Afhayeenka howlgalada Al-shabaab oo ka hadlay weerar lagu qaaday ciidamada Itoobiya

January 24, 2012 - Written by

Hiiraan:-Afhayeenka dhinac howlgalada ciidanka Ururka Al-shabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa mar uu saxaafada la hadlayey maanta waxaa uu sheeggay in weerarkii lagu qaaday  ciidamada Itoobiya ee ku sug naa  xarunta maamulka gobollka Hiiraan uu geystay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.

Sh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in marka weerarka lagu qaadayey xarunta maamulka gobollka Hiiraan ay ku sugnaayeen ilaa 200 ,oo askari oo ka tirsan ciidanka Itoobiya oo ay ku jiraan saraakiil madax ka ah ciidamada heysta magaalada B/weyne.

Sheekh Abuu Muscab waxa uu sheegay in weerarkaasi uu fuliyay mid ka  mid ah askarta ururka Al-shabaab gaar ahaan Guutada Istishhaadiyiinta.Qaraxa ayaa dhacay  markii ay saacadu ahayd 7:10 xilga geeska afrika.

Qaraxa ka dib ayaa ciidamada Itoobiya waxay bandow ku soo rogeen guud ahaa magaalada Beledweyne waxaana ka soo degay garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif labada diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca waxayna ka daabuleen dhaawacyda qaar ka mid ah ciidanka Itoobiya ee qarax lala beegsday.

Dad goobjoogayaal ah  ayaa u sheegay Halgan.net in khasaaro lixaad leh la gaarsiiyey ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Beled-weyne iyada oo qaraxa laga maqlay xoogiisa xaafadaha magaalada Beledweyne oo dhan.Afhayeenka howlgala ee Ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in 33 askari ay ku dhinteen qaraxkii ka dhacay B/wyene laba gaari oo uural ahna ay gubeen.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online