Wafdi ka socda dowladda Norway oo maanta gaaray magaalada Garoowe

March 29, 2011 - Written by

Garoowe:-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe wafdi ka socda dalka Norway waxaan maanta wafdigaan ku soo dhawee yey garoonka diyaaradaha ee Garoowe Wasiirka Caafimaadka Dr, Cali C/laahi oo hogaaminayey xubno ka tirsan Golaha wasiirada ee Puntlland.

Wasiirka Caafimaadka dowllad Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa ilaa intii loo magacaabay xilka waxaa uu muujiyey waxqabad iyo firfircooni dheeraad ah iyadoo bilihii u danbeeyeyb uu mashaariic dhowr ah uu xariga ka jaray.

Table q [audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2011/02/VN810954.mp3|titles=VN810954]
   

Wafdiga ka socda dowladda Norway ayaa waxaa hogaaminaya Sarkaal ka tirsan Wasaarada arrimaha dibada , wafdigaan ayaa waxaa ay ka kooban yihiin ilaa 6 qof, Wafdiga dowllada Norway ayaa waxaa safarkooda ku weheliyey Safiirka dalka Norway u fashiya dalka Kenya.
Wafdiga dowllada Norway ayaa waxaa isla maanta ku qaabilay xarunta madax tooyada ee Garoowe ,Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyo Madaxweyne ku xigeen Gen.Cabdisamad Cali Shire, Wasiirka Waxbarashada Cabdi Faarax Juxaa , Wasiirka Maaliyadda Dr.Faarax Cali Shire iyo xubno kale oo tirsan Golaha Wasiirada.

Wafdiga ka socda dowladda Norway ayaa waxaa la filayaa in Garoowe ay sii joogaa mudo dhowr cisho ah iyagoo marka ay safarkooda dhamaystaan la filayo in ay dib ugu laabtaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online