Uurdoox Mashruuca Islaamka ee Soomaaliya Sh Cabdiraxmaan Sh Omar [Qaybtii 9-aad]

November 11, 2012 - Written by

Minneapolis:-Culimmada dacwada wadatashi kaddib waxaa la isku raacay in aanan wali rag noo diyaarsanayn ay dacwada ku istaagto oo u noqda tiirarkii ay ku istaagi lahayd sidoo kale waxaan diyaarsaneeyn dadwaynaha, siyaasiyiinta,aqoonyahanka,ciidammada kuwaasoo wali u bislayn in ay hirgaliyaan sharciga Allah ku dhaqankiisa.Sidoo kale waxaa la isla meel dhigay in haddii qolyahan ay ku qancaan maalin maalmaha kamid ah ku dhaqanka shareecada islaamka waxay u hirgalin doonaan sida ay u hirgaliyeen mabaadiida kale ee lagasoo minguuriyey gaalada.
Waxaa macne ii samaynaya ansixintii Baarlamaanka Kumeelgaarka Soomaaliyeed ay cod aqlabiyad xoogan ku ansixiyeen ku dhaqanka Shareecada Islaamka taariikhdu markay ahayd Sabti,April12,2009, ha dhaqangaliyaan ama qabyo wali ha’ahaato.

Dhaqdhaqaaqa salafiga:

Dhaqdhaqaaqa salafiga oo isku xiran ayaa waxay billaabeen dacwo nidaamsan oo ay fulinayaan rag isku xiran gees ka gees waddanka gudahiisa iyo dibaddiisaba. Saraakiisha xarakada waxay dacwadii towxiidka oo saafi ah ka billaabeen ciidamada dhexdooda,intii ay socotay moowjaddii takfiirka rag ayaa ka baxay ciidamada iyagoo u arkayey in ay tahay gaalnimo in loo shaqeeyo dowlad aan wax ku xukumeeyn sharciga Allah,rag kale oo aan kamid ahaa waxaan ku qanacsanayn in dadka ay u baahanyihiin dacwo gaar ahaan ciidammada noocyadooda kala geddisan, sababtoo ah, laga billaabo wasaaradda gaashaan dhigga ilaa xerada ugu yar malahayn Masaajid meelo nadir ah mooyee.

Horay waxaan u soo sheegay raggii iyagoo tukanaa xabsiga la geeyay layli sarkaal nimadiina laga xayuubiyay.Dhanka saraakiisha xaalka waa kasii xunyahay,meelaha lagula kulmo sida rugta saraakiisha oo lagula shiro saraakiisha qaybaheeda kala duwan ee ciidamada qalabka sida, si loola socodsiiyo markasta xaaladda dalka iyo arrimaha taagan,waxaa kaa fajicinaya sida ay u yartahay dadka tukada oo walwalka ugu  wayn uu yahay toloow sidee yeeli doontaa salaadda waqtigeedii la joogo. soonka marka la gaaro ood is leedahay ragga waa soomi doonaan waxa shaki kaa galayo in uu jiro sarkaal sooman maxaa yeelay waxaa qaacada shirka isqabsanayo sigaarka iyadoo ay jireen saraakiil sooman oo tukada.Saraakiisha sare, hadduu jiro janan tukado oo salaad u kaco saraakiisha tukata waxay u ahayd nafis, waxaa xusid mudan general Cali Ismaciil oo u kici jiray in uu soo tukado iyadoo loo jeedo.

