رسالة عن حركة الشباب وإدارتها المنحرفة W/Q Abuu Yuusuf Qariib (Akhriso)

November 12, 2013 - Written by Editor

ShabaabMuqdisho:-Waxaa mar kale lagu faafiyey mid ka mid ah mareegaha taageera Ururka Al-Qaacida qoraal dheer oo uu qoray Abu Yuusuf Al-Qariib oo ka mid ah kooxda ururka Al-Shabaab waxaana uu ka hadalay arrimo xasaasi ah oo ay ugu muhiimsan tahay Inxiraafka diineed ee ku dhacay hogaanka Al-Shabaab waxaana qoraalka Abu Yuusuf Faafisay مؤسسة الزيلعي للإنتاج الإعلامي  waxaana uu cinwaan uga dhigay Abu Yuusuf qelo dhaantiisa إِنِّي لِعَمَلِكُم مِّنَ الْقَالِينَ رسالة عن حركة الشباب وإدارتها المنحرفة Baaq ku socda Ururka Al-Shabaab iyo Hogaankiisa Lumay.

Abu Yuusuf Al-Qariib oo ka mid ah raga isaga cararay seefta Ahmed Godane Amiirka Al-Shabaab ayaa waxaa uu cabasho badan ka dib ka hadlay xaqiiqo badan oo ay ugu horeyso taariikh kooban markii la asaasay Al-Shabaab,cida Amiirka iyo ku xigeen u ahayd iyo qaabkii ay uga dhexmuuqdeen ururka Al-Shabaab Midowgii Maxaakimta Islaamiga.

Abu yuusuf Qariib ayaa sidoo kale ka hadlay Markii ay Midowga Maxaakimta Islaamka wadahadal la galeen dowladii uu madaxada u ahaa Col Claahi Yuusuf Ahmed waxaana kulanka uu ka dhacay dalka Sudan waxaan wafdi MMI ka mid ahaa Amiirka Al-Shabaab ee haatan Ahmed Cabdi Godane waxaana lagu heshiiyey 11 qodob oo ay ka mid ahayd in awood qeybsi la sameeyo waxaana ka dhashay dowladii uu Madaxweynaha ka noqday Sheekh Shariif Sheekh Ahmed.

Abu Yuusuf Al-Qariib ayaa waxaa qoraalkiisa qeybta hore aad ugu dheeraaday dhibaatada ay dowladaha reer galbeedka ku hayaan caalamu Islaami wuxuuna si gaar ah u xusay dhibaatada ay dowlada Itoobiya ku heyso muslimiinta geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya isaga oo taariikh ahaan u xusay in Itoobiya ay ka talin jirtay Dowladda Islaami ah oo taariikh aad u dheer leh.

Abu Yuusuf ayaa xusay in Ururka Al-Shabaab uu ku socday dhariiq sax ah markii ay talada Ururka ay gacanta ugu Jirtay Amiirka Xarakada Al-Shabaab Ismail Caraale oo markii danbe lagu xiray Jabuuti lana geeyey xabsiga Guntanaamo walow mar danbe alle ka sii daayey waxaana ku xigeen u ahaa waqtigaas Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Ahmed Madoobe) oo haatan ah hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba.

Abu Yuusuf Al-Qariib ayaa daaqada kala baxay oo gaalnimo ku riday Madaxweynihii hore ee DFS Sheekh Shariif Sh Ahmed iyo Hogaamiyaha Maamulka Jubba Sh Ahmed Madoobe isaga oo ku eedeyey in ay diintooda iibsadeen .Abu Yuusuf Al-Qariib ayaa eedeyn kulul u soo jeediyey Hogaanka Al-Shabaab waxaana uu si gaar ah isaga laalaadiyey Amiirka Ahmed Cabdi Godene isaga oo ku tilmaamay qof kaligii talis ah cidna aan waxba u ogaleyn cidii khilaaftana gaalnimo iyo dil iskugu daraya.

Abu Yuusuf Qariib ayaa ka sheekeeyey qaabkii ay ku bilaabatay qeylo dhaantii Cumar Xamaami (Abu MansuurAl-Amriki waxaana uu sheegay in Sheekh Abu Mansuur uu bilaabay in uu si hoose wax u saxo markii danbana ay noqotay in uu Cod dheer ku sheego waxyaabihii uu u arkayey in ay yihiin Inxiraaf diini ah ee ka dhex Muuqday gudaha Al-Shabaab .Abu Mansuur ayuu sheegay Abu yuusuf in dhowr mar uu ka badbaaday in la dilo waloow markii ugu danbeysay lagu dilay Raamacaday.

Abuu Yuusuf Qariib waxaa ka mid ah eedeymaha uu u soo jeediyey hogaanka Al-Shabaab.

1Kaligiis talis nimo.

2-Shuuradii oo la joojiyey

3-xukunka oo laga fogeeyey culumada

4-Fashil ku yimid siyaasada arimaha dibada ee xarakada

5-Xisbiyo iyo Qabyaalada lagu qotomiyey (Alwalaa Walbaraa)

6-Xadgudub diined iyo Gaaleysiinta cid walba oo khilaafta Al-Shabaab

7-Maamul iyo Maareyn xumo iyo Fasaad

8-Dadka oo diintooda laga fitneeyo

9-Hadafkii Jihaadka oo la leexiyo

10-Ku xadgudb qeybisga Qanaaimta iyo qaabka loola mucaamaloonayo dadka lagu qabto dagaalka

11-Abu Zubeyr oo laga dhigay Imaamkii Caamka Ee Muslimiinta ee lahaa adeecid taam ah

12-Dulmi iyo Xadgudub ka jira Maxaakimta iyo Qadaaga Xarakada Al-Shabaab

13-dilka iyo leynta hogaankii Al-Shabaab iyo culumada kale ee Khilaafsan Al-Shabaab.

Abu Yuusuf Al-Qariib ayaa waxaa uu qoraalkiisa ku soo xooriyey cabasho uu u diray warbaahinta Al-Qaacida iyo Al-Shabaab isaga oo ku eedeeyey in ay sii deyn wayeen qeylo dhaanta iyo dulmiga ay tabanayaan Muhaajiriinta iyo Ansaarta ku sugan Soomaaliya waxaana uu ugu baaqay kuwa daacada ay tahay Jihaadka in ay alle ka baqaan ayna ogaadaan in qofwalba uu qaldami karo ayna ku gadsoomin qaladaka hogaanka Al-shabaab wuxuuna talo ahaan u soo jeediyey ilaa 10 qodob oo laga faadeysanayo dagaalada ka socda Soomaaliya oo ay wadaan Al-Shabaab.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Abu Yuusuf Al-Qariib oo ay faafisay مؤسسة الزيلعي للإنتاج الإعلامي
Abu Yuusuf_Al-Qariib ´

Halkan ka Akhriso Abuu Yuusuf oo qoraal ka qoray qaabkii loo dilay Ibraahim Afgaani iyo Macallin Burhaan

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online