Dagaal saaka ka dhacay degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho !
January 6, 2011 - Written byMuqdisho:-Waxaa saaka mar kale ka dhacay magaalada Muqdisho dagaalo iyo duqeymo u dhexeeya ciidanka DFKM oo ay taageerayaan ciidanka AMISOM iyo ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab.
Dagaalka xooggiisa ayaa waxaa uu ka dhacay Degmada Hodan waxaan saaka madaafiic iyo duqynta ku dhintay ugu yaraan ilaa 5 qof oo u badan dad rayid ah dagaalka ayaa waxaa kale oo ku dhaawacmay tiro dad ah oo aan weli laamaha caafimaadku aysan si rasmi ah u shaacin.
Dagaalka saaka ayaa cidanka AMISOM iyo kuwa DFKM waxaa ay Madaafiic ku duqeeyeen degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag meelaha ay ciidanka AMISOM madaafiic ku garaaceen waxaa ka mid ah Suuq Bakaaraha oo ah goob ganacsi oo dadka shacabka ah ay hantidoodu taalo.
Madaafiicda ciidanka AMISOM ayaa waxaa kale oo ay ku habsadeen isgoyska Black Sea waxaa dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad rayid ah oo ku sugnaa Is-goyska Black Sea.
Ilaa hadda ma jiraan Masuuliyin ka tirsan cidanka DFKM ama kuwa Al-shabaab oo ka hadlay dagaalka saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho, dagaalka saaka ayaa ahaa mid mudo gaaban socday.
A/cawaale
Halgan.net
Muqdisho:-Waxaa saaka mar kale ka dhacay magaalada Muqdisho dagaalo iyo duqeymo u dhexeeya ciidanka DFKM oo ay taageerayaan ciidanka AMISOM iyo ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab.