UURDOOX: Qaybta 5-aad W/Q Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar

February 3, 2012 - Written by

Minisota:-Alloow Naga Aqbal Dadaalkeenna iyo Camalkeenna oo Raad Fiican naga reeb (aamiin). Qoraalladan ilaa iyo markaan billaabay waxaa isoo gujinaya xoog aanan garaneeyn  halka uu ka imanayo anigoo filaya in Allaha caadilka ah uu ka imanayo xaggiisa, kaasoo I leh “horray u soco wad qoraalada” Sidaan horay u sheegay ujeeddooyinka qoraalladan waxaa kamid ahaa in la ogaado waxa lasoo qabtay si aan loo lumin wax la qabtay ama aan loo doondoonin wax la haysto. Mashruuca Islaamkana halka uu marayo ay kasii wadaan facyaalka soo kacayo insha allaah.

Haddii aad culays ka dareemeeyso qoraalladayda ha la yaabin sababtoo ah waa noloshaydii iyo waaya aragnimada qof ahaaneed ee aan soo maray. Waxaa horay loo yidhi: oohinta qofka laga dhintay iyo mida qofka la soo kiraystay ooynayso isku mid ma aha, (waa dhaqan carabtu lahayd in dumarka laga dhintay  soo kiraysaan dumar kale oo la ooya)  Waxaa ii muuqda meesha ummaddaan u dhimanayso in ay tahay diin la’aanta iyo in aan la qiimayn waxa la haysto iyo waxa maqan ee la rabo in la doono. Maxaa fiican oo qofkii kaa horreeyay qabtay  oo u baahan sii wadid, maxaa lagaa rabaa in aad ku kordhiso oo ka dhiman.

Lafoole

Kulliyadda waxbarashada ee lafoole waxay leedahay taariikh gaar ah oo mudan in la xuso sababtoo ah waa kulliyaddii ay kasoo baxeen macallimiin badan oo wax baray facyaalkii wax bartay ee dalka qaybihiisa kala geddisan maamulka u qabtay.  Waxaa la furay lafoole Octobar 1963, waxaa dhismaha iyo meesha laga dhisayba fuliyay maraykanka, wuxuu ka dhex dhisay masjid leh minaarad quruxbadan, waxaa lagu billaabay 5 macallin oo maraykan ah oo kayimid Eastern Michigan University mid kamid ah ayaana madax u noqday iyo 2 macallin oo masaari ah oo midna dhigo luqadda carabiga midna diinta.

(Dr. ismaciil Samatar oo kamid ahaa 50-kii arday ee lagu furay),waxaa la dhihi jiray NTEC (National Teacher Education Center), waxay ku xirnayd jaamacadaha maraykanka ,raga kasoo baxa waxay ahaayeen rag aad ay u saamaysay ilbaxnimada galbeedka, afka wax lagu barto wuxuu ahaa afka ingriiska, oo ninka ku hadlaa laba jumladood uu ahaa nin la jeclaysto in la noqdo isagoo kale waxbaba yaanay u wehlinin hadduu rabee. Sidoo kale waxaa lamid ahaa qofka talyaaniga ku hadla,sababtuna waxay ahayd waa afka qolada dadka dunida qabsatay.

Macallin kamid ah macallimiintii wax ka dhigaysay Dugsiga sare ee Axmed Warsame  ee magaalada Beledwayne, maamulana nooga ahaa cismaan Badawi ayaa maalin wuxuu noo dhigayay taarikhda aadanaha wuxuu aad nooga dhaadhiciyay in dadka daanyeer kayimaadeen (evolution), dood culus ayaa na dhexmartay laakin waa ku adkaystay ardaydiina qaar ayaa ku raacay, waxaan noqday wadaad diin duqoowday ku dheggan, ciil darted waxaan doondoontay wax burrinaya nadariyaddaan cilmi ahaan si aan uga horgeeyo isagana dhiciyo macallinka waana waayay, tusaalahan aan kuu sheegayo waxay haystaa arday walba oo iskuul dhigta intaa iyo kabadanna waa ku dhacayaan.

