Diyaarado laga leeyahay dalka Kenya oo duqeeyey deegaano ka tirsan gobalka Gedo

January 7, 2012 - Written by

Gedo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbahaarey ayaa sheegaya in galabta ay Diyaarado laga leeyahay dalka Kenya duqeymo ka geysteen laba mar deegaaano ka tirsan gobolka Gedo gaar ahaan deegaanada Kaayanay iyo Birta-dheer oo Woqooyi bari kaga beegan magaalada Gabahaareey.

Mid ka mid ah ducaada magaalada Gabahaareey ayaa Halgan.net u xaqiijiyey in shalay iyo maanta ay diyaaradaha dalka Kenya ay duqeymo geysteen ayna jiraan khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.

Diyaaradaha dagaal ee laga leeyahay dalka Kenya ayaa  shaqo ka dhigtay in ay duqeeyaan dadka rayidka ah ka dib markii ay ku fashilmeen dagaalkii dhulka ahaa oo ay dhowr jeer weeraro culus ku qaadeen ciidamada Ururka Al-Shabaab khasaarana ay u geysteen.

Afhayeenka dowladda Kenya Col. Cyrus Oguna  ayaa sheegay in weerarada cirka ah oo ay shalay qaadeen ciidamada Kenya ay ku dileen ilaa 60 ka tirsan ciidamada Al-shabaab mar uu la hadlay wakaalada wararka ee AFP.

Warar hordhac ah oo naga soo gaaraya gobalka Gedo ayaa sheegaya in ay jiraan rayid wax ku noqday duqeynta galabta ay geysteen diyaaradaha dalka Kenya.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online