Xaflad loo qabtay dhalinyarada Soomaaliyeed oo ka dhacday Copenhagen

January 11, 2011 - Written by

Copenhagen:Waxaa taariikhdu markay ahayd 8-01-2011 (Jimce) 16:30 ku aadan 4-2-1432 H isuguyimi Bulshada somaliyeed ee degen Copenhagen xaflad ka dhacday hoolka shirarka iskuulka bellahøj xafladaas oo si heer sare ah losoo agaasimay waxaa kasoo qayb galay Culima awdiin, aqoon yahano, wax garad, dhalin yaro iyo hoyooyin, xafladaas oo lagu soo bandhigay xog laga soo ururiyay da´a yarta Soomaaliyeed ee degan Copen hagen soona diyaariyeen dhalinyara dhigta madarsada daarul quraan , xogtaas oo kakoobnayd sidan soo socota.

1. Maxay gabdhuhu uga guuraan gur yahooda

2. Dhaqnka iyo diinta

3. Mukhaadaraadka

4. Waxbarashada

Xafladaas oo siddii loogu talagalay u dhacad waxaa hadalo aad iyo aad u qiimo badan kasoo jeediyay Sh. Abdiraxamaan Abyad oo bogaadin iyo amaan iskugu daray sida xamaasada leh ee loosoo camiray xaflada, waxaa kaloo hadal kaas lamida kasoo jeediyay Axmed Ducaale, Sh. mustafa iyo oday A/raxamaan oo ku hadlay afka waalidiinta.

Ka bacdi furitaankii xaflada waxaa si aan mara lamalaysan karin oo heer sare ah ku soo bandhigay warbixin ku aadan waxay soo qoreen laba kooxood oo kamida dhalinyaradii warbixinta soodiyaariyay, waxaa talooyin iyo artiyo kasoo jeediyay bulsha weyntii kasoo qayb gashay xaflada.

Gebagebadiina waxaa halkaas lagu gudoonsiiyay dhalin yardii soo qortay war bixinta hadiyado, waxaa kale oo iyana hadiyado kuwaas la mid ah halkaas ku gudoomay aqoon yahanadii soo akhriyay soona abaabulay xafladaan,fikradii keentay wax qabadkaan iyo hooyooyinkii ka shaqeeyay inay xafladaani qabsoonto.

Wabillaahi Tawfiiq

Eng: Abdillhi Abass Jama

Leave a comment

*

Archives
January 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online