Nabadoon xalay lagu dilay magaalada Boosaaso iyo Ciidanka Booliska oo dilkaas dad u qabtay

March 29, 2011 - Written by

Boosaaso:Waxaa xalay nin dhalinyaro ah oo hubaysan ku toogtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ,Nabadoonka xalay la dilay ayaa waxaa lagu magacaabo Nabadoon Axmed Saalax Ceynab, Nabadoonka ayaa waxaa uu ka soo jeedaa degaanka Gal-Gala oo ay horay uu dagaal ugu dhex maray Ciidamo daaacad u ah Maxamed Siciid Atam iyo ciidanka Puntlland.

Allaha u naxariistee Nabadoon Axmed Saalax Ceynab ayaa waxaa uu ka mid ahaa Nabadoonada waaweyn ee ku nool Puntlland gaar ahaan Gobolka Barri Nabadoonka ayaa waxaa uu ahaa Nabadoonkii ugu horeeyey ee ka hadlay dagaalkii ka dhacay degaanka Gal-Gala.

Allaha u naxariistee Nabadoon Axmed Saalax Ceynab ayaa waxaa uu dhalay nin dhalinyaro ah oo ka tirsanaa jiray ciidankii Maxamed Siciid Atam markii danbena isku soo shiibay ciidanka Puntlland iyadoo la sheegayo in uu siro badan siiyey ciidanka Booliska iyo kuwa PIS taas oo sababtay in dhalinyaro badan la xiro hal ka qaar kalena ay ka baxsadeen Boosaaso ,Ninkaan dhalinyarada ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Cali-daahir Axmed Saalax waxaan uu hadda ka mid yahay ciidanka Puntlland.
Ciidanka Booliska Boosaaso oo goobta dilka ka dhacay soo gaaray ayaa wxaaa ay howl gal ay sameeyeen ku qabteen ilaa 5 qof oo ay la xiriiriyeen in ay fuliyeen dilka lagula kacay Nabadoon Axmed Saalax Ceynab.
 
Maalmo ka hor ayaa waxaa Qarax miino ah lagula beegsaday Boosaaso waxaa ku dhaawacmay Nabadoon Xuseen Gurxan oo isagana ka soo jeeda isla  Gal-Gala ilaa hadda lama oga cida ka danbaysa dilalka lala beegsaday odayaashaan iyo in ay arinku tahay qaab siyaasadeed ama aano qabiil.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online