Qofwaliba wuxuu ka cararayaa in lagu sunto wadaadnimo oo ahayd wax hoos loo fiiriyo Allahul mustacaan.Saraakiil xigeenka iyo dablayda waa dad diin jecel laakin aan haysan dhiirri galin.
Waxaan billaabay inaan kutub ku akhriyo xeradayda guutada 3-aad ee ciidanka difaaca circa oo aan ka tirsanaa,gaar ahaan ururka labaad ee sawaariikhda. Waxaan billaabay shaqada kaddib in aan u akhriyo saraakiisha kutubta caqiidada, fiqiga,siirada kuna dhiirri galiyo in ay soomaan khamiista iyo isniinta s’ ay ugu fahmaan diinta in ay tahay hab nololeed.Sidoo kale waxaan billaabay habeenkii in aan tafsiir ku akhriyo masjid ku yiillay xaafadda jungul hotel gurguurte gadaashiisa si aan dacwada magaalada uga qayb qaato.
1986 xamladdii dacwada markay socotay 3 sano kaddib,waxaa isqabsaday qayla dhaan ah carradii waxaa qabsaday wahaabiyo,waxaa islamarkiiba weerar nagu qaaday suufiyadii, iyo dhaqdhaqaaqa shuuciyiinta oo rabay in ay hirgasho shuuciyadda una arkayey in aan caqabad ku nahay mashruucooda iyo,dowladda oo labadaa qolo daabkeeda hayaan.

Xabsiga waxaa laga buuxiyay wadaadadii,subaxdii haddaad guriga ka baxdo soo noqoshadaada lama hubo, waxaa laga yaabaa in aad kasoo hadasho xabsiga,culimada muuqata, waxaa ka mid ahaa Sh. Cali warsame, Sh.Cabdulqadir Nuur Faarax,Sh. Xassan Dahir Aways, Sh. Cabdullahi Cali Xaashi,Sh.Daahir Aw-Cabdi Ciid,Sh.Maxamad (buluuq al-maraam Allaha u raxmado) Sh.Cali Mowliid,Sh Cabdicasiis Faarax,Sh. Maxamad Cabdi Daahir,Sh. Yusuf Aadan ,Dr.Axmed dahir Aways,Sh Nuur Baaruud Gurxan iyo mashaa’ikh , professooro jaamacadeed sida prof.Cabdikarim Carif,prof.Maxamad Cabdulqadir(beeraha),prof.Axmed Ali Axmed (dhaqaalaha),Mohamed macallin cabdullahi (machadka kalkaaliye sare) iwm.
March 3,1986 waxaan u kallahay shaqadaydii, markii aan kasoo galay iridda Guutada 3-aad ee Ciidanka Difaaca Cirka oo aan ka tirsanaa qaybta gantaalihii ugu dambeeyay ee uu siiyay USSR(soviet union) dalka soomaaliya SAM3 takhasus kaygana ahaa sarkaalka ku dagaallama, waxaan dareemay in la isugayo,markiiba waxaa ii yimid saraakiishii oo naxsan waxay igu yidhaahdeen see wax u jiraan? maxaa dhacay? waxaan waydiiyay oo maxaa jira? Waxay yidhaahdeen waa lagu raadinayay ee maxaasameeysay? waxaan ku idhi wax aan sameeyay ma garanayo oo aan ahayn in aan kitaab akhriyey,.markiiba waxaa la iiga yeedhay xafiiska taliyaha guutada Gaashaanle Sare Cabdulcasiis Maxamad Ugaas, wuxuuna ii sheegay in wasiirka gaashaandhigga Maxamad Cali Samatar soo amray in lagu soo xiro sababtana ma garaneeyno,kaddibna bus ayaa la igu qaaday waxaa la I geeyey xarunta koofi casta halkaas oo la igu daray saraakiil ku xiran meesha,oo lagasoo kala xiray meelo kala geddisan oo dalka ka mid ah.

Waxaan ugu tagay saraakiil maalintii isla joogo habeenkiina qolal lagu kala xidho.Waxaan u billaabay kutubo sida kitaabu tawxiid,sh. Maxamad cabdi wahaab,tafsiirka quraanka,riyaadusaalixiin,si toos ah ayaa loogu taxmay,qofka marka uu xabsi ku jiro aad ayuu Alle u tabaa.Ragaa la siidaayaa ragna waa soo galaan,nin waliba wuxuu baxaa isagoo caqiidada u saxantahay,si fiican salaadda u tukada.Wuxuu yidhi nin la yidhaa”xiirane”oo kamid ahaa saraakiishii lasoo xiray.”Sh.cabdiraxmaanoow meeshaan joog kuma dhihi karo,laakin waa lagaaga baahanyahay”.

