60.000 Dollar oo loogu talo galay dadka Duufaanta ku dhufteen ee oo laga uruuriyey Kampala
November 17, 2013 - Written by EditorKampala:-Waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay magaaladda Kampala ee caasimadda dalka Uganda laga waday ururinta deeq loogu talo galay dadkii wax ku noqday duufantii ku dhuftay Goboladda Puntland taasi oo sababtay in ay ku dhintaan dad aad u fara badan, hanta badana ku burburtay.
Culimadda Masjidka Towxiid ee magaaladda Kampala ayaa waxa ay ku guuleysteen in ay soo ururiyaan Lacag dhan $60.000 oo Dollarka Mareykanka ah.
Waxaa sidoo kale ka qeyb qaatay Ururinta lacagtani dadweyne fara badan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo ku nool magaaladda Kampala ee caasimadda dalka Uganda.
Ururinta dhaqaalaha deeqda ah ayaa waxaa si weyn uga qeyb qaatay Ganacsatadda Hooyooyinka Soomaaliyeed iyo Ardayda. Iyada oo ay 5 Shirkadood oo waa weyn ay bixiyeen dhaqaalaha intiisa badan.
Dhaqaalaha ayaa la ururiyey maalinimadii Jimcaha taasi oo masjidka gudihiisa laga shaaciyey dad la doonayo in ay ka qeyb qaataan bixinta dhaqaalaha.
Masjidka Towxiid ayaa ah Masjidka ugu weyn ee Soomaalida ku tukadaan salaada Magaaladda Kampala iyadda oo inta badan dadka maskiinta ah laga caawiyo.
Caasimadda Uganda ee Kampala ayaa waxa ay ka mid tahay meelaha ugu badan dadka Soomaaliyeed ay sida weyn isugu xiran yihiin oo ay is gacan qabtaan.
Siciid Maxamed Barre
Kampala,Uganda