Soomaalida ku nool Denmarka oo ka guuraysa Denmark waa maxay tahay sababtu ?
April 28, 2011 - Written byDenmark:-Soomaalida ku nool wadanka Denmarka ayaa intooda badani ka guur een wadanka Denmark dadka soomaaliyeed ayaa badankood kala kulmaan sida ay kuu sheegayaan marka aad waraysato midab sooc iyo aflagaado bulashada deenishka ah qaarkood uga yimaada.
Baaritaan la sameeyay ayaa waxaa uu sheegayaa in dadka Soomaaliyeed in tooda badani ay ka tagaan dalka Danmark marka ay dhalashada wadankan Denmark gacanta ku dhigaan iyagoo intooda badan u isii gudbaan dalka Ingiriis ka halkaas oo ay sheegeen inay uga nolol roontahay Denmark dhan kastaba.
Baaritaankaa tirakoobka ah oo la sameeyay ilaa 2 sano ka hor ayaa sheegaya in dadka soo galeetiga ah ee ku nool Denmarka Soomaalida maahee qowmiyadaha kale sii badanayaan meesha soomaalidu sii yaraanayso sababo badan owgood.
Kaliya 3-dii bilood oo u horaysay 2009 waxaa wadanka Denmark ku noolaa ilaa 6.171 qof oo dhalashada danishka aan lahayn. Marka la eego sanadkaan 2011 3-da bilood oo u horeeyay tiradaas waxay hoos ugu dhacday 5.821 qof, guud ahaan dadka Soomaaliyeed marka laysku daro waxaa diiwaanka ku jirta ilaa 17,000 oo qof oo iskugu jira qaar dhalashada danishka haysta iyo qaar aan wali helin.
Waxyaalaha ugu waawayn ee dadka soomaaliyeed uga guuraan dalka Denmar ka waxaa ka mid ah midabtakoor ay intooda badan kala kulmaan Hay.addaha kale duwan ee u adeega bulshada
Wadanka Denmark ayaa ah wadan yar oo aan qaxootiga iyo shisheeyaha aqoon iyo fikrad midna u lahayn oo waliba sidda baaritaanka ku cad uu wadanka Denmark nasiib daro uu u noqday wadanka koowaad ee xaga midab kala sooca ugu xun oo siyaasiyiintiisa iyo saxaafadoodu aysan u kala harin wax ka sheega ajaanibta la nool.
Iyadoo taas jirto ayaa haddana waxaa jirta dhacdooyin keenay in si gaar ah umada soomaaliyeed indhaha loogu hayo oo sawir xun laga sawirtay.
Dhacdooyinkaa waxaa ugu waawayn sida In mudadan danbe aad ku arkaysid dariiqyada magaalooyinka waawayn dad Soomaaliyeed oo qaad kala gadaya ama ruugaya ka dib markii boolisku ka baabi,yeen rugahay ku asturnaayeen sababtuna waa qaadka oo wadankan mamnuuc ka ah taasna waxay keentay in loo sawirto in dadka Soomaaliyeed ay yihiin qaad ruuge ,daroogiiste ma shaqays te Iwm.
Waxaa jirtay in Saxaafada dalka Danmarka ay sheegeen in wiil Soomaali ah uu isku dayey inuu dilo ninkii kartoomada sawirka ah ku matalay oo ku aflagaad eeyey nabigeena scw xumaani ka dheere, arrinkaas oo keentay in dadka Soomaaliyeed la yiraahdo waa argagixiso I.W.M.
Waxaa kale oo jirta in lagu haysto xeebaha Soomaliya reer Danish ah oo burcad badeed madax fursho u haystaan oo aan wali xal loo helin. taasna waxa ay keentay in dadka soomaaliyeed loo arko inay burcad badeed yihiin ,gudniinka ayaa isaguna umada soomaaliyeed ku badnaan jiray oo falal dhowr ah oo gud niinka ku saabsan ayaa wadankan Denmark ka dhacay taasna waxay ku keen tay in umada Soomaaliyeed loo arko inay yihiin kuwo gabdhohooda guda.
Is faham la,aanta kale haysata wadanka Denmarka iyo umada Soomaaliyeed lama soo koobi karo. .
Mukhtaar Cali
Copenhagen
Halgan.net