الغلاة يقتلون المجاهدين Maqaal in la akhriyo ku haboon W/Q C/casiis Maxamed
November 11, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa maanta aad ula yaabay maqaal lagu daabacay Mareegtay Almoslim.net oo uu mushrif ka yahay Sh.Dr Naasir Cumar Xafidahulaah Maqaalkaan ayaa i soo xasuusiyey xasuuqii ay dalka Jazaa,ir ka geysteen kooxda Jamaacal Islaamiya waxaana maqaal runtii mudan in la akhriyo.
Waxaan doorbiday in walaalaha Halgan.net iyo Akhristayashooda aan u soo gudbiyo Maqaalka lagu faafiyey Almoslim.net waxaana maqaalka uu si dhab ah uga waramayaa gumaadka ay kooxda Al-Qacida iyo kooxaha la fikirka ah ka geysteen dalalka Jazaa,ir ,Ciraaq iyo Soomaaliya
Qoraaga Maqaalka ayaa waxaa uu aad uga sheekeeyey qaabkii loo dilay Sheekhii salafiyiinta ugu weynaa dalka Jazaa,ir Sheekh Maxamed Saciid iyo Sheekh Cabdirisaaq Rajaam iyo sida Fatwada Abu Qataada ay u dhaqan galiyeen kooxihii dagaalka ka wada dalka Jazaa,ir gaar ahaan Jamaacal Islaamiya.
Maqaalka ayaa waxaa kale oo uu soo bandhiga cadaymo ,Bayaanaat ay soo saareen kooxaha Gumaadka u geystay rag Jihaad kula jiray waxaana uu si gaar ah u xusay dalka Ciraaq wixii ay Al-Qacida ka geysatay gaar ahaan kooxda dowlada Islaamiya ee Ciraaaq.
Waxaa kale oo uu Maqaalka ka hadlay dilkii kooxda Al-Shabaab u geysteen Sheekh Macalin Burhaan iyo Ibraahim Afgan oo ay ku dileen Degmada Baraawe waxaa kale oo khaarajiyeen Abu Mansuur Alamriki iyo Usma Biridhani waxaa ay xabsiga ku gureen rag aad u badan oo uu ku jiro Qaadigii Maxkamada Zubayr Al.Muhaajiri.
Halkan ka Akhriso الغلاة يقتلون المجاهدين oo lagu Faafiyey Mareegta Almoslim.net
Dhanka kale Tv Al-Jazeera ayaa Faafiyey Cajal Cod ah oo horey loogu faafiyey shabakadaha Intermetka ee taageera Ururka Al-Qacida oo uu Amiir u yahay Dr. Ayman Al-Dawaahiri Cajalka oo Maqal ah ayaa waxaa uu ku socday Madax ururka Dowladda Islaamka ee Ciraaq Abu Bakar Al- Baqdaadi iyo Madax Jabhada Nusra ee Shaam Abu Maxamed Jowlaani oo uu Khilaafkooda cirka isku Shareeray.
Labada Urur ee Jabhada Nusra iyo Dowladda Islaamka ee Ciraaq iyo Shaam ayaa waxay ka tirsan yihiin Ururka Al-Qacida waxaana uu khilaafku bilaawday markii Amiirka Dowladda Islaamka ee Ciraaq iyo Shaam Abu Bakar Al- Baqdaadi uu sheegay in Jabhada Nusra lagu daray Ururkiisa ayna ka amar qaadan doonto Abu Bakar Al- Baqdaadi.
Ka dib markii uu Khilaafkii sii jiitamay ayaa waxaa soo dhexgalay Amiirka Guud ee Al-Qacida Sheekh Ayman Al-Dawaahiri waxaa uu ku sheegay cod lagu baahiyey Tv-Al-jazeera ee ku hadla Afka Carabiga in ururka Dowladda Islaamka ee Ciraaq iyo Shaam ay ku howlgalaan kaliya Dowlada Islaamiga Ciraaq ayna ku ekeeyaan howlgaladooda wadanka Ciraaq.
Amiirka urur weynaha Al-qaacid Dr. Ayman Dawaahir ayaa ku eedeeyey Madax ururka Dowladda Islaamka ee Ciraaq Abu Bakar Al- Baqdaadi in uu sameeyey urur uu ugu magac daray Ururka Dowladda Islaamka ee Ciraaq iyo Shaam isagoo aan wax wadatashi ah kala samayn Madaxda sare ee ururka Al-Qaacid.
