Ammaanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug oo si aad ah loo adkeeyey.

April 29, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa labadii habeen ee ugu dambeeyey ammaanka waxaa loo adkeeyey si aan horey loo arag tan iyo wixii ka danbeeyey falalkii dhawaan ka dhacay magaalada.

Magaalada Gaalkacyo oo ah magaalo weyn oo laba maamul ay ka jiraan ayaa ciidamo badan oo Puntland ka tirsan oo ammaanka ilaalinaya lagu arkayaa labadii habeen ee la soo dhaafay, iyadoo magaaladana todobaadyadii ugu dambeeyey ay ka dhaceen falal ammaanka lid ku ah.

Labadii habeen ee la soo dhaafay ayaa waxaa ciidanka ammaanka oo aad u fara badan la dhigay goobaha muhiimka u ‘ah isu socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana ciidanka wajiyadooda ka muuqata feejignaan xoog leh.

Dadweynaha ayaa goor horeba ka xarooda magaalada, waxaana ay taasi keentay in ciidanku ay qabtaan cidii ay ka shakiyaan xiliyada dambe, iyagoo baaritaan adag marinaya dadka iyo gaadiidka ay tuhmaan.

Waxaa shaqeynaya Bandowgii lagu soo rogay magaalada, waxaana sidoo kale ciidanku ay dhex lugeynayaan xaafadaha qaar, iyadoo cidii ay ka shakiyaanna ay qabanayaan, waxaana talaabadaasi aad u soo dhaweeyey dadweynaha magaalada Gaalkacyo.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada ka dhacay falal aad looga naxay oo xiriir ahaa, kuwaasoo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 10 qof, halka dhaawacyo intaas ka badanna ay ka dhasheen, waxaana intaas ka dib magaalada soo gaaray ciida,o badan oo Puntland ka socda oo loogu talagalay inay ammaanka sugaan.

Halgan.net/Somalireal

Leave a comment

*

Archives
April 2011
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online