Waxaa markii dambe barqinkii iman jiray xalaqada casharada taliyahii ururka salaan sharafta (Faarax) oo ka faa’iidaysan jiray duruusta, xeradana madax ka ahaa.

Waxaa kasoo wareegtay markii la I xiray Lix bilood, cid I waydiisayna majirto maxaa lagugu soo xiray!,dad qaraabo ah ayaa waxay u tageen xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Cali Cabdiraxman waxay ka codsadeen in kiiskayga la baaro maxkamadna la I keeno, kaddibna waa ii yimid wuxuu I weeydiiyay waxaan ku xidhannahay waxaan ku idhi ma aqaan.wuxuu I yidhi xaggee u maleeyneeysaa in lagaa gaadhay? waxaan u sheegay waxaan u maleeynaa kitaab akhrin.Wuxuu aaday wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha diinta,wuxuu weeydiyey sarkaalkan ma adinkaa Cali Samatar ku soo dacweeyey? waxay yidhaahdeen haa.wuxuu ka codsaday in ay keenaan wixii caddayn ah oo ay  ku eedaynayaan si maxkamad la ii keeno,haba yaraatee wax caddayn ah waa keeni waayeen,kaddib wuxuu u qoray wasiirka gaashaandhigga qoraal todoba bog ka kooban oo nuxurkiisu yahay in mudadaas aan dulmi ku xidhanahay,si dhakhso ahna la ii sii daayo oo shaqadaydii la igu celiyo,dadkii waxaan ka dambeeyayna tallaabo laga qaado,,wasiirka markii uu helay qoraalka xeer ilaaliyaha wuxuu I ganaaxay 40 bari oo ah awoodda ugu sarreeysa ee wasiir ganaaxi karo sarkaal iyo badal Berbera ah.

Taliyahii ciidanka difaaca cirka Siyaad Da’uud Gudaal oo I yaqiinnay ayaa ii yeedhay wuxuu igu yidhi waa u jeednaa dulmiga kugu dhacay ee fasax qaado ,toban kun oo shilin soomaali ahna waa I siiyey,badalkii berbera waa la joojiyay sababtoo ah wax aan ka qabanayo lama yaqaan iyadoo booskayga ka bannaanyahay xamar iyo Ballidoogle oo loo hayn qof kale iyadoo ay yaraayeen saraakiisha takhasuskayga oo kale leh.

Wasiirka Gaashaandhigga wuxuu ku amray taliyaha ciidanka difaaca cirka in la ii bedelo meesha ugu fog ee takhasuskayga.Meeshii waxay noqotay Balli Doogle Guutada 25-aad ee ciidanka difaaca circa ururka saddexaad.Waxaa saldhiggaa wada deggenaa saddex ciidan oo kala ah:
1- Ciidanka Cirka 2- Ciidanka Difaaca Cirka 3- Ciidanka kumaandoos.
Waa saldhig aad u ballaaran oo diyaaradaha ku tababartaan,garoon aad u wayn leh,dhufeaysyada la galiyo leh sida mig21,mig17,G6 waxaa joogo duuliyaal si wanaagsan loogu soo tababaray dalka soviet-ka,wuxuu leeyahay meelaha laga hago diyaaradaha waawayn,guryaha saraakiisha,golaha saraakiisha,waxaa saldhiggan hareeraha ka deggan saddex urur oo gantaalaha ah laba urur oo Sam3 ah iyo hal urur oo Sam2 ah, waxaa dhinac ka deggan guutada komandoos iyo ciidanka dalladaha ku booda,sidoo kale waxaa yaala raadaaro.Habeenkii waxaa la’isugu yimaadaa rugta Saraakiisha.
Waxaa la I sii daayay Oct.5,1986 waxaan u tagay taliyihii guutada 25-aad,Cali Axmed Xirsi(Cali Xareed) aad ayuu ii soo dhaweeyay,wuxuu iisoo jeediyay diinta Allah ayaa iska leh asagaa ilaalinaya ee adiga lafahaaga u tur.Waxaan ku idhi aad ayaad u mahasantahay soo dhowaynta laakin kitaab ma akhrinayo iyo dadka diinta uma sheegayo haddaan ku idhaahdo been ayaan kuu sheegayaa, laakin waa dadaalaa in aan dowladda wax ka sheegin.

