ay ku furaan iskuullo gaar ah oo lagu barto quraanka carabiga xisaabta, akhrinta iyo qoraalka, waxaa kaloo miisaaniyad loo qoondeeyay in arday loo qaado Gordon College oo ku yaal Sudan, 5-tii arday ee ugu horreeysay ayaana galay

1933-dii Waxaa la aasaasay urur labaxay (SOMALILAND NATIONAL SOCIETY ) oo u ololaynayey in tacliinta casriga ah la qaato iyadoo ay wadaan dad Muslimiin ah, dagaalwaynihii adduunka ka hor, waqtigaa wixii kadambeeyey ingriiska wuxuu iskuullo ka furay Hargaysa,berbera ,burco waxaa taa lasocday idaacad iyo filimada socdo oo lagu xayeeysiinayo waxbarashada.

1944-tii guddoomihii waxbarashada wuxuu magacaabay hoggaamiyayaal diineed si ay uga mid noqdaan shaqaalaha waxbarashada iyo dadka wax ka dhigaya iskuullada si kalashakiga loo saaro.

1945-tii marka ahayd 400 oo arday ayaa dhiganaysay iskuullada mustacmaradda iyo 19 madraso oo quraanka lagu barto xisaabta iyo carabigana lagu dhigo.1950-tii laba iskuul oo dugsi dhexe ayaa furnaa ,qabanqaabada dugsi sarana waa la hayey.

Dhinaca koonfurta isticmaarkii Talyaaniga sidoo kale wuxuu yareeyay dacwadii kiristaameeynta isagoo ka baqay in lagu kaco wuxuuse fasaxay in la furo Catholic elementary schools.

1930-kii xukunkii fajistaha waa kalasoocnaayeen iskuullada ay wax ku bartaan Yurubiyaanka iyo kuwa caruurta dadka sar sare ee soomaalida ah ay wax ku bartaan. Waxaa aad loo hirgaliyay tacliinta calmaaniga ah mudadii xukunkii militariga ee ingriiska(1941-1950). Waxaa furmay 29 dugsi hoose oo ay dhigtaan 1600 oo arday, ayna dhigaan 45 macallin. Iskuulkii ugu horreeyay oo ay gabdho dhigtaan waxaa la furay 1949. Waxaa aad u muuqatay dadka iskuullada ka baxayey waxay ahaayeen dadkii ingriiska iyo talyaaniga boosaska sare ka haystay ilmahooda, waxaana loo diyaarinayey in jagooyin ka qabtaan dowladda isticmaarka ah ee xiligaas dadka gumaysanaysay.
Waqooyiga Soomaaliya wuxuu ingriisku u qoondeeyay waxbarashada 500 oo giniga Istarliinka ah, dhinaca waxbarashada hoose sanadka markuu ahaa 1939-kii, waxay mustacmaradda xog ku bixisay in 16 soomali ah oo kaliya ay heeystaan waxbarashada galbeedka ee 12 sano ah (Dugsi Sare) markay taariikhdu ahayd 1942-1955-tii waxaa 19-ka Iskuul ee hoose dhiganayey 1000 arday.

Xorriyadda markii la qaatay waqooyiga waxaa ku yiillay 38 iskuul ee hoose oo wiilasha ah iyo 3 iskuul oo gabdhaha ah. Tirada wiilasha dhigta waxay ahaayeen 2020 arday, gabdhahana 319, ogoow wiilasha iyo gabdhaha iskuuladooda waa kala soocnaayeen dhinaca waqooyiga wadanka.

12 iskuul oo ah dugsiga dhexe oo ay dhigtaan1039 iyo labo dugsi sare oo ay dhigtaan 70 wiil.

Waxa dibadda waxbarasho ugu maqnaa gaar ahaan ingiriiska 150 arday waxaana waqooyiga joogay 45 macallin. Koonfurta soomaaliya markii xorriyadda la qaatay waxaa jiray 100 iskuul oo isugu jiro hoose, dhexe iyo sare, ardada waxay gaarayeen16000 oo arday oo dhigta dugsiga hoose iyo2800 oo dhexe ah,782 sare. Macallimiinta waxay ahaayeen 470 waxaa heeystay shahaado buuxda 290 kaliya .

Xukunkii talyaaniga ee xorriyad gaarsiinta soomaliya loo xilsaaray wuxuu diyaariyey macaahid wax lagu barto sida machadka siyaasadda iyo maamulka (1950),machadka sare ee dhaqaalaha iyo sharciga (1954),iskuulka barashada islaamka,dugsiga magistaraale university institute oo isu bedeshay jaamacadda ummadda. Machadka barashada islaamka wuxuu soo saari jiray qaalliyaasha maxkamadaha madaniga ah. Ardada macaahidaa ka baxda waxaa waxbarasho sare loogu diri jiray waddan ka Talyaaniga. Dadkii waxbarashada u ololeeynaayey in si buuxdo loo raaco galbeedka, waxaa ka mid ahaa Mohamoud Ahmed Ali oo loo yaqaan aabaha waxbarashada waqooyiga, wuxuu aaminsanaa in ilmaha la gayn karo iskuul marka uu quraanka soo dhameeyo.