Ogoow akhristoow ardada waa dadka ay fiirsanayaan dadka oo dhan, dugsiga sare waxaan ku dhiganaynay markaas 27 arday. Macallimiinta kale waxay kasoo bixi jireen dugsiga Maccestrale oo lagu dhigi jiray afka talyaaniga. Macallimiinta inta tukato waa nadir xataa kan diinta dhiga ma tukado. Waddamo badan ayaa waxaa ugu horreeyn laga furay kulliyadaha waxbarashada ujeedada waxay ahayd in la helo macallimiin xambaarsan fikirka galbeedka oo soo saaro hoggaamiyayaashii barrito, waase usoo noqon doona ujeeddo ayaan kaleeyahay xusiddan.

 

Mashruuca islamka iyo kacaanka:

Sida aan kuu soo sheegay waxaan u wareegnay beesha hantiwadaagga ee uu hogaaminayo USSR (United Soviet Socialist Republics) ,madaxweeynihii dalka ayaa ku dhawaaqay in la qaatay hantiwadaagga cilmiga ku dhisan (scientific Socialism) oo aabbayaal u yihiin Karl Marx iyo Lenin. Gumeeysigii wuxuu ka tagay maxkamado lagu xukumo shareecada islaamka gaar ahaan waxa la xidhiidha arrimaha qoyska sida; dhaxalka ,guurka furriinka iwm, oo uu fadhiyo qaaddi diinta islamka yaqaan.

Janaayo 11, 1975 ayaa kacaanka soo saaray sharcigii xeerka qoyska ee”sinnaanta ragga iyo dumarka” Jan 1 7,1975 maalin jimce ah ayaa wadaad ka istaagay masjidka Sh. Cabdulqaadir magaciisana ahaa  sheikh Maxamad Axmed wuxuuna gacanta bidix ku qabtay wargayskii lagu qoray go’aankii xeerka qoyska, gacanta midigna quraanka isagoo leh makanaa cadaalad ah mise kan. Shiikh kale oo magaciisa la dhihi jiray Sh. Muuse yusuf oo masjid kale ka hadlayayaa tilmaamay in aan Ruush wax naga dhexeeya jirin ee shartiisa allaha na dhaafiyo , nin kale oo sheikh masaari ahna waa ka hadlay oo markii dambe dalka laga musaafuriyay. Waxay culimada ka hadlayaan axkaamtii qoyska ee yarayd ee uu talyaaniga ka tagay oo ka haray shareecadii islaamka oo dhan maxaa loo bedalayaa?. Waxaa dhacay kacdoon bulsheed oo xoog badan kuna sigtay kacaanka inuu dhaco. Kaddib waxaa la xidhxidhay dad aad u farabadan kadibna  waxaa lasoo joojiyay maxkamad,xukunkii wuxuu u dhacay sida tan:

Subax Khamiiseed ee ay bisha Muxarram ahayd 11ka sanadkii 1395kii, kuna beegnaa 23kii January 1975kii ayaa Idaacaddii Raadiyow Muqdishu laga sii daayay war argagax iyo cadho ku beeray shacabkii Soomaaliyeed, inkastoo aanay wax fal ah oo ay kaga hor tagayaan arrintaasi aanay waagaasi qaadin haddana qof kasta meel uu joogayba hoos u foorarsay. Warkii Radio Muqdishu sii daayay oo aad u koobnaana waxa uu u qorraa sidatan:-”Sida ay sheegayso wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA waxaa saaka subixii dil toogasho ah lagu fuliyay 10-kii qof ee ay maxkamadda badbaadada qaranku ku xukuntay dilka , waxaana lagu toogtay oo dilkaasi lagu fuliyay garoon u dhaw dugsiga booliska ee ku yaala xeebta badda, magacyadooduna waxay kala yihiin:-

1-Sheekh Axmed Sh. Maxamed

2-Sheekh Muuse Yuusuf

3-Sheekh Axmed Iimaan

4-Cali Xasan Warsame

5-Xasan Ciise Iley

6-Maxamed Siyaad Xirsi

7-Cali Jaamac Xirsi

8-Aadan Cali Xirsi

9-Saleebaan Jaamac Maxamed

10-Yaasiin Cilmi Cawil

Maxkamadda badbaada qarankuna waxay ku eedaysay dambiilayaashaasi horteedana ay kaga caddaatay in 10-kaas eedaysane ay si wadajir ah uga hor yimaadeen xeerkii ay sida wadajirka ah iskugu raaceen kana soo baxay golaha sare ee kacaanka, iyo golaha wasiirada 11-kii January sanadkii 1975kii, kaasoo ku saabsanaa sinnaanta ragga iyo dumarka, waxa ayna maxkamaddu u cuskatay xeerka lambarkiisu yahay 12 qodobkiisa 54-aad ee soo baxay 10-kii bishii 9-aad sanadkii 1970ki”(1)

Xukunka waxaa ridday Maxkamadda Badbaadada Dalka oo aan laga qaadan Karin racfaan.

