Madaxda waddamada Carabta oo wadnaha farta kaga haya kacdoono ka soo bidhaamaya dalalkooda

January 27, 2011 - Written by

Qaahira:-Madaxda waddamada Carabta ayaa waxa ay wadnaha farta uga hayaan kacdoono shacab oo ka soo bidhaamaya dalalkooda Waddanka Tunisia ayaa kacdoon dadweyne oo ka dhacay waxa uu sababay in uu waddanka isaga cararo Madaxweynihii waddankaas, Zeynul-caabidiin Bin-Cali, waxaana uu kacdoonkaas ka bilowday shaqo la’aan iyo faqri.

Waddanka Masar oo ah waddanka ugu dadka badan dalalka Carabta ayaa dadweyne careysan waxa ay ka dhigayaan banaanbaxyo waaweyn oo magaalooyin kala duwan ka dhacaya, waxaana ay shacabku doonayaan isbedlo, iyagoo waxa ugu badan ee ay ka cabanayaan ay ka mid tahay, shaqo la’aan, saboolnimo iyo isbedel la’aan.

Sidoo kale waddanka Yeman ayaa waxaa ka soconaya banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo hoggaanka dalkaas, waxaana dadka dibad baxayaasha ah ay dalbanayaan inuu xukunka ka dego Madaxweyne Cali Cabdala Saalax oo 33 sano soo xukumayey dalkaas.

Madaxda waddamo kale ayaa ka baqanaya inay ku soo fatahaan banaanbaxyadaan looga soo horjeedo maamulka Madaxda carabta,waxaana jira guux ku jira dadweynaha Carabta, kuwaasoo hada aaminsan inay isbedelo ku dhalin karaan banaanbaxyo xiriir ah oo ay ka sameeyaan magaalooyinka waddamadooda.

Dalalka Carabta ayaa waxaa ka dhisan xukuumado u badan dhaxal-tooyo, iyadoo xukuumadahaasi ay gacan adag ku hayaan shacabka ku dhaqan waddamadooda, balse haatan arintu waxa ay u muuqataa mid ay shacabku ku dhiiranayaan xukuumadaha mudada dheer soo hayey talada waddamadooda.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2025
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online