Sh Maxamed Cabdi Umal oo Dardaaran kooban u jeediyey Umada Soomaaliyeed

January 27, 2011 - Written by

Captown:Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa uu shalay dardaaran qiimo gal ah u jeediyey dadweyne fara badan oo Soomaaliyeed oo kala socda Aalad Paltalka gaar ahaan Qolka Islamic Altaqwa Center oo ah qol inta badan bulshda Soomaaliyeed u soo casuma culimo kale duwan oo Soomaaliyeed o kuna kala nool dunida daafaheed.

Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu dardaraan kooban u jeediyey bulshada Soomaaliyeed waxaan uu dhalinyarada ku howlan dhinac diinta uu ku wacdiyey in ay ku dadaalan Tadayunka kana run sheegaan diinta  Shiikh Maxamed Cabdi Umal ayaa xusay in qof walba inta uu Alle ka cabsdo laga garan karo dhaqan kiisa, Shiikh Umal ayaa sheegay in ay jiraan maalmahaan dhaqmo aad u xun oo ay ku dhaqmaan dad sheegta in ay yihiin dad ku howlan dhinac diinta iyadoo marka la eego qaabka ay u dhaqmayaan ama ula dhaqmayaan dadka ay wax u dhexeeyaan in ay yihiin kuwa ay ka soo baxdo halka ay akhlaaqdoodu gaar siisan tahay taas oo ka tarjumaysa in alle ka cabsigoodu yar yahay.

Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa sidoo kale ka digay in qofku uusan waxba eegin oo uusan xadba yeelan oo wax ku soo dhaca ama jecel yahay iska sheego ama iska qoro isagoo markaas ilaawa in maalin laga xisaabin doona wax uu ku dhaqmayo, Shiikh Maxamed Cabdi Umal ayaa yiri. ‘ waan in culimo iyo caamaba Alle loo laabtaa oo laga fogaadaa in qofku uu ku mashquulo ceebaha dad kale oo uu ilaawo naftiisa ‘ Arinkaas ayaa waxaa uu shiikhu ku tilmaamay in ay sabab u tahay diin yaraan.

Shiikh Umal ayaa markii uu dardaaranku dhameeyey waxaa uu bilaabay in uu ka jawaabo su,aalo fara badan oo ay dadweynaha wiidiinayeen, Shiikh Umal ayaa waxaa uu dhawaan soo gaaray dalka South Afrika oo uu kaga qayb galay Mutamar Islaami ah oo ay soo abaabushay Albayaan.

Muxaadarada Shiikh dhawaan baan idiin soo gudbin doonaa Insha Allaahu

Leave a comment

*

Archives
January 2025
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online