Xilligaa in badan oo saxwada ah waxay ku maqnaayeen ololihii baridda afka soomaaliga,kacdoonkan wuxuu ahaa mid shacbi ah oogilgilay dowladda. Fulintii dilkana waxay farriin xooggan u dirtay ciddii istitraahada waxaad ka hortagi kartaan mabda’ hantiwadaagga ee wadiidiisa  cagta  saaray.

Raga kacaanka hoggaaminayo waa saraakiil kasoo wada baxay inta  badan kulliyadaha dalka Talyaaniga sida Modena iyo kuwa ingriiska sida Sanders iyo kuwa carabta sida Masar, waxaa lagu sheegaa inay tukadaan labo nin Cismaan Maxamad Jeelle iyo Axmed Xassan Muuse, diintaa wax lagu dhaqi karaa iyo fahamkeeda aad iyo aad ayay uga fogyihiin, waa rag ay ka go’antahay in ay waddankooda horay u mariyaan, kana saaraan dib u dhaca,  laakin shareecada in wax lagu xukumi karo xagga iska dhig oo waxay kala midyihiin madax badan oo ah kuwa ka taliyo dunida muslimka.

Madaxtooyada masaajid maleh, iskuulaadka ,jaamacadaha waa sidoo kale, kulliyadda jaalle siyaad ee saraakiisha kasoo baxaan masjid ma lahan, ninka yidhaahda waa tukanaa waxaa ku adkaanaya  in uu helo waqti uu ku tukado iyo meel uu ku tukado. Welwelka ugu wayn waa sidee u tukataa ama diintaada u haysataa adigoo waxbaranaya ama shaqaynaya.

Tusaale ahaan waxaan xusi karaa, Lix gabdhood ayaa laga raacdeeyay kulliyadda lafoole, waxaa la yidhi kala doorta qaadashada xijaabka iyo waxbarashadiinna aad soo waddeen, waxay doorteen in aanay dhigin xijaabka alle ku faradyeelay/waajibiyey, gabdhaha waa gabdho soo dhamaystay waxbarashadii dugsiga sare oo aad u adkayd, waxaa dhibka cayrinta ka daran waalidka oo dhan oo u arkayo qof dhintay oo ku ciyaaray mustaqbalkiisii, dadaalkii waalidkana kadhigay halbacaad lagu lisay, ma aha gabdho akhlaaq xun sababta lagu cayrinayo,  kaliya waa qaadashada xijaabka oo ahaa wax lala yaabo waqtigaa, waad garankartaa culayska gabdhahaa fuulay iyo waxa ay u adkaysteen,waxaad ku qaboowsataan maanta in aan Iskoolaadka soomaaliya dhamaantood ama  in badan oo kamid ah aan la aqbalayn gabar aan xijaabnayn, waxaan rajaynayaa gabar kasta oo Xijaaban oo Soomaali ah ama xijaaban doonto in uu ajar idikaga socdo, abaalka aakhirana waa kasii wayn yahay bi idni laah.

Gabdhahaas waxay kala ahaayeen;

 

  1. 1.      Caasho Salad oo hadda  yemen joogta (xaaska Cali Muuse Ciise)
  2. 2.      Khadiijo Garwayne kuna nool Toronto (Marwada Sh. Maxamuud foodcadde Allaha jannadii ha ka waraabiyee ka geeriyooday)
  3. 3.      Qaali Maxamed Cabdi (allaha u naxariisto)

Iyo saddex gabdhood oo kale. Illaahay waxaan uga baryayaa inuu naarta ka xijaabo, xariirta Janadana labis uga dhigo, idinka waxaan idinka rajayanayaa inaad u ducayn doontaan.

Akhristoow amaad istiraahdaa wadaadka ma dhul gaaluu ka sheekaynayaa, maya ii sug wax yar.