Ardada ka baxda iskuullada afka carabiga lagu dhigto waxay waxbarasho sare u aadi jireen jaamacadda Azhar, waxaa jiri jiray dugsiyada waxbarashada daka waaweeyn oo ay dhiganayeen ilaa 1900 oo arday. Waxaan taariikhda waxbarashada soomaaliya kaaga siinayaa fikir in uu kuu muuqdo sawirka dhaqdhaqaaqa islamiga ah ee soomaaliya oo kasoo dhexbaxay dabaqada ku jirtay wabarashada.

Waxaa kuu muuqda in isticmaarka markii lagasoo baxay tacliinta ay si fiican gacanta ugu dhigeen dadkii calmaaniyiinta ahaa iyo wadaadadii oo wata tacliintii Islaamiga ahayd, laakin ku oodan masaajidda waxna aan kulahayn hogaaminta nolosha iyo ku dhaqanka shareecada islaamka.

Waxaa dunida muslinka ka billaawaday dhaqdhqaaq ay horkacayaan dad culimo ah. Hindiya waxaa kasoo baxay jamaacal islaamiyah oo uu hogaaminayo Abu Acla Al-Mowduudi, isku manhajna ahaayeen ikhwaanka. Masar waxaa kasoo baxay Jamaacatul ikhwaanu Al-muslimiin, oo uu hogaaminayey Sh. Xasan Al-Bannaa, fikirkoodana ku fidiyey dunida Muslinka gaar ahaan dowladaha carabta, Ikhwaankii waxay samaysteen xisbi siyaasi ah iyo joornaal afkooda ku hadla lana dhihi jiray majallatu al-dacwah, halkudhiggoodu wuxuu ahaa; Islaamku waa Dacwadeena, Quraanku waa dastuurkeenna, Rasuulku waa midka aan ku dayanayno, Jihaadka waa jidkeenna ,yoolkeennu waa ilaahay, waxaan hiigsanayno waxaa ugu sarreeyo jidka allaah oo lagu shahiido.

Sheikh Xasan wuxuu isku duway rag mutacallimiin ah oo lix ah wuxuuu sheegay hadafkooda ah in ay soo celiyaan khilaafadii islaamka ee dhacaday 1920. Waxay billaabeen in ay Talaado kasta kulmaan, markii la ogaaday wadaadkii waxaa dilay si shirqool ah boqorkii waqtigaa Masar xukumayey Faaruuq, isagiina waa la inqilaabay, waxaa qabsaday masar golihii milateriga ee uu hogaaminayay Jamaal Cabdi Naasir. Sidoo kale Soomaalia waxaa soo gaarayey shanqaraha dunida muslimka, waqooyiga Soomaaliya waxaa ka billawday ururkii “waxdada”oo uu hogaaminayey Sh. Cabdulqaadir Xaaji Jaamac , isku manhajna ahaayeen Ikhwaanka.

Koofurta waxaa isu tagay koox arday ah oo tiibo talyaani ah oo uu horkacayo nin aad u caqli badan aadna u firfircoon kana yimid reer culimo ah, Sh. C/qaadir Sh. Maxamud, waxay aasaaseen xisbiga Islaamka, waqtigii dowladdii xorriyadda ee la ogolaa in la furto Axsaab si ay u tartamaan, xisbigaas oo hadafkiisu ahaa dhaqan galinta shareecada Islaamka, isku manhajna ahaayeen Ikhwaanka.

Waxay baran jireen diinta Islaamka, ardayda iskuulada dhigata oo aad diinta uga fogaana, waxay ugu yeerijireen barasha Diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda. Waxaan soo gaaray 1967-69 waxay ahayd wax lala yaabo, qof tacliin maadi ah dhigto xadaarada reer galbeedka oo markaas caalamka saydaray naysay ka biyo cabbay, in uu diin ugu yeedho dadka, gaar ahaan kuwa Iskuulada dhigta.

Waxay tagi jireen fasallada markaasay wacdin jireen, waxaa dhashay kacaankii 21-kii Oktoober, waxaa kula wareegay inqilaab aan dhiig ku daadan taladii wadanka xukuumaddii milatariga ahayd ee uu hogaaminayey Genaral Maxamed Siyaad Barre ,wax isu imaad ah waa la diiday waxay kooxdii Xisbiga Islaamka billaabeen in ay hoos isugu xirnaadaan,hoosna u shiraan hoosna ardada u uruursadaan,

 

Waa inoo qormada soo socota insha allaah.

Qore: Sheikh Cabdiraxman Sheikh Cumar

 

Leave a comment

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online