Ra’iisal Wasaaraha DFKM Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo ku sii jeeda dalka Mareykanka
January 11, 2011 - Written byMuqdisho:-Ra’iisal Wasaaraha DFKM Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka Aadan Cadde waxaana uu ku sii jeedaan dalka Mareykanka.
Raisulwasaaraha DFKM Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa waxaa uu ka qeyb gali doonaa shir ka dhacaya magaalada New-york ee cariga Mareykanka 14-ka bishan Jan kaas oo looga hadli doono arimaha Soomaaliya.
Wafdiga Raisulwasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan labada gole ee DFKM waxaa laga xusi karaa .
1- Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdullaahi Oomaar
2-Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Marwo Sahra Maxamed Cali
3-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan)
4-La-taliyaha Ra’iisal Wasaaraha Arrimaha Warbaahinta Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yarisow).
Raisulwasaaraha DFKM Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa safarkiisa waxaa uu ku soo beegmay xili shalay ay QM ka codsatay caalamka in la garab istaago DFKM.
A/Cawale
Halgan.net