Mashruuca Islaamka ee Soomaaliya raggeedii waxay go’aansadeen in ay marka ugu horraysa is dhisaan  oo ay soo saaraan rag kun nin u dhigma iyo in arddada soo dhamaysata dugsiyada sare loo jiheeyo laba qeeybood :

b-     Milateriga

t-       Waxbarashada

Labadaan mu’asaso waa labada laga fasahaadiyo dunida muslimka, tan hore waa xoogga loo adeegsado fulinta mabda’ kasta oo xun  iyadoo isla markaana ah awoodda lagu caburiyo shucuubta muslimka ah. Tan dambe waa midda barbaarisa facyaalka soo kacayo oo dhan waxa wax barbaarinayana waa macallimiinta kasoo baxday kulliyadda waxbarashada lafoole.

Ardada kasoo baxaysa waxbarashada,  reerahoodu waxay u sugayaan sida reer sabool ah oo hal neef oo dhalaya leh sida ay  u sugaan, waxaa lasii qorsheeynayaa meesha waxbarasho ka gali lahaa iyo shaqada uu qaban lahaa si reerka u soo galiyo dhaqaale fiican, haddii uu ardayga yahay wadaad waxaa in badan iska horimaanayo qorshihii reerka iyo kii xarakada islaamka, waxay ku qaadanaysaa waqti in uu ka qanciyo reerka meesha loo dooray, sidaa daraadeed waa inuu reerka qorshahooda raacaa haday u diraan labada kuliyadood ee aan soo xusnay meel aan ahayn, oo uu markaas  jabiyaa istraatijiyadii dhaqdhaqaaqa islaamka.

Waxaad ogaataa ardada wadaaddada ah inay yihiin ardada xagga aqoonta ugu sarraysa iskuulaadka, taasoo meesha ka saartay in hoos loo fiiriyo wadaadka, waa la yaqaannay fagaarayaasha waxbarashada marjica waxay ahaayeen wadaadada.

Walaaha waxdada waxay ka fureen Hargaysa iskuullo gaar ah oo laba ujeeddo kalahaayeen,in ay raggooda ku dhisaan aqoon ahaan iyo in ku kasbadaan ardada kale waxaana kasoo baxay rag waawayn oo dacwada wax wayn ka taray. Mararka qaarkood waxay  nafta iigu sheekayn jirtay war xaggee  ka iman nasriga Kooxdii u horraysay waxay aadeen Russia, kooxdii labaad waxay ku xaroodeen kulliyadda Jaalle Siyaad.

Waxay ahaayeen 5 nin, waxaa maalmihii koobaadba lasoo cayriyay saddex kamid ah,  maxaa lagu soo ceeyriyay? Sheekadan waa taariikh yaanay ku dhaafin, layli saraakiishii ayaa waxay ku jireen hoolka shirarka waxaa khudbad u jeedinayay sarkaal sare, waxaa soo gashay salaaddii maqrib, wadaaddadii waa kuurkuursadeen war see yeelnaa salaaddii waa joogtaa? Mid baa gacanta taagay waxaa la waydiiyay wuxuu rabo, wuxuu yidhi waan soo tukanayaa, waxaa la yidhi ma jirto? markuu dhowr jeer gacanta taagay oo salaaddii loo diiday ayaa saddexdoodi midna imam noqday labana ku xirteen meel hoolkii dhexdiisa ah,  iyagoo sujuudsan ayaa askar lagu dalbaday lug iyo gacan isu qabteen waxaana lagu tuuray xabsiga iyagoo aan dhammmaysan salaaddii kadibna waxaa laga tiriyay dirayskii waana la cayriyay, maanta waa joogaan.

Magacyada raggaas waxay ahaayeen;

1-     Xasan Afrax Guure

2-     Axmed Ducaale

3-     Mahdi Jimcaale.

4-     Sh. Cabdinasir Xaaji Axmed oo ragga ka mid ahaa ayaa warka faahfaahintiisa ka heli kartaa.

Ragaas ilaahay waxaan uga baryayaa in xabsiga aakhiro ilaahay ka badbaadiyo, khaa’iqda dhexdoodana uu ku sharfo maalinta ummaduhu aruman yihiin. Halkaas ha inoo joogto lasoco qoraalka danbe insha allaah. Aad ayaan ugu mahad celinayaa dhamaan inta ducada iyo dhiira galinta qoray ama ila soo xiriiray, Jazaakumu laahu khayran.

Waa inoo qormada soo socota insha allaah.

Qore: Sheikh Cabdiraxman Sheikh Cumar
burdhinle@yahoo.com

Leave a comment

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online