Dr Ayman Dawaahir ayaa sheegay sidoo kale in Abu Bakar Al-Baqdaadi uu talada madax nimada Dowladda Islaamka ee Ciraaq uu hayn doono mudo dhan sanad ah ka dibna golaha Shuurada ee ururku ay ka soo gubiyaan warbixi ku saabsan in mar kale dooranayaan Abu Bakar Al-Baqdaadi ama hogaan kale .
Amiirka urur weynaha Al-qaacid Dr Ayman Dawaahir ayaa sidoo kale waxaa uu fariin u diray Jabhada Nusra ee ka dagaalanta dalka Syria isagoo ugu baaqay in ay dagaalkooda ay ku ekeeyaan xadka Shaam ayna yihiin farac ka tirsan Urur weynaha Al-Qaacida.
Dhinac kale waxaa uu sheegay Dr.Ayma in Madax Jabhada Nusra ee Shaam Abu Maxamed Jowlaani in xilka ururka uu hayn doono mudo dhan sanado ah ka dibna Golaha Shuurada ee Jabahada Nusra ee Shaam ay warbixin u gudbiyaan ururweynaha Al-Qaacid in Abu Maxamed Jowlaani uu talada haynayo iyo in ay ku bedelayaan qof kale.
Amiirka urur weynaha Al-qaacid Dr Ayman Dawaahir ayaa waxaa uu ugu baaq Madax Jabhada Nusra ee Shaam Abu Maxamed Jowlaani iyo Abu Bakar Al-Baqdaadi oo ah madax nimada Dowladda Islaamka ee Ciraaq in ay wada shaqeeyaan iyo in ay joojiyaan xurgufta ka dhexeysa ayna ka fogaadaan dhiiga dadka Muslinka ah, xoolahood iyo sharaftooda isagoo ugu goodiyey in qoladii ku xadgudubta dhiiga Muslimiinta ay talaabo adag laga qaadi doono.
Cajlka ay Faafisay Al-Jazeera ayaa waxaan la aqoon ujeedada ay ka leedahay iyada oo dadka ka warqaba ama la socda dagaalada ka socda Syria ay la socdaan khilaafaadka iyo fariimaha ay madaxda Ururada kala duwan ku faafiyaan baraha Internetka.
Bishii June ayaa 2013 ayaa waxaa lagu faafiyey Mareegaha iyo Muntadayaadka taageera Al-Qacida hadal uu leeyahay Amiirka dowlada Islaamka Ciraaq iyo Shaam Abu Bakar Al- Baqdaadi taas oo uu kaga jawaabay Baaq ka yimid Dr Ayman Dawaahiri
Hoos ka Dhagayso fariintii uu Dr Ayman Dawaahir u diray Abu Bakar Al-Baqdaadiiyo Abu Maxamed Jowlaani.
Amiirka Ururka Dowlada Ciraaq ayaa ka hadlay baaqa Dr Ayman Dawaahir Hoos ka Dhageyso.
Hoos Ka Dhageyso Amiirka Jabhada Nusra oo ka hadlaya Hadalka Abu Bakar Al-Baqdaadii Baycana la galay Dr Ayman Dawaahiri
Markaad aad u fahanto Khilaafkii ka dhex aloosan kooxaha ku fikirka ah Al-Qacida ayaa waxaad fahmi kartaa sababaha keenay khilaafka kooxda Al-Shabaab ee keenay markii ugu danbeysay in la dilo lana xiro ragii dhidibada u aasay Al-Shabaab iyo qaabkii uu uga baxay Degmada Baraawe Sheekh Xasan Daahir Aweys oo haatan u xiran dowlada federaalka ee Soomaaliya.
Sheekh Ayman Dawaahiri ayaa talooyin badan siiyey kooxaha sheegta in ay ku fikir yihiin Al-Qaacida isaga oo uga digay dhiiga muslinka ,leynta culumada ka fikirka duwan iyo in ay qaraxyada ka ilaashaan goobaha ay ku badan yihiin shacabka rayidka ah ee muslinka ah balse su,aashu waxay tahay ma qaadan doonaan talooyinkaas?
W/Q C/casiis Maxamed
Halgan.net