Saldhigga waxaa ku yaala masjid yar, dadyar ayaa ku tukada,masaajidkii ayaan duruus ka billaabay waxaa ku soo taxmay saraakiishii, saraakiil xigeenkii iyo askartii saddexda ciidan.Haddaan muddo waday dacwadii Ballidoogle iyo magaalada Wenlawayn oo saraakiishii ii fiicnaadeen oo wax soo fahmeen,waxaa dhacday maxkamaddii labaad ee wadaaddada dil loogu xukumay.(sidaan qoraaladii hore ku usoo sheegay, milatariga waxaan u galay hirgalinta mashruuca Islaamiga)

Maxkamaddayntii wadadaada Salafiyiinta salafiyiinta

Bishii Juun1987 waxaa billaabatay maxkamadaynta wadaadadii salafiyiinta ahaa ee xabsiyada ka buuxay intii u waawaynayd,.Waxaan kasoo baxay Balli Doogle gaar ahaan degmada Wanlawayn oo 90-km ka xigta galbeedka magaalada Muqdisho,waxaan soo raacay bus-ka loo yaqaan qaxwo- diidka oo ay raacaan dadka xamar u shaqo taga ama danta ka leh xafiisyada dowlada oo raba in ay goor hore tagaan Xamar, si maxkamadda dadka galaya aan uga mid noqdo,waxaan tagay maxkamadda horteeda 7 subaxnimo,  kuna taala barlamaankii xorriyadda, (dhimamahii baarlamaankii hore) waxaa hortaagan dad u badan wadaadadii iyo dadwayne farabadan,maxkamaddii ayaa naloo sii daayay waxaan fariistay kuraasta kore,waxaa qafaska eedaysanayaasha ku jira dhowr iyo toban wadaad oo salafiyiin ah oo kala ah:
1- Sh Xashi Colhaye kaliil 2- Sh. Mohamed Osman Siidi 3- Sh Nuur Baaruud Gurxan 4- Sh Xassan Dahir Aways 5- Sh Mohamed Hussein(gaalkacyo) 6- Sh Cabdullahi Cali Xashi 7- Sh Cabdulcasiis Faarax Mohamed (lugu jire) 8- Sh. Cabdirisaq Xuseen ciise(okiyale). 9- Sh. Mohamud Sh faarax(akhii) 10- Sh Shaafici Maxamuud Maxamad 11- Sh Aways Maxamad Ibrahim 12- Yusuf Macallin Cabdi 13- Cabdulcasiis xuseen 14- Maxamuud Jamac 15- Maxamad Habarwaa
Wadaadadan waxaa lagu soo eedeeyay, maxkamada la saaray nooceeda, qaabka maxkama ahayd, sidii loo xumay wadaadada, cida madaxda ka ahayd madaxda iyo dadka ku markhaati furayey lasoco qoraalka soosocda insha allaah.

