Baarlamaanka DFKM oo maanta warbixin ka dhageystay Shariif Xassan Sh Adan

January 12, 2011 - Written by

 Muqdisho:-Gudoomiyaha Barlamanka DFKM Shariif Xassan Sh Adan ayaa waxaa uu saaka u xog waramaya Baarlamaanka DFKM wuxuu uga warbixiyey socdaal uu ku tagay dalal dhowr ah gaar ahaan dalka Iran.

Golaha Baarlamaanka DFKM ayaa waxaa soo xaadiray maanta xildhibaano gaaraya 288-Xildhibaan uu u badan taageerayaasha Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sh Ahmed waxaana kulanka shir gudoon ka ahaa Shariif Xassan Sh Aden.

Waxaa warbaxinta ka hor akhriyey baarlamaanka DFKM Xildhibaan Cali Ismaaciil Cabdi Giir oo ka mid ahaa wafdigii safarka ku tagay dalka Iran gaar ahaan xarunta dalkaas ee Tehran.

Xildhibaan Cali Ismaaciil ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay kala hadleen masuuliinta dalka Iran wuxuuna shegay in ay ka mid ahaayeen dagaalada, abaaraha iyo bur burka ka jira wadanka Soomaaliya .

Waxaa sidoo kale isana warbixin laga dhageystay Xildhibaan Carab Cali Diiriye oo ka mid ahaa xildhibaanadii Barlamanka DFKM  uga qeyb galay shirkii labaad ee Barlamanka carabta wuxuuna sheegay in ay kala hadleen Ururka Jaamacada Carabta in Soomaaliya laga taageero dhinac walba gaar ahaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha ka soo horjeeda iyo in taakuleyn la gaarsiiyo dadka ku barakacay dagaalada.

Waxaa isana laga dhageystay warbixin Xildhibana Ibraahim Xabeeb Nuur oo ah Ku xigeenka guddoomiyaha Guddiga dalalka Bari ee baarlamanka Afrika kaas oo faahfaahin ka bixiyay Kulankii uu kaga soo qeyb galay ee ka dhacay magaalada Abuuja ee dalka Nigeria wuxuuna sheegay in ay guul ka soo gaareen.

Ugu dambeyntii ayaa Guddoomiyaha Baralamanka DFKM Shariif Xasan Sh Adan wuxuu ka codsaday xildhibaannada ku sugan gudaha iyo dibadda dalka inay si deg deg u soo xaadiraan kulamada baarlamaanka DFKM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online