Qore: Sheikh Cabdiraxman Sheikh Cumar

urdhinle@yahoo.com

10 Comments so far

Leave a comment

  1. Horta runtii wiil dhalinyar ah ayaan ahay Ilaahay ha ka jazaai siiyee shekhe qoralakiisan wax badan ayaa iga baxay oo ilaa maantada xalada somalia ku jirto ay salka ku hayso sheekhana waxaan ka codsan lahaa in uu qoraaladan soo wado wayo in muda ahba way kala gonaayen

  2. ASSalamucaleykum,Sh.C/raxman Sh.cumar Sh.Axmed-diinle,Alle wanaag hakaaga abaal mariyo qoraaladan taariikhiga ah,sida walaalaha iga horreeyba ku taliyeen in aad buug ka dhigto waliba aad ku tarjumto carabi iyo English intaba markii aad firaaqo u hesho maxaa yeelay jiilal waxaa jira soomaali ah oon soomaaliga akhrin Karinoo luqado kala duwanna ku hadlo sida kuwa ku barbaaray galbeedka iyo carabaha una baahan inay wax ka ogaadaan taariikhda wadankooda.
    Jazakalahu kheyran

  3. maaansha allaah waxaan ku taageerayaa walaalaha iga horeeyay in buug laga dhigo taariikhdan Dhumucda wayn.
    xaqiiqdii waxayna na tusaysaa sida ay culumadu hada iyo kahorba ugu faydanyihiin uguna faydnaayeen Fidinta Diinta islaamka iyaga oo waliba adeegsanaya dariiqa salafiga ah waxaana kuu rajaynayaa sh c/raxmaan in uu Illaahay kusoo joojiyo safka nabi mux,ed s.c.w kuguna Daro kuwa ku raaxaysta wajiga Illaahay .
    Akhyaarta reer halgana waxaan leeyahay taariikhda ayaa idin xusi doonta aad ayaad umahadsantihiin

  4. AAD AYAAN OOGU MAHAD CELINAYNAA SHEEKHA MACLUUMAAD BADAN AYAN KA FAAIIDAYSANAY
    SIDA WALAAL IGA HOREEYAY UU KU TALIYAY BUUG HALOOBADALO MACLUUMAADKAAN
    WAA DHAXALGAL DACWADD IYO MARAAXISHA AY SOOMARTAY (AMA SAXWADDA IYO MARAAXISHA AY SOOMARTAY,—YAA LAYTA SHICRII– ILMAHA CAANANUUGA AH EE LEH SH.A/RAHMAAN IYO RAGIISA,WAA JAAJUUS ANAGANA ASKARTII DIINTA KA WAARDIYAYNAYSAY AYAAN NAHAY.HADAAHUMULAAH.MAA AQBAXA QOOLUHUM.

  5. asc wr wb sh abdi rahman sh omar aad ayaa kuugu mahad celinyaa sida wanaagsan ee taariikhda faca weyn aad noogu soo gudbidid illahay swc waxaan kaaga baryayaa inuu ajar iyo xasanaad kaa siiyo faafinta diinta alle waxaaana illaahay kaaga baryeenaa inuu cadawgaaga cagta ka hoos kayeelo

  6. salaaan kadib sh/ abdirahman aad iyo aad ayuu u mahadsanyahay, runtii qoraaladani aad ayay noo dhiiri galinayaan hadanu nnahay dhalinta maanta joogta. waxay natusinaysaa daddaalka ay culimadeenu u soomartay faafinta saxda ah ee deenteena suuban.sheekha iyo intii la soo waday faafinta dacwada khayr badan allah ha siiyo inagana yaynaan noqon ku wo akhriya uun ee sida ay sameeyeen oo kale waa inaynu daddaalnaa.
    wcw.

  7. Asalaamu caleykum waraxma tullah

    maasha allah,

    wadaadka khey badan allah hasiiyo

  8. waa qoraalo faa ,iido badan waxaan kula tali lahaa sheekha in qoraaladan buug ahaal lagu soo saaro

  9. بارك الله فيك شيخنا فقد استفدنا منك ،فجزاك الله خيرا علي ما قدمت للدعوة الإسلامية في الصومال في وقت لا يعرف الدعوة إلا القليل

Leave a comment

*